|
|
ONLF iyo taageeradeeda Qurbaha. By C/laahi Axmed Gaas
|
Maalinta 5 Dec 2024 waa maalin taariikhi u ah dadka daneeya siyaasada gobolka ajuura cunsan ee xataa magaciisa la isku khilaafsan yahay; Somali Galbeed, Ogaden, Kililka Shanaad, Hararge ninba siduu jecel yahay.
Maalintaasi waa maalinta ay dad fara badan u iftiintay taageerada rasmiga ah ee ONLF ay ku leedahay qurba joogta Ogaadeenka (dhammaanba qabaa'ilka kale ee Soomaalidu wuu diiday 100% siyaasadeeda iyo jiritaanka ONLF). Maalintaas oo sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda ONLF tu inay kicin doonaan TSUNAMI waa banaan-baxyo ka dhacaya 4 wadan oo Yurub ah. Waxaa London oo kumaankum Ogaadeen ahi dagan tahay isu soo baxay dad ay BBC du ku sheegtay inay yihiin 70 ruux. Xibnihii JWXO ee ka yimid wadamada Scandanivian kana waxay noqdeen sida la sheegay 56 ruux.
Away taageeradii ONLF ee shacabka ee boggaga Internet ka lagu faafiyo inay afar jibaarantay? Maxaa kalifay in 70 qayisha oo sigaarka cabta ay isu soo baxaan?. Dalka South Africa oo mudaharaad wayni ka dhacay waxaa la ii sheegay inay qaban-qaabisay jaaliyada Soomaalida ee South Africa inkasta oo xubno JWXO ahi ay ka qayb galeen. Jaaliyadaasi waa mida waagii hore ku banaanbaxday Max'ed I Cigaal.
Ma aynu nihin dad cashar qaata laakiin hadaynuba qaadan lahayn waxaa halkaas ka soo baxay sida ay ONLF u fara madowdahay. Waxaa London laga sheegay jaaliyada dagan in qaar badani yidhaadheen waanu ka xunahay wixii ka dhacay Q/Dahare iyo Fooljeex laakiin hawl ONLF ku jirto kama qayb galayno. Meel walba afarta dacal ee aduunka waa noocaas.
Dr.Doolaal oo hadii ayna BBC du tagi lahayn kana soo warami lahayn odhan lahaa "Kumaankum dad ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha London ayay dhaaftay fursad kale oo uu waxaan jirin u sheego dadkan jaha wareeray ee moodaya in cidi wax ugu maqan tahay"
Dr. Doolaal waa ninka yidhi maalintii maxaabiista la laayay waxaa maxaabiista loo qaadayay Eritrea! Maskaxda caruurta 10 jirka ah ma gali karto in nin maxbuus kuu ah oo aad dagaal ku soo qabatay aad tidhaahdo I difaac adigoo ka horgaynaya ki soo lug gooyay ee Eritrea ahaa ee dhama� a ku laayay? Haduu odhan lahaa war waxaanu moodaynay inay Ethiopia bur-burayso oo anagaa wiilasha oo la sii daynayo lug goynay waa la rumaysan lahaa? Nasiib daro fursad walba waxay Doolaal, Sh Ibraahin, Max�ed Ismaaciil, M Cumar iyo inta la midka ahi u isticmaalaan �Beentu halgankay ka mid tahay� Laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah.
Waxaa inoo laaban banaabaxyadii Minnesotta oo ay isu soo baxaan labaatameeyo ruux barito oo aynu sii xaqiiqsano meesha wax marayaaan.
Saxaafada ay maamulaan JWXO ama dadka u xagliya iyaga oo haatan is leh beer laxawsi kale ka hela bulshada ayaa bilaabay dad baa la xidhxidhay, gabdhaa la waayay, guryaa la gubay iwm. Waxaanu ku leenahay war la qabaa xiisa ma leh. Intaas waanu ognahay inay wadankii ka jirto. Idinka iyo anagubana waxaynu caydha ka qaadanaa dalalka Yurub. Geeljiraha dhiiga 100 la geeyay jalfista dhigaya xaafadaha la dagan yahay sidii ka dhacday Fooljeex ma wadanbay xorayn?
Gobolada kale ee Soomaalidu dagto maa guri la gubo, ama qof la xidho? Ma madaraso la xidho? Miyay Ethiopia kala jeceshahay Guda Biirsay iyo Ogaadeen?. Nimanka qurbaha jooga ee leh waan halgamaynaayow meel bannaan baad fadh-fadhidaan. London ku cibaara qaata. Dhaha waanu fashilanay, Ogaadeena waanu fashilinay. Waa in maxkamada la idin saaraa, danbigaas la idinku helaa oo aan la idin cafinin ee la idin toogtaa mid-mid.
Xadiis ayaa wuxuu yahay qofku been ayuu sheegi, wuu wadi inuu sheegayo ilaa Ilaahay agtiisa laga qoro inuu beenale yahay. Kadibna adoomada Ilaahay ayaa ogaan inuu beenaale yahay. Hadaba dadkoo dhani si buuxda ayay u ogyihiin inaad been uun haysaan, sanadkan cusub ee 2006 wuxuu horseed u yahay in la idinka talo baxo.
Qore; C/Laahi Axmed Gaas [email protected]
NB:We welcome the submission of all articles for possible publication on Godeynews.com. So please send your article today. The opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Godeynews.com
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com |
|
|
|
|
|
 

|