GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Ku qariyay oo ku qariyay ee (ONLF) 21 ku jir ). By C/Laahi Axmed Gaas
Tan iyo intaan qoray maqaalada dhawrka ah ee aan kaga hadlayay ONLF waxaa ila soo xidhiidhay dad qaarkood saluugsan yihiin inaan nimankan wax ka sheego.

Waxay leeyihiin intaad canbaaraynayso ONLF maad canbaaraysid IHAADHIG? Waxay leeyihiin ma waxaa ku soo dirsaday Zenawi oo lacag kugu siiyay wax ka sheeganaga? Waxay leeyihiin maad dan kale qabsatid oo aan anaga ahayn?. Siday caadadu ahayd qaar ayaa ii soo qoray cay, aflagaado iyo cantara baqash, qaar waxaan siiyay telefoonkayga oo aan idhi ila soo hadla markaad cadha baaba�daan.

Waxaa jira dad kale oo iigu mahad naqay ra�yiga ina siiyay talooyin muhiim ah. Hadaba waxaan go�aansaday inaan waydiiyo dadka maamula ama aaminsan ururkan inay iiga jawaabaan 21 su�aalood oo ah da�da ay jiraan maanta.

Waa kuwa 21 kii su�aalood:


1) Waa maxay sababta raadkii ama gudoonkii gumaystaha qaarna muqadas u yahay, qaarna baadhil u yahay? Waxaan u jeedaa, magaca Ogaden waxaa bixiyay Ingiriiska, gobolkana Ingiriiska ayaa Ethiopia ku daray, maxaa midna xaaraan ka dhigay, midna xalaal?

2) Waa maxay sababta uusan Ogaadeen u wada diriraynin ee uu uga wada jiro dakanada dawlada Ethiopia?

3) Waa maxay sababta sagaalka gobol ee Kililka, 3da ay u badan yihiin qabaa�ilka kale ee Soomaalidu ay u yihiin nabad, u tiigsanayaan horumar, 6 gobol ee Ogaadeenku u badan yahayna u yihiin qallalaase, dibna ugu socdaan?

4) Waa maxay sababta 3 gobol ee Soomaalida kale u badan tahay uusan hal qof ugu xidhnayn siyaasad, hal qof uga haajirin cabsi uu ka qabo dawlada, hal qofna aan loogu dilin siyaasad? Maxayse gobolada Ogaadeenku u yihiin sidaa caksigeeda?

5) Maxay idinku diideen qabaa�ilka kale ee Soomaalida ahi, ma xoriyad iyo xuquuq baan ka maqnayn?

6) Waxaad ku doodaan inaad matashaan Soomaalida gobolka oo dhan, maxaa sababay inaydaan tagi Karin gobolada Liibaan, Shiniile iyo Jigjiga?

7) Haddii dadka kale idin diiday maxaad u samaysan waydeen soohdin gaar ah oo soohdin Ogaadeen ah?

8) Maxaad waxa aad Ethiopia ku canbaaraysaan aad idinku ugu dhaqmaysaan? Oo ah inaad sheegataan dad aan idin doonaynin. Dagoodi iyo Ciise ma ONLF baa matasha?

9) Maxaad ugu andacootaan ninkii kale ee siyaasada gobolka wax ka taraya urur ha samaysto? Haddii qoys waliba urur samaysto ma midnimaa la gaadhi karaa?

10) Maxay madaxda ururkaasi ugu yihiin masaafuris dibadaha oo ayna waxba uga qabanin waxa ay aaminsan yihiin sida ay sheegtaan?

11) Maxaad 95% tamartiina iyo waxa aad ugu yeedhaan �Halganku� ay u tahay dacaayad, jaa�ifo, kala dilid, hoos u guur iwm?

12) Dadka ku dhaqan gobolkaas miyay kala xigaan Eritrea iyo Tigree? Maxaa midna idin hoos galiyay midna idinku diray?

13) Waxaad ku andacootaan inayna Ethiopia horumarinin gobolka, maxay Soomaaliya oo 31 sano dawlad ahayd intayna bur-burin ka qabatay Afmadow, Badhaadhe iyo Bilis Qooqaani? Badhaadhe iyo Bilis Qooqaani waxaa looga qaxay biya la�aan? Dhooblayse ma Ethiopia gubtay sidii Fooljeex?

14) Maxay ku kala duwan yihiin gobolka NFD ee haatan Kenya hoos yimaada iyo gobolkaas Ethiopia hoos taga?. Miyayna suura gal ahayn haddii kuwan xabada caatada ah laga daayo in dadku horumari lahaa?

15) Maxaad sababay in 120 arday oo gobolka Soomaalida ka galay Jaamacadaha Ethiopia ay tahay 22 kaliyahi Ogaadeen, halka 31 ay tahay Gudabiirsay o la eg jilib yar oo Ogaadeena?

16) Maxaad uga naxdaan wixii khayr ah ee ka soo yeedha dhulkii sida, Telefoonada iyo is gaadhsiinta, qandaraasyada, dadka booqda wadankii ee soo nabad noqda iwm?

17) Ma ogsoon tihiin in Ogaadeen uusan ahayn Soomaalida kaliya ee dagan Ethiopia, uusan isla markaana ahayn Muslimka kaliya ee dagan Ethiopia?

18) Ma ogsoon tihiin in Magaalada Addis Ababa 1991 ka hor ay ku taalay 10 masaajid kaliya, maantana ay ku taalo 109 Masaajid?

19) Ma ogsoon tihiin in 65% shacabka Ethiopia ay Muslimiin yihiin?

20) Ma ogsoon tihiin inaad ku caan baxdeen; BEEN, BEEN, BEEN?

21) Ma ogsoon tihiin in Ogaadeen soo jeedsaday oo uu doonayo inuu danihiisa idinka raacdo wakhtiba ha ku qaadatee?


Qore:C/Laahi Axmed Gaas
E-mail:[email protected]



NB: Maqaalkan waxuu ka turjamayaa aragtida qoraaga loomana fasiran karo tan Godeynews.com

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com