GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Talo cusub oo kusaabsan sameynte gole loo dhan yahey(Supreme Council). By Farxan
Markii aan eegay kala daadsanaanta shacabka Somaligalbeed iyo xaaladda la marayo ee siyaasaddeed, waxaan isku qanciyey inaan figrad kadhiibto sida ugu fiican ee aan uga bixi karro qaabkan aan hadda nahay, uguna diyaar garoobi karno waxkasta oo isbaddal ah(scenarios) mustaqabalka dhow iyo midka fog labadaba.

Sidaa darted, waxaana soo jeedinayaa (suggestion or proposal) in la sameeyo gole guud oo loodhan yahay, shacabka qaybihiisa kala duwanna matala, noqdana hay,adda ugu saraysa ee ka go,aa qaadan karta danaha shacabka iyo qadiyadda guud ee nabadda , colaadda iyo qaabka horumarkaba.

1 .MAGACA GOLAHA

Mar haddii lasamaynayo gole guud oo loodhan yahay waa in ugu horayn loo helaa magic kulminaya dhamaan qaybaha dadka, magacacaasina waa mid ay dhamaan dadku katalabixin karaan , laakin aniga waxaaa ihoryaala magacyadan hoos ku qoran.

A .Golaha midnimada (Unitary Council)
B. Golaha sare (Supreme Council)
C. golaha shacabka (General Assembly)

2. Qaybaha golaha uu kakooban yahay

Goluhu wuxuu kakoobmayaa sida aan kor ku sheegay qaybaha kaladuwan ee shacabka sida hoos ku qoran.

A. Ururadda siyaasadda (Political Parties)
B. Ururada samafalka (Non Governmental Organizations)
C. Aqoonyahaynka (Intellectuals or academics)
D. Siyaasiyiinta madaxabanaan (Independent politician)
E. Oday dhaqameeyadda (Traditional elders)
F. Xoghayn (Secretarials)

Waxaana golaha umatalaya qaybkasta 3 xubnood , laakiin aqoonyahnka iyo xoghaynta waxaan siinlahaa 5 xubnood midkiiiba wuxuuna galahaasi fadhiisanayaa , go�aamadiisa ku qaadanayaa qaabkii la isla garto.

3. SHAQADA GOLAHA

Golahan oo kakooban dhamaan qaybaha bulshada wuxuu qabanayaa arimaha soosocda.

A. Dajinta siyaasadaha iyo istiraatiijiyadda guud ee loobaahan yahay inuu
ilaaliyo qof kasta oo muwaadin ah.
B Iskuxidhka iyo kawarhaynta shaqooyinka iyo siyaasadaha ay qabanayaan qaybaha
shacabka ee loola jeedo waxtarka dalka iyo dadka.sida ururadda siyaasadda, NGO-
yada iyo qolyaha kililkaba, si aanay uga bixin istiraatiijiyadda guud ee golaha.
C. Katalinta sida lookala hormarinayo ( Priorities), shaqooyinka ay habooon
tahay in laqabto muddo go,an.
D. Ka baaraandagidda sida ugu haboon ee looga faa�idaysan karo
fursadaha(opportunities) laheli karo, iyo sida loo yarayn karo waxyaabaha kasoo
horjeeda (threats) maslaxadda umadda.
E. Abaal marinta iyo dhiiri galinta ururada iyo shaqsiyaaadka ay cadaato inay ku guulaysteen shaqooyin laxidhiidha danaha guud ee shacabka, isla markaana sharaf dilaan , ceebeeyaanna qofkii kahoryimaadda maslaxada guud ee umadda

F. Dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaaadka ka dhici kara dadka dhexdiisa gaar ahaan kuwa siyaasadda,iyo colaadaha .
J Qabshadda dood cilmiyeedyo iyo baadhitaano lagaga baaraan dagayo xaaladaha hadba soo cusboonaada iyo sidii loo waajihi lahaa.

4. XUBNAHA GOLAHA

Xubnaha kamid noqonaya golaha waa inay ahaadaan kuwo loo fiiriyey ama leh astaamahan hoos ku qoran.

A. In xubinku yahay mid aan soogalin wax lagu tilamami karo khayaamo umadeed.
B. Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo kufilan,daacadna kayahay maslaxadda umadda
D. Inay si rasmi u soodoortaan cidda uu matalayo ee qaybaha bulshada ee aan kor kusoo sheegnay.
E . In uu yahay qof karti iyo dulqaad u leh lashaqaynta dad badan oo kala
afkaarduwan,
F. Inuu yahay qof aan lahayn balwad heer maandooriye ah sirtana lagu aamini karo

5. FAAIIDOOYINKA GOLAHA

Golahani waxaan uga jeednaa inuu noo horseedo ,xaqiijiyana faa�iidooyinkan hoos kuqoran .

A. Wuxuu yaraynayaa jaha wareerka siyaasadeed iyo, khilaafaadka ku salaysan danaha kala duwan.
B. Wuxuu dadka ka caawinayaa inay ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee wadanka iyo
shacabkuba ku jiro markasta,
C. Shaqada iyo howlaha laqabanayo oo noqonaya wax la ogyahay, kuna salaysan maslaxada umadda .
D. In howluhu u qabsoomaan sida ugu fiican iyo waqtiga ugu haboonna ku qabsoomaan dadaalka( effort) ugu yar.
E. in golahani noqdo mid kataga taariikh ay kaduulaan jiilalka (generation)
soo socda.
F. Wuxuu golahani naga caawinayaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa maamul wanaagsan(good gevernence) kusalaysan xisaabtan iyo wadatashi mustaqbalka.

6. GABAGABO

Waxaan fikirkaygii ku soo gabogabaynayaa arimaha soosocda

A.Waxaan jeclahay inaan ogaado in figradani tahay mid wax ku ool ah iyo in kale
B Waxaan ogolaahay in wax laga badali karo ama lagu kordhin karo haddii loo baahdo
C. Waxaan diyaar u ahay inaan kaqaybqaato hirgalinta figradan ee dhankasta, haddii
loo baahdo in lafuliyo.
D. Waxay figradani baraarujin utahay dadka awoodda uleh inay keenaan figrado kale oo dalka iyo dadkaba anfacda.

Ugu danbayna waxaan ugu baaqayaa dhamaan aqoonyahanka, waxgaradka iyo dadwaynaha sharafta leh ee S/galbeed inay ogaadaan inaan marayno xaalad kala guur ah oo ay haboontahay inaan kulmino awoodeena iyo fikirkeena , si aan uga faaidaysanno fursadaha aad mooddo inay soo muuqanayaan maanta .


Mahadanidiin
[email protected]

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com