|
|
Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi. By C/llaahi Max'ed
|
Tan iyo markii DKS lagu soo dhisay Kenya madaxweynana loogu doortay colonel C/llaahi Yusuf waxa soo badanaya hadalada meel ka dhac ku ah shucuubta dhibaataysan ee Ogaadeenya ama S/Galbeed iyo NFD.
Hadaladaas oo ka imanayalabada musuul ee ugu saraysa DKS iyo inta aay isku fikrada yihiin. C/llaahi yuusuf mar lagu eedeeyay in uu Ethiopia ka amar qaato, jawaabtiisiiwaxay noqotay in uu yiraahdo aniga ayaaba Ethiopian ah. Wuxuuna sheegaa in uusoo celinayo midnimadii & dowladnimadii soomaaliyeed, bal akhristoow is waafajilabadan eray e is burunaya kana soo wada yeeray iska af qura.
Mar kale wuxuu sheegay in aanu jirin dhul iyo dad soomaaliyeed oo maqan oogumeeysiga xabashida ku hoos jira. Geedi oo ah nin Profesor ah wuxuu BBC-da kasheegay in dhulka iyo dadka maqan aay ka mid yihin dowladaha xooga ku heestataas oo macnaheedu yahay hadaan nahay Madaxwyne C/llahi yuusuf iyo Ra'iisalwasaare Geedi Ethiopia waan u xalaaleenay dhulka iyo dadka Soomaliyeed oo uureer galbeedku u qacan qabteen Ethiopia.
15 sano ayaa ka soo waregtay markii la waayay qaranimadii Soomaaliyeed, waxaanasiib daro ah in markii la is lahaa hada ayaa la doogsanayaa in awooda DK aygacanta u gasho kuwo iyagu balan ku qaaday in aay ku abaal mariyaan Ethiopiaxad gudubyada aay ku heeyso shucuubta Soomaaliyeed oo iyagu aan marnabarabitaankoodu aheyn in aay Ethiopiyaan yihiin ama wax la wadaagaan Ethiopia ooaan aheyn darisnimo. Waxan jeclaan lahaa in aan xusuusiyo labadan mas'uul iyo kuwa la fikrada ah ba,in dadka Soomaaliyeed ee dhulkaa dagan aayna waligood ogolaaneen in ay katirsan yihiin dad iyo dowlad aan tooda ahayn, (dunidan weey ka jiraan umado xooglagu heesto) taasna waxaa u daliil ah halgamada hubeysan ee is daba yaala ilaaiyo maantadan oo aad adiga Jaale Madaxweyna ka mid ahayd saraakiishii Soomaaliyeed oo dhulkaa xoreeyay argagixintii waarso ka hor, xiligaana Ethiopianmaadan aheyn.
Labadaasi mas'uul waxey sheegaan in Ethiopia is badashay talis cadaalada kataliyo shucuubta Soomaaliyeedna xaqooda heestaan, taasi waxa beebinaya xaaladadhabta ah ee taagan oo aay ugu danbeysay qasuusii ciidamada Ethiopianku aayshalay ka geesteen magaalada Q/Dahare. Dhibaatooyinka taliska Tigreegu u geesto umadan ma aha wax halkan lagu soo koobikaro, waxa dareemi kara cida aay ku dhaceyso, bulshada caalamka ee cadaaladajecel iyo inta aay Soomaalinimadu ku jirto, waxaase in taa u sii dheerSoomaalida qaarkeed sida kuwa W/Galbeed oo aay dawlidnimadu madaxmartay iyolabadiina mas'uul oo taageero nooc walba ah oo shuruud la'aana siiya cadawgakaliya ee aan ku leenahay dunidan .
Ethiopia waxay cadawkanaga noqotay markii aay ku darsantay gumestihii reergalbeedka ee ina kala qeybiyay, taariikhdana laguma hayo wadan African oo aan kasoo horjeesan nimankaa yurub ka soo duulay oo aan Ethiopia ka ahayn, waxaana laoran karnaa heshiis ayaa dhacay marka aay ku laabato halkii ay ka timid sidiiaay guryahoodii ugu laabteen oo kale nimankii korka cadaa. Max'ed xaaji Ibraahim Cigaal ayuu ahaa ninkii saxiixay in NFD ay Kenya ka midtahay xili uu hayay jagada aad heeyso oo kale Mr Geediyow ayada oo aanan arintaabaarlamaankii iyo qeybihii kale ee dowlada Soomaaliyeed ee xiligaa ka koobneedama dadka dhulkooda la saxiixayay aan lagala tashan oo aan rabitaankooda laweydiin.
Hadaba waxa cadaatay siyaasadiina ku aadan dhulka loo yaqaano Ogaadeenya amaS/Galbeed In aaysan jirin wax taageero ah nooceey rabto ha ahaatee oo la idinka sugayaa ,waxaanse idankaga digayaa in aadan samaynin qaladkii uu sameeyay Max'ed XaajiIbraahim Cigaal oo kale.
Ma jirto wax ka qiimo badan Xoriyada,waxaan idanka mudanahay in aad taageeronooc walba ah na siisaan hadii aad tihiin hogaanka Soomaaliya ee wakhtigan,hadii kale Qadiyadan waxay u taalaa dadka iyagu dhibaatada heeysate , waxan idanka codsanayaa in eeydan noqon afhayeenka gumeestaha oo eeydan taariikhda meelxun ka gelin. Waxan aaminsanahay in shucuubtan xaqooda aay heli doonan dhawaaama dheeraatayaaba hadii Alle idmo.
Abdullahi Mohamed E-mail; [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|