GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
GEEDIYOOW SOOMAALI GEF-BAAD KA GASHAY. By Hereri Haji
Tan iyo maalintii gumaystayaashu ay soo galeen geeska Afrika Abbaarihii 1880naadkii waxa ay shacabka soomaligalbeed ee ku dhaqan Ogadenia ku jireen dil, xidhay, jidhdil, nolol xabaal iyo in la waayo jaan iyo cidhib meel ay dhigeen hanado iyo gabdho lagu hanwaynaayi dhibkaas oo ay Itoobiya oo xoog ku haysataayi.

Waxaa lagu hayey ilaa hadana lagu hayaa dhamaan wax kasta oo lagu dulayn lahaa jiritaanka shacabka, haba ugu danbayso 8 ruux oo todobaadyadii ina dhaafay isku mar lagu dilay magaalada Famadaw ee gobolka Dhagaxbuur iyada oo aysan jirinba wax ay galabesadeeni.

Hadaba dhibaatooyinka ka jira Ogadenia oo ah mid aad udaran kana warhayaan dhamaan soomaali ayaa waxa qaadan waa noqotay hadalii Geedi kaga jawaabay suaal uu waydiiyey muwaadin soomaaliyeed, taasi oo u dhignayd mawqifka xukuumadiisu ka qaadatay dhulalka soomaaliyeed ee wadamada dariska ahi xooga ku haystaan.

Runtii inkastoo aysan jawaabtii Geedi ka bixiyey suaashaas aysan wax is bedel ah ku keenayn maskaxda soomaaliga fayoow ayaa waxa weeyaan mid ka dhawaajinteeda laga xumaado ahna meel ka dhac aad u wayn, waayo waxaa dareemi kara dhib ka uu leedahay hadalkaas hawlyaraanta uga soo yeedhay Geedi soomaaliga lagumaysto maalikan maanta ah iyo walaalkiisa dhifka ah ee si wayn u ogaa xaalka uu ku waabariistay subaxaas,
bal qiyaas sida uu uga murugooday walaalka Itoobiya dubaha madaxa kala dhacaysaayi hadalkaas?

Runtii aad ayay maanta noogu darantahay in madaxda Soomaaliyeed ee aan hiilka ka sugaynaayi na dhahaan way xornimo qaateen kana been sheegaan xaalada dhabta ah ee aan ku suganahay maanta, waxaan jirina ka sheego xaalada aanku jirno garab iyo dhiiri gelin aad u wayna u hooyo cadawga aan ifka ku leenahay ee aan uga bara kacnay dunida halkii Eebe nagaga beeray ee ay awoow yaasheen ku dhasheen.

Waxa ah arin aan la iloobi karin xaalada saaka lagaga waabariisto Godey iyo sida uu walaalka soomaaliyeed ee madaxda noo ah ahna ninka keli ah ee aan maanta sugaynaayi si jees jees ah nooga sheego wax aan jirin naaguna sii cadaadiyo cadaabka ifka xaalada la odhan karo ee aan ku suganahay.

Runtii hadalkaas aadbaanu uga xunahay waxaanan leeyahay geediyoow weli maanaan xoroobin belse way dhowdahay insha allaah, tabar aan lahaanaba inta aan ifka joognona waan u dagaalamaynaa xoriyada dayna maayo walaalka fayoow ee soomaaliga ahi hiilimaadka uu nala garabtaagan yahay ilaa aan helayno xoriyad buuxda waxaanse Geedi uga digi in uusan taariikh xumo kala tegin jagada hada uu ku magacaaban yahay waxaanan leeyahay maadan fahminba haybada dhulka( teritorial integrity of somalia)
waayo iska daa Ogaden iyo NFD oo ka mid ah dhulka soomaliyeed ee maqan e, kii joogayba maadan dhahdeen waan aqooonsan hadii aad fahamsantahay Axdiga dalka waxaanan ku leeyahay GEEDDIYOOW SOOMAALI GEFBAAD KA GASHAY waana mid kuu taala abidkaa.



By Hereri Haji
E-mail;[email protected]

NB:We welcome the submission of all articles for possible publication on Godeynews.com. So please send your article today. The opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Godeynews.com


Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com