|
|
Taageeridda ONLF ee Max'ed Qammaan iyo Cali Axmed. ByC/laahi Axmed Gaas
|
Waxaan halkan jawaab gaaban uga jeedinayaa dad fara badan oo maqaalo ii soo diray kadib markay akhriyeen maqaalkaygii �ONLF iyo taageeradeeda Qurbaha�. Dadka xoogiisu ila soo xidhiidhay waxay ii so direen emailo shakhsi ah aniguna waxaan ugu jawaabay si sakhsi ah. Qaar maanaan isu garaabin, qaarna waxbaan isla meel dhignay.
Waxaan fursadan u qaatay inaan ugu jawaabo laba nin oo jawaabtooda ku soo qoray darbiyada Internetka ee bulshadu wada akhrisato. Midka hore waa nin la magac baxay Cali Axmed. Wuxuu igu tuhmay inay wax ii dhiman yihiin oo aan waalahay. Wuxuu igu canbaareeyay inaan ku mashquulsanahay waxyaabo raqiis ah oo aan naf lahayn wuxuu igu eedeeyay inaan ahay nin uu soo dirsaday Melez Zenawi.
Mar hadii aan waxaan ka hadlay oo dhani uu dhalay jawaabtaas waxaan gudoonsaday inaanan u jawaabin Cali Axmed marka laga reebo inaan ku idhaahdo adiga iyo ONLF waxaa soo dirsatay Eritrea oo idinku kaarto baxaysa. Waxaa idin abaabulaya haatan Muuse Suudi Yalaxow iyo Indha Cade oo ka cadhaysan in C/Laahi Yuusuf uu uga hoos maray Ethiopia.
Anigu waxaan ka hadlay wuxuu ahaa mawduuc. Waxaan sheegay in ONLF ay been u sheegto shacabka iyaduna isu sheegto. Waxaan sheegay oo kale inay ONLF fara madowdahay oo ayna taageero fiican haysanin. Waxaan tusaale u soo qaatay in LONDON ay isu soo baxaan 70 ruux, 3 wadan oo Scandanivian ahna ay isu yimaadaan 56 ruux. Waxaan ku nuux-nuuxsaday in dagaalka ay sheegayaan inay ku jiraan uu noqday mid ah �Nabar yar nabar wayn ku doorso� Waxaa taas ii ga markhaati kacaya Max�ed Qammaan oo hortaantii sanadkan maqaal dheer ku soo qoray boggag fara badan oo Ogaadeenku maamulo.
Waxaa muuqata in Max�ed Qammaan ayna is maqlaynin dhagihiisa iyo afkiisu!! Waa la yaab. Max�ed Qammaan inuu kolba wareego 180 degree waxaan u arkaa inay tahay daw daro! Dhamaanba wixii aan ku dooday maqaalkaygan ah �ONLF Iyo Taageeradeeda Qurbaha� waxaan daliilo uga haystaa Max�ed Qamaan oo markhaatigayga 1aad ah, mana inkiri karo oo waa wax qoran.
Maqaalku wuxuu ahaa af ingiriisi waxaana ka mid ahaa:
�First, it is sad to see the ONLF eroding so fast after so many heroes and heroines have lost their lives for a war that increasingly, by the day, becomes counter-productive and hurting so much, ironically, the sole people who have invested so much in it. The result seems to be a net loss�. Max�ed Qammaan oo si kulul iigu canbaareeyay inaanan ka dhiidhisanayn dhibataadii ka dhacday Q/Dahare iyo Fooljeex weeye ninka qoray jumladan kore ee af ingiirsiga ah ee marka la isku wada duubo micnaheedu yahay �Inay ONLF si xawaare ah uga baxayso saaxada. In dagaalka ay ku jirto uu keenay natiijo aan ahayn tii la rabay, Max�ed Qammaan wuxuu is waydiiyay inay u cuntanto arintani geesiyiintii badnaa ee u shahiiday qadiyada�.
