|
|
HAB-QORIDDA IYO XEELADO MUHIIM AH. By HERERI HAJI
|
Waxaana loo baahan yahay in hadii aad kasoo horjeedo cid aadan adeegsan ereyo aflagaado ah balse waa inaad cadayso sababta aad kaga soo horjeedo, waxa uu ku qaldan yahay iyo siyaabaha aad adigu iskula toosan tahay, hadii aad sidan u hadasho waxaa hubaal ah in akhristaha akhriyaya qoraalkaagu uu isla markaaba go'aamiyo sidii aad u kal bixi kari lahaydeen cidda aad kasoo horjeedo balse hadii aad aflagaado dhoobto iska daa in sababtaada (hadafkaaga )loo meel dayee warka aad sheegi xataa lama akhrisanayo.
Xasuusnoow waligaa marka aad cid ka dacwoon waa in hadalkaagu ku socdaa ama la hadlaa dhexdhexaadiyaha marka qoraalkaagu haku socdo dhex-dhexaadiyaha(bulshada).
Qorida fikradaha iyo faalooyinku waxay si wayn ugu soo siyaadeen ama ugu soo bateen dadwaynahay soomaaliyeed badanaaba iyada oo la adeegsanayo aalada internetka ee iyadu inagu soo korodhay wakhti aan fogayn,hadaba si aad u hesho akhristayaal badan ama ujeedada qoraaalkaagu u gaadho halkii aad la rabtay waxaa muhiim ah inaan tixraacdo dhowr qodob oo muhiim ah, waxaynuna kasoo qaadan kuwan hoos ku qoran:-
Habka xulashada
Hab qoridda
Anshax ilaalinta
HABKA-XULASHADA
Wax kasta oo dadwayne loosoo badndhigo sida u ku najaxo ama usoo jiido dadwayne fara badan waxa ay ku xidhan tahay mowduuca uu kusaabsan yahay ama uu ka hadlayo,hadaba marka aad qorayso qoraal intii aadan wakhtigaaga qaaliga ah ku lumin diyaarinta wax aan bulshadaada ama cidii aad u wadayba waxba ugu filayn waxaa haboon inaad ku xisaabtantid oo aad is waydiiso qoraalkaagu muxuu kuusoo kordhin ama cidda akhriyeysaa maxay ka faaiidayaan, ama muxuuba ruux ugu xilan akhrinta wax aan faaiido ku jiran inuu ku lumiyo wakhtiga yar ee uu dhexmushaaxayo internetka.
Waxaa jirta in qoraalo badan oo lagusoo dhejiyo shabakadaha internetka in aysan soo jiidan hal qofna isla markaana qoraalkii ruux wakhti dhan qorayay uusan u noqonin mid inaba waxtar dhaliya sababo xulashada la xidhiidha awgeed, hadaba in qoraalkaaga aan la akhrisan waxa ay la mid tahay sidii adiga oo si toos ah meel fagaare ah ula hadlaya bulshada isla markaana markii aad bilowday hadalka bal kasoo qaad sidii adiga oo ku hadlaya maalaayacni, sheeko baraleey ama wax aan xiiso lahayn sidii marba ruux u kacayo uun aad aragtay adiga oo ka hadlaya fagaare uusan hal ruux oo joogaayi jirinba!
Hadaba waxaa aad muhiin u ah in aad iswaydiiso waxa qoraalkaagu soo kordhin ama faaiidada uu xambaarsan yahay,amaba sababta loogu xilan in qoraalkaaga la akhristo marka waa inaad had iyo goor ku dadaasho inaad ka hadasho wixii aad isleedahay waa mid loo baahan yahay oo ka hadalkaagu wax buu u tarayaa bulshada.
HAB-QORIDA
Kasoo qaad sidii aan kor kusoo sheegnay adigoo u khudbaynaya dad fagaare isugu soo baxay balse aad goobta fagaaraha kasoo muuqato adiga oo aan qaabaysnayn isla markaana muuqaalkaagu muujinayo dareen xilkasnimo la'aan amaba aad u hadasho sidii dhalaanka oo aadan adeegsan xeelad lagugu dhagaysto waxaa cad in ay dhici in dad badani ku liidaan (yasaan )oo aysan wax xushmad ah kuu muujinin isla markaana aan la tixgelinin hadalka aad sheegayso iyada oo lagaba yaabo inaad waddo sir culus oo muhiim ah, qacda horeba waxaa laga yaabaa in dadka qaar kadareeraan goobta ama iska nasasho tagaan bal inta aad ka dhamayn hadalkaaga.
