|
|
REER AAN OGAHAY MA GUURO. By Maxamed Qamaan (Somaliherald.com)
|
Sheeko laga wariyey Dawaco (dabcan waa 'khiyaal'), ayaa waxaa ciwaankeedu ahaa "Wallee reer aan ogahay ma guuro". Aniguna waxaan eegga leeyahay "Wallee reerkani si sahlan kuma guuro" Waxaa dhawaan shabakadaha qaarkood lagu soo daabacay maqaal uu ciwaankiisu yahay "JABHADA ONLF IYO TAAGEERADEEDA QURBAHA". Maqaalkan waxaa qoray C/llaahi Axmed Gaas oo si badheedha ugu jees-jeesaya dadkii wakhtigooda iyo hantidooda u huray cambaarayn iyo ceebaynta Xukumada Itoobiya oo dad rayad wax yeelo u gaysatay Qabri-dahare iyo Fooljeex. Aniga ayaa idiin abaal gudi oo idinleh waad mahadsantihiin inkastoy ahayd 'laa shukri calal waajib' Sida aan isleeyahay ama qoraalkiisaba laga arki karo, C/llaahi kama dhiidhisana falalka waxashnimo ee loo gaystay dadkiisa. Balse waxaad moodaa inuu ka dhiidhisanyahay dadka shucuurtooda iyo dareenkooda Aadaminim ay siiyey inay cambaareeyaan dunuubta laga galay dadkooda. Inkaarta dhacday, C/llaahi wuxuu marka horeba xaqirayaa dadka isu soo baxay tiradooda isagoo soo xiganaya warbixin ay BBCdu ka diyaarisay banaan baxaas "Waxaa London oo kumaankum Ogaadeen ahi dagan tahay isu soo baxay dad ay BBC du ku sheegtay inay yihiin 70 ruux. Xubnihii JWXO ee ka yimid wadamada Scandanivian kana waxay noqdeen sida la sheegay 56 ruux." Sida muuqata qoraagu wuxuu halkan sameeyey laba khalad oo aad u waaweyn, in lagu cafiyana ma haboona. Khaladka hore, wuxuu soo xigtay BBCda oo aan ognahay meesha ay wariyayaasheedu ka taaganyihiin qadiyada gobolka, dhan walba. Runtii dibad bixii ka qabsoomay london, BBCdu si weyn ayey uga gashay dambi waxayna ka beensheegtay tiradii iyo magacii ay dibad baxayaashu ku soo hawl galeen. Waxaa la ogyahay in Laanta Afka Soomaliga ee BBCda ay si weyn u xaqirto wax kasta oo uu taaganyahay Degaanka Soomalidu. Dadka reer Hargaysa, Puntland iyo Xamar, xataa reer Baydhabo way kaga saami roonyihiin Degaanka Soomalida. You know why? They simply dare to speak out and challange with Yusuf Garaad. He knows they can cause him fired. Sidaasi darteed adiga (Cabdulaahi) iyo nimankaasi uma kala sokaysaan dadkaasi dadaalay. Khaladka labaad uu qoraagu galayo, wuxuu moodayaa ka gilgilashada wixii ka dhacay Qorraxxay inay u taalo dad lagu magacaabo JWXO. Arintani, siday ila tahay, waxay u baahantahay: garasho, damiir iyo dareen Aadaminimo oy hogaaminayso geesinimo. Arin u taala JWXO kaliyana maaha. Horta ma garan kartaa midaa? Mar kale, wuxuu qoraagu weerar iyo handaad ku qaadayaa qolyaha ONLF ee dibadaha jooga. Wuxuu leeyahay: " Waa in maxkamada la idin saaraa, danbigaas la idinku helaa oo aan la idin cafinin ee la idin toogtaa mid-mid." Waxaad moodaa inayna fikir xun ahayn in ONLF lala xisaabtamo oo lagu soo oogo hadii ay jiraan dambiyo ay galeen ama galayaan. Taa ma diidani. Laakiinse, waxaan diidayaa in qoraagu ka indho la' yahay, kana qiiraysnayn dhibaatada ay Ciidamada Itoobiya ay ka gaysteen Qorraxxay. Waxaa xusid mudan inaan aniga iyo C/llaahi is-ognahay. Waxaa jirta in labada beel-hoosaad ee aan ka soo jeedno uu ururka ONLF u gaystay jaa'ifooyin ku siman dil. Waxaa laba asbuuc ka hor uun iska hor-imaadka ka dhacay Ciinleey, Dhagaxbuur. Waxaa ku geeriyooday Axmed Saylici oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleed uu X Ibraahim Xaad isku ilaaaliyo, danihiisana kaga dhamaysto Xafiiska Qandaraasyada u qaabilsan Killilka. Midaa waxaa ka horeeyey