GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Wargayska Jamhuuriya oo ka indha dadbaya xaqiiqda By Jaamac dharkayn

Hordhac:

Waxaa maalmahan soo kordhayay Qoraalo Beenbuur ah, oo ka fog Runta. Shacabka Somaliyeed meelkaystoo ay joogaanba waa dad walaalo ah oo isku dan ah. Hasa yeeshee waxaa jira dad yar oo danaysta yaal ah, oo raba inay ka faa�idaystaan Khilaafaadka ka jira maanta Shacabweynaha Somaliyeed, kuwaasoo ku dadaalaya siday u heli lahaayeen danahooda gaarka ah.

Halkan waxaa tusaale ahaan ugu soo qaadanaynaa, Maqaal lagu soo qoray Jaraa�id ay ugu yeedhaan � Jamhuuriya Online� oo lagu tilmaamay inuu ka soo baxo Hargaysa, Maqaalkaas oo uu qoray nin ay ku magacaabeen Ibrahim Hassan Gaagaale, taariikdu markay ahayd 26.08.2005.

Ibrahim wuxuu halkaa ka muujiyay colaad aad u qoto dheer oo uu u qabo qabiil guud oo ka mid ah qabaa'ilka Somaliyeed, gaar ahaanna Shacabka ay jaarka yihiin ee Ogadeenya. Ninkaas isaga ah wuxuu ka been abuuray dhacdooyinka soo socda:

1) Ibrahim wuxuu Maqaalkiisii Cinwaan uga dhigay � Ogaadeenkii shalay na gumaaday, yaa maantana Baaburtanadana gubaya�

Cinwaankan sidiisaba ma aha mid la qaadan karo, waayo ma jirin Shacab Ogaadeen la yiraahdo oo gumaaday Beesha Isaaqa. Balse waxaa jirtay Dawlad la dagaalantay Shacabkeeda, kuwaasoy ka mid ahaayeen Gobolada dhexe, Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia intaba.

Wuxuu u kala qaybiyay qoraalkiisa 3ex qaybood. Qayb ku wajahan Riyaale iyo Maamulkiisii, qabiilka Daarood oo uu laba u kala qaybiyay, Buntland iyo Ogaadeeniya.

Maamulka Riyaale wuxuu ku diidan yahay (marka la dhuuxo qoraalkiisa waa) Qabiil, ee wax kale ma aha. Meesha uu leeyahay Majeerteeniya ayaa Dal naga haysta, Daandaansina wada, waa wax runta ka fog, (marka la eego xaaladda ka jirta Soomaliya maanta) waayo, mar hadayna jirin Dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed, oo qoys waliba uu ootay meeshuu dagi jiray muxuu u diidayaa inuu qoyskan deegaankiisa qabsado, illaa ay ka soo noqonayso dawlad loo dhan yahay.

2) Inuu Jabhadda ONLF Argagixiso ku tilmaamo, ma aha mid la yaab leh. Sababtoo ah, wuxuu turjumayaa cadaawadda dheer ee uu u qabo Shacabka reer Ogaadeeniya. Arintan waxay daba socotaa Koox yar oo Soomaali diid ah, sida Mohamed Ibrahim Cigaal, oo muddo dheer ku soo dadaalayay sidii uu shacabkaa xaqiisa uu ku duudsiyi lahaa, eeg Shirkii Caruusha ee midowga Afrika oo uu rabay inuu Xayle Salase ka gato Dhulkaas, illaa uu ka dhintayna wuxuu ku dadaalayay Arintaas. Abdilmajiid Hussein isagoo ka tala qaadanaya Hargaysa ayuu) wuxuu la saftay Gumaysigii wakhtiga dheer cadaadiska daran ku hayay Shacabka Somalida Ogaadeeniya wuxuu si toos ah ula diriray Gobanimo doonka (wuxuuna ku dadaalay siduu u wiiqi lahaa Xoreynta Ogaadeeniya. Waa markii Taariikhda dadweynaha Somaliyeed ee Ogadenya ugu horaysay uu Qof Somalinimo sheeganaya la soo safto Cadawga Somalida, si uu u gumaado Shacabkiisa.