Waxaan ku sheegay maqaalkaygii in madaxda ONLF aan caydha ka wada qaadano dalalka Yurub aynana marnaba suuragal ahayn in halgan ka socdo dhulkii. Waxaan sheegay inay jirto kaliya nabad galyo daro.
Max�ed Qammaan ayaa igu waafaqsan maqaalkiisii hore wuxuu yidhi:
� it is also unfortunate to observe the embarrassed and awkward performance by the highest leaders of ONLF touring now in North America. Given that, through out their long career, Mohamed O. Osman and Mohamed S. Dollaal have never come to known the bold leaders, we are unlikely to expect of them now to inspire us. We are not going to see them with miracles and innovating �creative ideas. In my opinion, vast majority of the people would love them (all top ONLF leaders) to go and mind their own business.�
Wuu sii watay Max�ed Qammaan hadalkiisii oo wuxuu yidhi�
�Let me mention, some direct betrayals they have done to this community which are, in my view, more vivid than the indirect pains that I have discussed earlier. To name a few, the current ONLF leaders have intentionally privatized the whole cause and develop into ONLF, Inc. They auction out to its very enemies. So like the gigantic American Corporation Enron, the ONLF is now in complete bankruptcy and eaten alive. In similar manner, many ONLF stake- holders are in traumatized and shocked by the daily new vicious scandals and serious mistakes that are becoming known.�
Hadaba waxaan is waydiinayaa Max�ed Qammaan oo ah ninkaas sidaas u fikirayay dhawr bilood ka hor inuu manta aniga igu eedeeyo inaanan dhiig lahayn. Waa nasiib daro in Max�ed Qammaan oo isugu maqaalkan uu iigu jawaabay ku yidhi �Waxaa kale oo xusuusin mudan inaan anigu ku taliyey marar badan in la kala diro ururka ONLF. Hase ahaatee, xilligan, anigoo isha ku haya isbedelka siyaasadeed ee Itoobiya ku soo foolleh, waxaan ku talinayaa in ururka ONLF la casriyeeyo lagana dhigo urur wadaag ah 'inclusive'. Halkaa waxaad ka garan karaysaa inaan si weyn u dhaliilsanahay siyaasada madaxda sare ee ururka�.
Max�ed Qammaan waxaan waydiinayaa maxaa iska badalay maw qifkaagaas? Wa sheekadii aad markii hore ka ilbaxday ee qayilaada la isigu sheegi jiray ee ahayd Ethiopia way burburaysaa ayaad dib ugu riyootay maalin cad. Away ururkii wadaaga ahaa ee aad codsanaysay in la sameeyo? Max�ed C Cismaan iyo M Siraad Doolaal soo ma aha qolada aad waxay ka dhigeen ONLF shirkad ganacsi ah oo ay leeyihiin (Eeg hadalkaas kore ee af ingiriisiga ah)? Soo ma aha qoladii lafteeda aad ku lahayd waa Fulayo� (Eeg warkaaga kore)?.
Waxaan aad uga xumahay in dhinaca kale uusan Max�ed Qammaan fahminba gabayadii Macalin Dhoodaan. Sababtoo ah, Macalin Dhoodaan wuxuu odorasay siyaasad geeska Afrika wuxuuna gudoonsaday inuu yahay nin Ethiopian ah. U fiirso gabayadiisa.
�Soohdintan ay leel-leenin waa libidhka Baarliine Wixii laydha soo gala xadka ee lugaha soo saara Waa inaan sidii Libaax baadi helay u laynaaye".