Sida aad dareemi lahayd hadii arinta aan korkusoo sheegnayi kugu dhici lahayd si lamid ah ayay qiimo u leedahay inaad raacdo xeerarka qoraal wanaagga isla markaana aad soo bandhigto hab-qorid isku sargo'an oo isugu xidhan sidii ay isu qaadan karto kuna qoran erayo xeeldheer oo la isla garankaro ahayna suuqi ama af u gaar ah cidda aan ahayn kuwa aad la hadlayso.
hadaba si aad u hesho in qoraalkaaga ay akhristaana dad badan ama uu u gaadho hadafkii aad ka lahayd waxaa muhiim ah in qoraalkaaga uu ka madhnaado ama aad ka taxadarto intii macquul ah khaladaadka dhanka higaada,naxwaha saxda ah ee Soomaaliga walow aad moodo insan jirinba naxwe guud oo ka dhexeeya Soomaliga maadaama uusan lahayn qaran ilaaliya yahayna gablan, sidoo kalena inaad ukala saaarto qoraalkaaga tuduc-tuduc si ay u fududaato in akhrinta qoraalkaagu ay sahlanaato loogana caajisin.
ANSHAXA QORAALKA
Edaabta iyo hab dad la dhaqanka wanaagsani waxa ay door muhiin ah ka ciyaaraan in qofku ku guulaysto ama kasbado asxaab fara badan, si taasi la mid ah ayaa ay ilaalinta anshaxa iyo edaabta qoraalku ay kaalin muhiim ah uga cayaaraan in qoraalkaagu soo jiito dad fara badan oo warkaaga qaata,sidoo kale sida markii aad si toos ah aad dad aadan aqoon ulahayn aad la hadlayso ayaa waxa loo baahan yahay in aad si edaab leh oo xushmadi ku dheehan tahay in aad u qorto hadalkaaga kana fogaato in loo dareemo in hadalkaaga ay ka dhadhanto xilkasnimo la'aan, waayo mar hadii lagu liido qacda horeba waxaa laga yaabaa inaadan mardanbe kasban shakhsigaas ama uusan jaanis danbeba ku siin in uu ku dhagaysto.
Hadaba waxa loo baahan yahay inaad u hadasho si codkar ah aadna si wayn uga dhowrto qalinka ereyada muujinaya aflagaadada ka dhanka ah qof shakhsiyadiisa gaar ahaaneed ama aad si badheedh ah u caydo cidda aad kasoo horjeedo fikirkooda ama go'aankooda.
Waxaana loo baahan yahay in hadii aad kasoo horjeedo cid aadan adeegsan ereyo aflagaado ah balse waa inaad cadayso sababta aad kaga soo horjeedo, waxa uu ku qaldan yahay iyo siyaabaha aad adigu iskula toosan tahay hadii aad sidan danbe u hadasho waxaa hubaal ah in akhristaha akhriyaya qoraalkaagu uu isla markaaba go'aamiyo sidii aad u kal bixi kari lahaydeen cidda aad kasoo horjeedo balse hadii aad aflagaado dhoobto iska daa in sababtaada (hadafkaaga )loo meel dayee warka aad sheegi xataa lama akhrisanayo waayo caydan aad sheegi ayaaba ka dhigan adiga oo ruuxan akhriyaya ujeeda,xasuusnoowna waligaa marka aad cid ka dacwoon waxaa lala hadlaa dhexdhexaadiyaha marka qoraalkaagu haku socdo dhexdhexaadiyaha.
Waxaana iyaduna muhiim ah inaadan qoraal dadkale qoreen soo minguurin balse aad u marto siyaabaha la ogolyahay in lagu wadaago, sida adiga oo sheegaya qoraalka ama hadalka cidda aad kasoo xigatay galinaya astaamaha qoraalka sida tooska ah loo yidhi ee aad soo qaatay ee ah (" ") waxaadna xasuusnaataa in soo xadidda qoraal cid kale iska leedahayi ay tahay mid la mid ah ruux aad hantidiisa si cad uga xadday oo kale.
shabakadaha baahiya fikradaha dadweynahana waxaa la gudboon in ay xil wayn iska saaraan soo daarashada fikirka ay soo daabacayaan waayo waa mid kamid ah tayada shabakada isla markaana waxay ay saamayn wayn kuyeelanaysaa aaminaadda iyo rumaysashada shabakada warka ay soo daabacdo, waayo waxaa loo arkayaa shabakadaha iska soo daabaca qoraalada aan laga fiirsani inay yihiin kuwo wixii ladoono la iska soo gashan karo oo aan sidaas u tayo fiicnayn.
Qore: Hereri Haji E-mail: [email protected] |
|
|
|
|
|
 

|