Waxaa kaloo in la xuso mudan, Jawaabtii uu Buubaa ka bixiyay Waraysigii Sharqul Awsad, ee ku saabsanayd Ogaadeniya, taas oo ku jawaabay inay dalka Ogaadeeniya Itoobiya leedahay, Soomaaliduna degto (oo ay marti ku yihiin).

Waxaa Caalamka oo dhan ka yaabisay, anagana fajac nagu noqotay, inay jirto Koox yar oo Soomaali diid ah oon diin iyo dhaqan toona aan xeerinayn oo cadawgii umadda Somaliyeed ee soo jireenka ahaa u dhiibaya kolba dhalinyaro u soo shaqa tagay ama safaro ku yimid waqooyiga Somaliya si ay ugu muujiyaan Itobiya inay saaxiib la yihiin.

Waxaa la ogsoonyahay in Gumaysigii reer Galbeedka ee dalkeena soo galay uu wuxuu adeegsaday Koox budhcad ah oo loogu magac daray waagaa rayad, una badnaa qabiilka waqooyiga daga, kuwaasoo dhibaato laxaad leh oon la qiyaasi karin u gaystay Shacabkii ku noolaa dalka Ogaadeeniya. Dhibaatooyinkaa waxaa ka mid ahaa inuu Ingriisku yidhi, ninkii ree Ogaadeenya ah ee Qori sita hala tookto, wuxuuna u adeegsaday fulinta arintaa Isaaqa. Xoolihii Shacabku ku noolaa oo uu Geelu u badnaana, waa la ooday oo halkoodii ayay ku baaba�een. Dhibaatada Shacabka arintaas ka soo gaadhay ma aha wax laqiyaasi karo.

Qofkii ku dooda inuu Halganka lagu raadinayo gobanimada dalka Ogadenya inuu yahay Argagaxiso, wuxuuna garaadkeeda lahayn inuu fahmo ujeedada iyo hadafka la hiigsanayo ee muddada dheer ay umadda Somaliyeed u soo halgamaysay taasoo ah in la gaarsiiyo xornimo taam ah Somalida Ogadenya. Waxaa mudnayd inuu Argagaxiso ku tilmaamo kuwa Walaalahood sida sharci darrada ah, ugu dhiiba marwalba Gumaysiga soo jireenka ah.

3) Waa Illahay mahadii inuu gartay qoraaga maqaalka inaan Gumaysi dalkaygii Qaaliga ahaa uga soo cararay, wuxuuse been ka sheegay inay Beesha Isaaqa Kaalmo u fidin jireen Qaxootigii soo galay Waqooyiga Somalia. Qaxootiga wuxuu ku tiirsanaa Mucaawinadda UN-ta iyo tan dawladda Somaliyeed. Waxaase la yaab leh inuu iloobay dagaalkii SNM ay ku qaaday qarankii Somaliyeed inay sabab uga dhigeen dhulkii aan lahayn ayaa la dajiyey qaxooti laga keenay Ogadenya.

Waxaa kaloo la yaab leh inuusan isweydiin Sharciga ay ku joogaan Ogaadeenia? Sida Gashaamo, Goosayga, Harta-Sheekh, Kaam Abokor, Quus iyo Rabaso, iwm. Ma ogtahay inaad dalka ku timid Seero goys iyo Daaqsin si sharci darra ah uu kugu siiyay gumaysigii Ingriiska? Waxaad kalood illowday oo iyana jirta, in Qaxooti aad u farabadan ay ku soo qulqulayeen laga soo bilaabo 1980kii illaa maanta dalka Ogaadeniya. Soo wax la yaable ma aha, inay iyaguna saddex magaalo oon waxba oolin ka waardiyeeyaan Shacabweynaha Somaliyeed, isla mar ahaantaana ay ka faa�idaystaan dhamaan dhulka Somaliyeed?

