|
|
Jawaab ku saabsan qoraalka xiriirka ka dhaxeeya "ONLF & hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya qaarkood". By Abdullaahi Mohamed
|
Waxaan ahay shaqsi asal ahaan ka soo jeeda gobalkan Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed, inkastoo aanan ku dhalan wali ilaa hadana aanan cagaha dhigin dhul ka mid ah deegaankan,hase ahaatee dhibaatada meeshan ka taagan waan ka danqanayaa in ka badan in uu kadanqanayo dadka qaarkiis deegaankan ku dhashay kuna soo barbaaray oo aan kula kulmay meelo kala duwan oo dunidan daafaheeda ah.
Waxaan la yaabsanahay in shaqsi u dhashay gobalka Ogaadeenya ama kadan qanayan dhibaatada gobalkaa ka taagan oo u qoro warbixin noocaan oo kale ah. Waxaan sidoo kale la yaabanahay in warside muhiim ah sida Soomaali Tribune uu ogalaado in uu baahiyo warbixin si cad uga beensheegaysa ururka ONLF & hogaamiyayaasheeda.
Marka hore qoraagu wuxuu sheegtay in ONLF ay gacansaar leeyihiin Indha-Cade iyo hogaamiye kooxeedyo Soomaaliya jooga. Waqtigan xaadirka arrimaha Soomaaliya hadii aan fiirino waxaa cad in loo kala jabay qeybo badan kuwa ku xiran Ethiopia iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaa markaa cadaan noqonaysa in ummadda reer Ogaadeenya aay dan ugu jirto in aay wada xiriiraan cida markaa ayagu ka soo horjeeda cadowga xooga inagu heeysta intii aan raaci lahayd kuwa had iyo jeer Ethiopia kaga hela taageerada xaqiraada aay xaqirayaan ummadda reer Ogaadeenya.
Arrinta ku saabsan heeysashada Indha-cade uu heesto dhul uusan laheyn, tani waxeey u taalaa dadka dhulkaas is kaleh, inagu teenii ayaan gabnay. Markaan ka hadallo gubitaankii Dhoobleey waxa u sabab ahaa hogaamiyaasha beesha Absame oo iyagu wax diyaar garoow ah aan ka samayn isagoo qof walbana ogyahay in maanta Soomaaliya qoladii uu deegaankoodu dayacan yahay la iska soo gali, laga danaysan, lagana baxayo iyadoo aanan jirin cabsi ah amaa la iska kiin difaacaa.
Labada qole ee ku hardamaysay dhulka Absame, labaduba waa dad aan dhulka u dhalan, hasa ahaatee labada dhinac waxa ku jiray ciidamo Absame ah oo u kala hogaansanaa labada dhinac ee is ceersanaysay. Maxaa u diiday in iyagu aay u hogaan samaan hogaamiye iyagu aay leeyihiin si dhulkooda aay u hantaan ileen dhul dadkiisii difaacanaya cidna ma hunguriyeen karto?
Absame dhul aad u balaaran ayuu jubooyinka ka dagaa maanta ma ii sheegi kartaa hogaan Absame ama xoog militari aay maanta dadkaas leeyihiin si aay ula xisaabtamaan dadka ayaga ku soo xadgudba, jawaabtu waa maya waxaana ugu wacan iyaga oo aan is qiimeyn, siinina taageero muhiim ah kooda wax u qaban lahaa.
ONLF waa urur xaq u dirir ah matalana in ta badan dadka Ogaadeenya mudana in la taageero shuruud la'aan( waa qofkii fahmaya muhuumada lahaanshe urur xili cadawga ummadda reer Ogaadeenya uu aad u fara badan yahay ), in kastoo waayadan danbe aay soo badatay eedeynta ururkan kana imanaysa dhinacyo badan ujeedadooduna tahay baabi'inta awooda Ogaadeenya. Soomaalidu waxay tiraahdaa "Miro gunti kuugu jira kuwa geed saaran looma daadiyo ". ONLF hadii maanta la waayo ayeey dan u tahay ayaa hayo urur badali kara?.
Markii dad iyagu Absame sheegto aay ka qeybqaateen burburinta awood ka mid ah awoodihii ugu waaweynaa koonfurta soomaaliya SPM, taasi waxay kentay in bahweeyna Absame ay shacab ka noqdaan dhulkoodii sidii la rabana laga yeelo. Fikirka waa lagu gadisnaan karaa laakiin dan ummadeed marna lama dayico karo, xuduudo muqadas ah ayaa jira oo aan marnaba la dhaafi karin. Jawabtii aay ONLF ka bixisay dhalinyada qabiilkooda dartood loogu heesto hargaysa ayaa ku filan in ONLF taageero buuxdo la siiyo, halka uu maamulka Jigjiga iyo raga ayaga ka shaqeeya burburinta awooda ummadda Ogaadeeenya aay u hanbalyeeyeen una tacsiyadeeyeen reer Waqooyiga, amaba inkiray xaqiiq jirta. Talo, ummadda Absame waa ummadda ugu cadow badan geeska Africa, Absame ma arko cadowgiisa sokeeyo & shisheeyaba, ee iyaga ayaa loo adeegsadaa baabi'inta iyo burburinta kooda dantooda wada, waana cudur eeysan qabin qabaa'ilada kale ee Soomaaliyeed, u sacab tumida ummaddaha kale ayaa inoo caadi ah, halka qabiil walba uu dantiisa iyo jiritaankiisa uu daacad u yahay, waa dad isku maqan laguna soo maqan yahay.
Waxaan ka codsanayaa shacabi-weynaha Absame in aay la shaqeeyaan hogaamiyayaashooda danta ummaddooda u taagan lana taliyaan garansiiyaana ku wooda garab marsan danta ummaddooda. Inta lagu mushquuli lahaa dacaayadeenta ONLF, waxaa inala haboon il loo is taago soo celintii awooda ummaddeena ee Jubooyinka si uusan dhulkeena u noqon halaq mareen iyo in aan malwalbana a haanin dad dulman oo awoodoodii aay noqotay calaacal.
Abdullaahi Mohamed [email protected]
NB:We welcome the submission of all articles for possible publication on Godeynews.com. So please send your article today. The opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Godeynews.com
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com |
|
|
|
|
|
 

|