GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Bulshada Reer Ogadenia oo Dhamaantood Siyaasiyiin Wada Noqday By Mujahid Haji
Waxaan jeclaan lahaa in aan soo bandhigo fikir aan in badan is waydiin hayay, maxaa yeelay aduunkan aan ku nool nahay umad waliba waxay leedahay astaamo badan oo kala duwan ama fikrado badan oo kala duwan laakin waxaan la yaabay shaacab waynaha reer Ogadenia sababta keentay in ay dhamaantood ay ka hadlaan siyaasada,waxay igu noqotay fajac arintaasi sababtoo ah meel walba oo aad tagtid ama guri walba oo aad tagtid ama hodheel waxaa laga doodahayaa xaalada wadanka, waana sababta igu kaliftay in aan bal soo bandhigo fikirkayga.

maxaa yeelay umadaha kale ee aduunka waxaad arkaysaa dad kala fikir ah kala ujeeda ah, tusaale ahaan shacabka reer Ogadenia waxaad ku arkaysaa hal qoys oo dhamaantood hal u jeedo wada leh, meesha xitaa mujtamaca somalida kale xitaa aan kala duwanahay gaar ahaan waxaa laga yaabaa in aad aragto hal qoys oo dhamaantood nin walba marxalad kale uu busy ku yahay. sida , laga yaabo in uu mid siyaasada daneeyo , mid ganacsade ah , mid macalin ah,mid iska baagamuudo ah , mid ciidan ah , mid isla iyaga mucaraad ku ah hormarkooda.


Laakiin, shacabka reer Ogadenia waxaad moodaa dhamaantod in siyaasada ay kuwda fiican yihin meesha qayba kale ee aadamigu ay ku yar yihin sababta keentay in aan arintan iyada ah soo bandhigo ayaa waxay igu kalifay marka aan furo dhamaan websatyada reer Ogadenia ee gaar ahaan kuwa ka hadla xaalada wadanka intooda badan waxay mashquul ku
yihin siyaasada iyo dagaalada qabaa,ilada iyo tan somalia hadabada waxaa is waydiin mudan hadii ay kuwo naga mid ah qaateen in ay wadanka ka xoreeyaan gumaysiga iyo hadii ay kuwo kalenah qaateen in ay gumaysiga wax la qaybsadaan maxaa loo la yahay kuwo kale oo u dhaxeeyay labadaasi haayadood oo iyagunah soo bandhigta ujeeda kale
oo aan ahayn mid ka soo horjeedo labadan kooxood ee aan soo sheegnay.


Maxaa loo layahay kuwo ku howlan xaga hormarka sida waxbarashada in la helo jaamacado gaar ah(Private) loo leeyahay iyo Collageyo gaar loo
leeyahay , caafimaadka , isgaarsinta,in la abuuri dhismo private ah sida guryo iyo dhismo kaleba , iyo kuwo ka hortaga jahliga iyo kuwo la dagaalamo in la abuuro qabaa,ilada kale ee doonayo in ay dalka wax ku yeeshaan sida kuwii Raaso iyo barnaamijyo farabadan oo nolosha aadimigu u baahan tahay ayaan u malayn hayaa in loo baahan yahay in bulshada reer Ogadenia isku kala qaybiso hadii la waayo waligeen waxaan ku jiraynaa sida aan hada nahay waana marxaladaha lugu garto marka bulsho
tirtirmayso.

Waxaa nasiib daro ah in dhagahaadu marwalba ay ku soo dhacahayaan mashaariicda loogu talagalay dhulka Ogadenia inta badan waxay gacanta u
gashaa dad aan u dhalan dalka oo markaasi la siin hayo qandaraas maskxadaada aysan marnaba gali karin tusaale ahaan, isbitaalka magaalada Qabridahare waxaa qandaraas ku qaatay shirkad magaceedu lugu sheegay Liiban Company runtii inta og iyo inta aan ogaynba magaalada Qabridahare xitaa waxay awoodi wayday shirkadaasi in isbitaalku helo koronto ki filan iskadaa howlihii kale marka maxaa kalifay in arintaasi dhacdo ma waxaan dhihi karnaa waxay ahayd shirkad hormarineed mise shirkad dadka dabargoynaysay taasi waxaa jawaabteeda iskaleh oo og shacabka dulman ee qabridahare oo markii danbe u adkaysan waayay hagardaamada iyo bahdilaada shirkaadaasi kula kacday shacabka u dhashaya Gobalka waana sababta keentay in isbitaalka magaaladu helo taageerid aan kala joogsi lahayn ee ay u fidiyeen dadka u dhashay gobalka qabridahare ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo kuwa badan oo ka danqaday arintaasi iyada ah .

Hadaba waxay aniga ila tahay in loo baahan yahay shacabka reer Ogadenia ee aaminsan in dalka aan hormar laga sameynkarin inta uu dagaalka socdo ay tahay arin aan jawaab loo hayanin, sabab too ah dalka Lebnan waxa uu soo maray dagaal sokeeya oo inta aan wada ognahay uu socday in ka badan 15 sano laakin maanta Lebnan waxaad moodaysaa in ay waligeed soo marin dagaal sokeeya waana sababta keentay in caasimada
Lebnan ee Beirut ay ka mid noqotay kuwa ugu quruxda badan aduunka sababtaasi ma keenin dowlada lebnan ee shacabka Lebnan oo inta badan qaxay xiligii dagaalka sokeeya ayaa waxay go, aansadeen in ay wadankooda hooyo dhisaan iyaga oo markasi ka wada imaanayay dalka dibadiisa marka waxaa iswaydin mudan hadii Ogadenia uusan ka
jirin dagaal hada shacabka ay la qaxaan ee uu jiro dagaal hoose oo aan wada ognahay sida uu yahay maxaa loo la , yahay in shacabkii wadankan lahaa dal iyo dibadba maalgalin loogu sameeyo maxaa yeelay waxaad arkaysaa kuwo badan oo dhaqaale haysta doonahayonah in lacagtooda ay u helaan maal ay kaga ganacsadaan laakin wadankii ka cabsan haya runtii aniga kuwaasi waxaan dhihi lahaa wadankii idinka ayuu idiin baahan yahay .


Hadii la waayo maal gashi dhab ah oo ay la imaan waayaan ganacsatada iyo kuwa dhaqaalaha ku haysta dibada iyo kuwa wax bartayba in wadankii uu mustaqbalka noqon doono meel somalida kale ay ka buuraan dhaqaalaha wanaa sababta keentay in maanta Soomaali oo dhan doon hayaan inay maal gashadaan Ogadenia.

By Mujahidhaji
E-mail:[email protected]


Rayigan waxuu gooni ku yahay qoraaga iska leh qoraalkan.Godeynews.com kama aho wax masuula ah,hase yeeshee Godeynews waxay soo dhawaynaysaa rayiyada kala gedisan ee akhristayaasheedu usoo gudbiyaan in loo daabaco,ee nagala soo xiriira; [email protected]

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com