Meesha uu leeyahay waxbaa lays dhaafsan jiray, waa wax kama jiraan. Xaqiiqadu waxay tahay Xoolaha Ogaadeeniya ayaa lagu dhici jiray Hargaysa, waxaana loo dhici jiray si farsan, oo sida soo socota ah:

a) Kaxayntii xoolaha, baadkii iyo biyihii intaba waxay ahayd lacag, sidoo kale xerada xoolahana waxay ahayd lacag.
b) Xoolaha oo dayn lagaga qaato safarada, marka ay Hargaysa soo galaan, iyo Dilaal, Malaal, Macalqabad, Saarax-waateeye iyo Canshuurtii oo u dheer
c) Biilkii Maqaayadda iyo Hoteelkii

Waxaa inta badan dhacda in Xoolaha Hargaysa la keeno, iyadoo fara madhan laga noqdo.

Xidhiidhkii sokeeye ee u dhaxayn jiray Shacabka reer Ogaadeeniya iyo kan Isaaqa kama iman xumaantiisu dhinaca Ogaadeenka sida uu ku andacooday Gaagaale ee ah inay la safteen dawladii Somaliyeed isagoo ku sheegaya inay dawlad darood difaacayeen. Wuxuuse ka yimid dhinaca Isaaqa.

Tusaale:

SNM waxay si toos ah ula safatay Itoobiya waxayna dagaal ku bilowday Shacabkii reer Ogadeeniya intii u dhexaysay 1980 illaa burburkii qaranka Somaliyeed. Nasiibdarada haysata ree-waqooyiga waxaa ugu mudan taariikhda oo kolba sida ay jecelyihiin ay u sheegaan, taasoo u keenta in khaladaad isdaba-joog ah ay ka galaan umadda Somaliyeed gaar ahaan qabaa'ilka la dariska ah. Waxaa tusaale ahaan looga soo qaadan karaa arintan, dagaaladii ay jabhadii SNM ka bilawday gudaha Ogadenya iyagoo fulinaya heshiiskii ay la galeen Mingisto ee ahaa inay ku duulaan qabiilka Ogadenka si jabhaddii WSLF ay u joojiso weerarada ay kula jirto ciidamada Itobiya. Taariikhda aanay jeclayn in la ogaado waxaa ka mid ah, markii ay SNM go'aansadeen inay dagaal ka dhex tuuraan qabiilka Isaaqa iyo kuwa Ogadenka, sagaal wiil oo arday ah ayay kala dageen baabuurkii ay saarnaayeen. Markay haybsadeen qabiilka ay yihiin ayay goobtii ku saareen wax ay ugu yeedheen maxkamad. Dambigii lagu soo oogay waxuu noqday maxaa keenay Hargaysa? Arday fasax ah ayaan nahay markay wiilashii isku difaaceen, waxaa lagu xukumay in la dilo oo waliba maydkooda la jarjaro. Natiijadii ka dhalatay muxuu noqoday? In kumanaan qof ay ku nafwaayaan, hadafkii SNM ay sheegatay ee ahaa mucaaradka xukuumaddii Siyaad Bare-na uu isu badalo la dagaalanka qabiilka Ogadeenka. Khaladkii maalintaa ay gashay SNM inkastoo ay ka soo wareegatay in ka badan 20 sano, waxaa muuqata in mid la mid ah ay ku sii ruqaansanayaan nimanka ka taliya Hargaysa, iyagoo ku raali galinaya xukuumada Itobiya dhibka ay u gaysanayaan safarada uga imanaya Ogadenya iyo xiridda dhalinyarada u soo meherad tagga Hargaysa. Waxaa hubaal ah haddii ay taariikhda la heshiiyaan oo dhacda walba sida ay ahayd uga run sheegaan in aanay khaladkay shalay galeen ku dheceen maanta.