Macalin Dhoodaan sow ninka lahaa ma aha:
Axmaaraa Dhacaysoo anagaa dawlad dhalinayna Soomaali buu soo dhaw yahay Dhumucii ay haysay Sidaa oo aan dhiidhi ku daray siina dhaadhicyay Kolba wiilashii loo dhisiyo madaxdii loo dhiibo Haday tuug dhuunyaaliyo noqdaan reerka mid u dhaansha Dhoodaan khasaaroobay saw layga dhigi mayo Ku soo dhawra ceebtaan dhigaa waa mid loo dhimane
Dhaaxaan cabiid qaatay oo dhibab I gaadheene Dhagabsiyo in dooraan lahaa dhagaha sii daaye Idinkuna ragaan dhawrayoow nama dhaqaysaane Nin walba dharaar koob macaan wayga dhamayaaye
�����
Wuu dheeryahay gabayguye waxaa kale oo ka mid ahaa:
Kolaan XABASHI dheemiyo Hawaas dheefta kula quuto Oon dhibi shaxleeyo oon kolkaas hadal xun soo dhiibo Oon dawladeeno dhan iyo duni ku dhoobaysto Dhabayow kaleetaan rabaa inaan ku dhoofaaye KUSOO DHAWRA CEEBTAAN DHIGAA WAA MID LOO DHIMANE
Waa goorma waagaasi waa 1962 dii. Wuxuu u bogi waayay sida kolba nin waad halgamaysaan noo yidhaahdo ee uu noogu laayo moortarka kadibna meeluu galay loo waayo.
Macalin Dhoodaan wuxuu bishii Dec 2004 Jigjiga ka soo duubay cajalad uu ku jiro gabay ay ka mid tahay:
� Talo san iyo beel ayatiin loo jitaabinayo � Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinka toosoone � Qofba waa in lagu toosiyaa takhasuskiisiiye � Ku qabiil tikhraar ugu jiraan lagu tanaadayne � Tartan madaxnimaan eednay iyo maamul tuugo ahe � Khasaaruuna tiinbaday raggii taakulee yidhiye
� Su�aal meel idiin taagan baa tan ahe (Ogaadeenow) � Jawaabteedi oo togan haddaad garato soo tuura � Turqin iyo nin taxaliishi iyo boogo lala taaho � Tawin iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiiftiifo � Wax tirtira iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye � Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye � Sidee loo tadaawali karaa tows cagliga haysta? � Kuguma aanan tiiqtiiqsan oo waaban kuu turaye � Meeshay ku toosnayd macnaha ugu tantoomeeya � Haddii kale waan kala tagnaye aniga hay tooyan
Gabaygani ma cusba ee waxaa cusub ujeedadiisa.
Hadaba waxaan kusoo xoorinayaa ilma adeerayaal Cali Axmed iyo Max�ed Qammaanow marka mawduuc laga hadlo horta lagama hadlayo aflagaado iyo cay. Lagamana hadlayo qabyaalad iyo nijaas. Waxaan ka wada hadlaynaa inaynu isku dan-nahay, laakiin aan ogaano inaynaan diriraynin oo aynu Yurub iyo N.America iska joogno. Sidoo kale waxaynu ka wada hadlaynaa inaynaan lahayn istaraatiijiyad aan wax ku helo,dagaalka meesha ka jiraa wuxuu abuuray oo kaliya nabad galyo daro, bara kac, baaba�a, kala qaybsanaan iyo dadkii oo ku kala dhintay siyaasad wareersan.
U fiirso in 3 gobol ee kale ee Soomaalida kale u badan tahay waa Jigjiga, Shiniile iyo Liibaan uusan hal ruux siyaasad u xidhnayn, una dhimanin siyaasad, walina uusan hal ruux uga haajirin siyaasad goboladaas. Maxaa ka duway goboladeena. Jawaabtaydu waxa weeye dagaalka aan u bixiyay �NABAR YAR, NABAR WAYN KU DOORSO�. Waxaana igu waafaqsan Max�ed Qammaan. Laakiin ninka kale ee Cali Axmed ahi isagu wuu mirqaansan yahay oo qaadiradii kama seexanin ee warkiisa iska daa.
Qore:C/Laahi Axmed Gaas E-mail:[email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|