|
|
RE: Ujawaabid, Qoraalkii C/laahi Gaas ee ONLF iyo Taageerada Qurbaha. By Sigad Cabdi Cali
|
Waan idin salaamay Bahda Godeynews ee noo wada sa hashay inaan fikradeena oo kala gedisan halkan ka dhiibano.
Waxaan jecleystay inaan dhowr eray iraahdo ninkan C/laahi Gaas ah ee maqaalkan bilaabay ,runtii email baan kula hadlay laakiin wax jawaab ah waan kawaayay suaalahaygii. C/laahi Gaasoow waxaan ku oran lahaa nin caadi ah ma tihid, markii la eego waxa aad ku hadlaysid, ula jeed kaaguna sadex ayaa loo qaybin karaa:
1:inaad tahay nin ONLF qof ay qaraabo yihiin dishay oo caadifo darteed waxii uu doono iska sheegaya, aqoon uu wixii dhacay ku darsana lahayn.
2: Inaad tahay nin lacag ku qaata dacaayada onlf iyo kala qaybinta ummada reer ogadenya ,si mooralkoodi aad u dhaawacdo dadkana aad onlf uga horkeento.(walow aanan aamin sanayn inaad karti intaa le'eg leedahay) ooyba waxuun ahaan lahayd haday taa jirto.
3: Ama inaad tahay nin is mujinaya oo raba magaciisa in lagu arko websiteyada, si uu u helo (Attention), laakiin aan qiimayn karin dhibaatada uu hadalkiisa bulshada u gaysan karo.
Hadaba dadka joogay mudaa haraadaka wax dhib loo gaystay ehelkood ee xaataa maadan is waydiin war dadku maxay ku mudaharaadayaan?, waxaa waxaas oo dhan kasii daran, inaadan waxaan doorano ama taageerno oo kale oo waxaad caynayso ka fiican aadan noo sheegin.
TALO
Waxaan kuu sheegayaa inaanan jawab kaa rabin, laakiin aad ka fiirsato waxa aad qorayso, haday dhacdona aad ujeedkaaga iyo taloda ka fiican eed hayso waa inaad la timaado. Ma aha maalin tacsi taalo dad masaakiin ahna ehelkood u baroor diiqayaan in aad ONLF ku sheegto waxayna ahayn kuna digato .
Anigaygan kula hadlaya ONLF wax cilaaqaad ah oon la leeyahay ma jiraan, oon ka ahayn in aan ogahay gobolkaas wax iyaka ka fiican ama danihiisa daneeya, ama caalamka u sheegaayi uusan jirin. Hadayna ONLF jirina Males Zenaawi ma dhaheen waan lahadlayaa Jabhadda xaq u dirarka ee Xoreynta Ogaadeenya.
C/laahi Gaas waxaan ku xusuusinyaa heestii caanka ahayd ee hobaladdii Waaberi Soomaaliya " War hooy yaan lagaa tagine, dadkaaga dhinaca ka raaac, hadii kale waa lagaa tagiye tasho".
Qore: Sigad Cabdi Cali E-mail: [email protected]
NB:We welcome the submission of all articles for possible publication on Godeynews.com. So please send your article today. The opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Godeynews.com
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com |
|
|
|
|
|
 

|