Waxuu Gaagaale Qoraalkiisa ku soo guuriyay magacyo madax Somaliyeed, wuxuuna ku horqoray midwalba darajadiisa iyo Qabiilkiisa, isagoo ka dhigaya inayna xaq u lahayn inay Somaliya madax ka noqdaan. Qofkii wax garad ah, wuxuu ogsoon yahay inuu qof kasta oo Jinsiyadiisu Somali tahay xaq u leeyahay inuu ka qabto Jago kasta oo uu u qalmo dalka Somalia. Siduu Isaaquba xaq ugu yeeshay jagooyinka kala duwanee uu ka qabtay dalka, sida Mohamed Ibrahim Cigaal, Cumar Carte Qaalib, Ismaaciil Ali Abokar, Ina Laxwas, Cabdiraxmaan Tuur, Buubaa, Salaymaan gaal, Abdi Haybe, ilmo Xawaadle Madar iyo kuwa kale oo jagooyin kala duwan ka soo qabtay dalka.

Adinkoo dalka Ogaadeeniya seero-qoys iyo qaxooti ku yimid, soo hadana may dhicin inaad Kilil ku sheega madax ka noqotaan, sidda Abdimajiid Hussein, Ciid faraax, Axmad Fayaanbiiro, iwm.

Sideedaba ma wanaagsan in Taariikhda been laga sheego. Kacaanka Somalia markuu ka dhashay 21.10.2024 waxaa madaxdii dalka u talinaysay ee guddiga siyaasada ahayd ka mid ahaa Ismail Ali Aboker , Ina laxwasna wuu kaga dambeeyay. Haddaba markay SNM ku soo duushay goboladda Waqooyi, dawlada Somaliyana waxaa waajib ku ahaa inay ka difaacdo cadaw-raaca qaran dumiska ah. Madaxdii lahayd go�aan qaadashada in laga hortago isbahaysigii Mingisto iyo SNM, waxaa ka mid ahaa rag u dhashay beesha Isaaqa, sidda ina Laxwas. Warar xog ogaal ahna waxay sheegayaan inay jirto qayb gaar ahayd oo sirdoonka ka tirsanayd oo guddi 15 Qof oo beesha Isaaqa iyo beelaha la dega u dhashay, maantana Xilal sare ka haya Gobolka Woqooyi. Guddigaa ayaa ahaa kii kula taliyay Mohamed Siyaad inuu la dagaalamo kooxdii caadifadda Qabiilka ku soo weeraraysay laynaysana Yar iyo weyn wixii aan beeshooda ahayn. Ka hortaga Fallaagadii SNM waxaa qayb libaax ka qaatay Ciidamadda Daraawiishta oo badannaa beesha Isaaqa u dhashay

Gabo gabo:

Waxaan la iloobi karin dadweynahii laga ururiyay Goboladda Woqooyi, oo sidda sharci darrada ah loogu dhiibay cadawga ummadda Somaliyeed ee Itoobiya. Waxaan umadda Somaliyeed u soo jeedinanyaa in Siyaasadda guracan ee ay wataan kooxda Somaali diidka ah ee ku amar ku taagleeya Waqooyiga Somalia, hal meel looga soo jeesto.

Marnaba suurta gal ma aha inay kooxdaas Somalidiidka ahi ay Wadanka Somalia, Ogadenia, Kenya iyo Djibouti ay si sharuud la�aan ah meel kasto ku tagaan, oy degaan kana ganacsadaan, iyaguna ay diidaan seddexda magaalo ee ay ka degaan dalka inuu qof Somali ah kula noolaado. Halkaa waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa, diidmadii loodiiday Qanyare inuu ka soo dego Hargaysa, isagoo waliba leh Shirkadda biyaha galisa Hargaysa.

Taladda uugu fiican een dadkeenna ka imanaya Ogadenya siin karno waa inay ka digtoonaadaan falal xumada ay ku dhaqmayaan kooxdda Somalidiidka ah. Waxaan dadkeena kula talinaynaa inay Xoolahood u duwaan Goboladda Somaaliyeed een dan wadaagta nahay, sida Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sool, Nugaal, bari iyo mogadisho iwm.

Qore: Jaamac dharkayn
[email protected]



Source:OGADEN ONLINE

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com