|
|
JAWAAB:ONLF iyo Taageeradeeda Qurbaha. By Ali Ahmed
|
Waxaa yar jeclaaday inaan labo kalmadood ka idhaahdo hadalka raqiiska ah ee uu soo malmaluuqay ninka qoray maqaalka ONLF iyo Taageeradeeda Qurbaha anigoon ku dheeraanaynin. Iyadoo ay dulucda qoraalkaygu tahay oo kaliya inaan tusiyo inuu isagu yahay waxa uu dadka ku aflagaadaynayo.
Gunaanadka qoraalkiisa ayuu wuxuu ku yidhi � xadiis ayaa wuxuu yahay qofku been ayuu sheegi, wuu wadi inuu sheegayo ilaa ilaahay agtiisa laga qorayo inuu yahay beenaale, kadibna addoomada ilaahay ayaa ogaan inuu beenaale yahay�. Hadaba, Haddaynu adeegsanno xaddiiskan oo aynu ku dabaqno, qoraalkiisa waxay durbadiiba caqliga saliimka ahi garanayaa inuu isagu yahay waxa uu dadka ku caynaayo (B******).
Mudaharaadadu ma khusayn dad iyo qabiil gaara ee waxay khuseeyeen, xaqiiqdiina ka soo qaybgalay qofkasta (intay u soorta gashay) oo dulmiga neceb, kana danqanayay gumaadka ay dawladda Ethiopia kula kacayso shacabwaynaha reer Ogadenia (regardless of whether one supports ONLF or not). Siday dhabtu tahayna Jaalliyado ayaa abaabulayay Bannaanbaxyada, iyagaana dhigayay.
Bannaanbixii London ma in ONLF ah oo qaadka wada cunta ayaa joogtay? Maye dad ONLF iyo dadkaleba, carruur iyo cirroole, haween iyo rag, culimo iwm way joogeen. Anigu waan joogay waligayna balwad ma cunin mana cabin. Maxay arrintani adiga kaa dhigaysaa? Innagu celi xaddiiskii aad soo daliishatay. Waxaad xustay inay soomalidii kale diidday ONLF siyaasaddeeda , waxaadna leedahay Somali ayaa mudaharaadadii qaarkood soo abaabushay sida south Africa.
�Odhaahdaada lama dheehan karo saa waaxbaa kuu dhiman�
Waxaad qoraalkaaga ku caddaysay (walaw aad adigu damacsanayd inaad aflagaadeyso). 1- Inay ONLF dadkeeda abaabusho kuna dhiirri galinayso inay ka dhiidhiyaan gumaadka Ethiopia ay ku hayso. 2-Inay iyada uun ka damqanayso gumaadka shacabkeeda. 3-Inay Somali aad u taageerto maadaama ay bannaanbaxyadeeda wax ka abaabulayaan.
Ta kale waxaan kuu sheegi lahaa inaad kala saarto Tiro iyo Tayo. Hal qof oo bannaanbaxyadii ka soo qaybgalay wuxuu dhaamaa 1000(kun) adoo kale ah. ONLF inay taageero leedahayna adaa ka makhraatiya maxaa yeelay haddii kale kamaba aadan hadasheen. (you ara probably in the pay of some WAYANE agents), ONLF iyo dadka kale ee wata fakir ay dadkooda dadkooda wax ugu qabanayaan midna adiga kuuma baahno.
Ta kale waxaa kuu caqli xumo ah inaad dad wanaag ku caydo. Hadday ONLF ka mudaharaaday dhibka dadkeeda loo gaysanayo maxay bi�isay? Ehelkii marxuumiinta Ethiopia gumaadday iyo dadkii ku damqadayba siday kuu arki baad u malayn?. Aanse ku waydiiyo e maxaa kaareebay intii mudaharaadaysay? Mise adoo dibadaha jooga ayaad ka cabsanaysay inay wayaanuhu ku arkaan? Mise cayda ONLF ayaad leedahay aad Mr MELEZ ugu dhawaatid?.
TALO:
Waxaan kugula talin lahaa inaad horta soo barato habka iyo nidaamka wax loo qoro, fakir loo gudbiyo(waxbaan dooni inaan qoro dadna waan cayn! Its not on). Inaad nacaybka iyo bahasha (lies) aad harqinayso joojiso maadaama ay adiga uun kugu soo noqonayso.( markale daalaco xaddiiskii aad soo daliishatay iyo waxaad qortay), �caqligaagu yuu noqon, cudur adiga kuu daran, caddibtaye naftaadii, yaysan adiga kaa caban�
Ilamana qumanaateen in hantaa tacaaga website muhiim ah sida Godeynews.com lagu soo qoro, maadaama aad sumcad dhac uun soo kordhinayso.
Mahadsanidin.
Ali Ahmed, E-mail; [email protected]
NB:We welcome the submission of all articles for possible publication on Godeynews.com. So please send your article today. The opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Godeynews.com
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com |
|
|
|
|
|
 

|