iska-hor-imaad ka dhacay Cago-sur, Dhagaxbuur. Waxaa halkaasna ku geeriyooday 3-wiil oo dhalinyaro ah oo ka tirsan ciidanka loo yaqaano "tadaaqi" ee lagu hawl galiyo qamadiga ay keento hay'ada cuntada FAO ee loogu talogalay shacabka danyarta degaanka. Waxaa kale oo xusuusin mudan inaan anigu ku taliyey marar badan in la kala diro ururka ONLF. Hase ahaatee, xilligan, anigoo isha ku haya isbedelka siyaasadeed ee Itoobiya ku soo foolleh, waxaan ku talinayaa in ururka ONLF la casriyeeyo lagana dhigo urur wadaag ah 'inclusive'. Halkaa waxaad ka garan karaysaa inaan si weyn u dhaliilsanahay siyaasada madaxda sare ee ururka. Hase ahaatee, waxaan si qote dheer u aaminsanahay in xubnaha ONLF ay yihiin mujaahidiin wadaniyiin ah oo mudan in la taageero lana saxo wixii khalad ah ee lagu tuhunsanyahay. Shaqsiyan, waxaa iga go'aana markaan ugu yaraysto inaanan waxba yeelin. Hadii aan u soo noqdo qoraalkii C/llaahi Axmed Gaas, waxaan ku sifayn lahaa tamar aan meeshii la rabay aan ku bixin oo aan ka soo kicitimin 'moraal' wanaagsan. Fikirka iyo falalka hoos u foorara ee inta badan ku mashquulsan xumaanta 'maxaliga' . Waxaan qabaa, waxaa C/llaahi seegtay fursad ah inuu ku nuux-nuuxsado sidii dhamaan bulshadu uga dagaalami lahayd dhacdadaa foosha xun ee lagula kacay dadkiisa. Hase yeeshee, qoraagu wxuu noqday uun "hido raac" aan lahayn hal adeyg iyo han-weyn. Dhaqankan noocan ah waxaan u aanaynayaa inay sababeen dhibaatooyin "isku dhaf" oo malahaygu yahay dhaqan laga dhaxlay gumaysiga raqiiska ah. Tusaale ahaan, "kumanaanka London ku nool" ee uu Cabdulaahi sheegayo in ay ka gaabsadeen dibad baxa Itoobiya lagu ceebaynayey, waxaa suuro gal ahaan lahayd inay si xoog leh isu soo abaabuli lahaayeen, hadii laba beelood oo isla cida ahi isku dhici lahaayeen. Caadadan in mudo ahba hantida noo ahayd waxaa si fiican gabay ugu sawiray C/llaahi M Dhoodaan oo, hadii aan lays xaqirayn, "khabiir' ku ah dhaqanka jiilka cusub ee Ogaadeen. Gabayga la magac baxay "Xulub Socod" wuxuu abwaanku aad ugu fiirsanayaa dhaqanka Soomalida guud ahaan, gaar ahaan kan qawmiyada Ogaadeenka. Gabayga "Xulub Socod" waxaa dhextaal u ah "Xirfadaha asaageen wateen xoogga lagu yeesho, tol alow maxaa naga xayiray waa xujiyo yaabe?" Hadaba waxaan erayo qoraalkayga ku toosan ka soo helay gabaygaas. Dadka ama dhaqanka uu Abwaanku ka hadlayana waxaa wata C/llaahi Axmed Gaas oo aan qoraalkiisa si weyn u naqdinayo. Wuxuu yidhi Dhoodaan: Inagays xakaarnee kolkaan, muran xidaynayno Murti baan lasoo xaadirnaa, waliba xeel dheere Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye Is xaduurintaas oo kale iyo, xararoow mooyaane Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo Xaqiiqada waxaynaan arkayn, taa xanuunka lehe Gabagabadii, sida dawacada laga sheegay, reerkani si sahlan kuma guuri karo. Sababtoo ah, bal inkaarta dhacday, midkii qalin iyo warqad isasaaraa, wuxuu garab marayaa jahadii u baahnayd in wax laga yidhaah. Koodii wadaad noqday wuxuu ku ekaaday dantiisa. Midkii madaxnimo fursad u helay, meeshay doontaba ha noqotee, fariidnimo iyo si loo hadlo inkaar ayaa ka haysata oo marka la waraysto wuxuu sheegayaa "waxaan loo joogin" . Jaaliyad goboleedii shirtaa, waxay ka shirtaa 'wax kale" oo iyadoo mayd duleedka u yaalo ayey ka hadashaa "harumarinta, IWM".
Eebboow, aniguna waxaan maaganahay inaan soo bandhigo dareenkayga. Dhamaad. Max�med Qamaan �USA [email protected]
Source.Somaliherald.com |
|
|
|
|
|
 

|