|
|
DOOD FURAN: CabdiLadiif Afdhuub Waa Hogaamiyaha Afmadow ee Yaa Ka Dhigay Hogaamiya Absame. By Mukhtar Mahat
|
Soomaalidu waxaay ka mid tahay qoomiyadaha ku nool geeska Africa,waana qoomiyada kaliye isku afka iyo diinta ah, hadana waa qomiyada kaliye aan isku danta ahayn. Ma jirto daan guud ee waxa jira daan qabileed iyo mid gaar ahaneed, sida waxa Somalida gayaansiyay aqoon daro iyo jahli.
Mar hadi Somalinimadii ku dhisan tahay qabiil iyo deegaan waxa laga maarmaan ah inta isku qabiilka ama isku deegaanka ah in aay yeeshaan daan guud oo kulmisa una adeegto danahooda iyo dar yeelka danaha qabiilkoda,waa sida aay tahay Somalida maanta. Sidaa awgeed waxaa haboon in qabiilkan Absame u la mid noqdo qaba'ilka kale, nasiib daaro se waa qabiilka kaliye ee deegaankisii u shirka yahay ama lagu haysto.
Waxaa marka haboon in la is weydiiyo wixii aan ka yeeli lahayn inta aanan qaarkeen sheeganin saldanooyin iyo darajooyin aan jirin oo riwaayad oo kale ah sida tan Abdilatiif oo kale. Waxaan ka xumahay sida khaladka ah ee magacan Absame, looga dhigtay mid shaaha kaliye maqaaxiyaha lagaga cabo, maaliin Alle keenaba kooxbaa sheegata inaay shireen oo sameeyeen hoggamin Absame leeyahay. Mar hadi mudda dheer lagu hungoobay arrinta iyaada ah waxa laga marmaan ah in laga leexdo wixii diib u dhac kale iyo tafararuq keenaya.
Goboladan Jubooyinka gaar ahaan Jubbada hoose waxa aay ka kobantahay shan degmo, shantaas degmo labo mooyaane saddaxda kale laguma tarraxo Absame, haddana ma laho wax maamul oo mideeya marka laga reebo Mamulka xooga ku haysto ee uu hogaamiyo Barre Hiirale, waa nasiib daaro inteeda la'eeg iyaado magaalo madaxdi gobolka ku jiirto maamul xoog ku haysto in koox Afmadow ku shirto ka dibna aay ku dhawaqan maamul.
TALO BIXIN
Waxaan ku talin laha in beelaha Absame aay marka hore yeeshan Maamul degmeed madaama aay leeyihiin degmooyin u gaar ah, waana in laga waan toobo xaad gudbka in aay degmo degmada kale ka cod badato, waxaan hubaa haddi sidaa lagu saleeyo maamul sameeynta Absame, dadka khaladka ka ganacsadana dadka laga qabto in aay mudda yar dabadeed aay wax la qabsan karan qaba'ilka kale Somaliyeed. Haddii aan saa layeelin waxa dhici waxa ka soo baxay shirkii Afmadow ee koox u Cabdiladhiif hogaminayo isku magacawdo.
Waxaan Cabdiladhiif kula Talinayaa inta uusan Absame hoggaminin ha isku daayo in meel iskugu keeno Beesha u ka dhashay qarkood oo afhayeeno u kale ah Barre Hiirale iyo Moorgan iyo inuu ka waan tooba jagadan uu sheeganayo. Waxa ka haboon in aad sheegato Gudomiyaha Degmada Afmadow, kadibna aad isku daydo inaad mideeyso danaha Absame, markaasna inaad u tartantid hoggaanka Absame.
Waxaan Cabdiladhiif iyo qaar kale oo badan ka filayay walina ka filayaa in aay la yimadaan wax ka badalan wixii horay looga baratay Reerkan Ogadeen ee ku dhisnaa qursi iyo is la weynan, waana ta maanta dhiigtay Absame halka aay maanta yalaan.
Mukhtar Mahat E-Mail: [email protected]
NB:We welcome the submission of all articles for possible publication on Godeynews.com. So please send your article today. The opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Godeynews.com
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com |
|
|
|
|
|
 

|