|
|
Maxaa gobolka Isku magacaabay Soomaaliland dadkooda jeclaysiiyey Gaalada?. By Darwiish
|
Waxaad arkaysaa gobolkaas dadka matala oo meel-walbo daba ordo gaalada iyo dad aan haboonayn daba orodkooda oo iinaan isku af-ahayn isku dhaqan ahayn isku diin ahayn isku wadan ahayn.
Somaalida badankeed waxay iswaydiiyaan maxaa gobolkan taariikh ahaan kadhigay meesha ugu diin yar ugana fisqi badan kana bilaabato aafada ku habsato soomaalida inteeeda kale gobolkan oo runtii ah gobol aan xitaa gudihiisa dadka ku nool ayna hashiis ku ahayn arinta ay dhawrka qab qablayaal wataan ee ah aan gooni ugoosano ayaa waxaa kajiro mucaarad badan balse aad loo qarinayo dadka badankii ma ay jecla inay ka go,aan soomaaliya inteeda kale mana ah wax qof caqli lahi ku fakaro waayo shaqsi waliba waxuu garan karaa inay macquul ahayn ee ay tahay waqti dhumis.
Somaaliya waa koonfur waxay koonfuri isla ogalaato ayaa lagu dhaqi gobolka labaad ee waqooyi soomaaliya waxaan qabaa inay tahay sheeko shaahid gooni ugoosadka looga dhawaajiyo mararbadan hadii dawlada soomaaliya cagaheeda ku istaagtana aaysan sii jiridoonin baha bahaadaas maalaayacnigaas.
Hadaan dib ugu laabto cinwaankaygii ahaa Gaal jeceylka waxaan sikooban idiinku sheegi taariikhii hore laga soo bilaabo siyidkii ilaa iyo hada waqtiga aynu joogno xiligii siyidka ama hadaad akhrido gabayadiisii waxaad halkaas ka dareemaysaa in dadkani waligood ay jeclaayeen dadka shishiiyaha sida xabashida ingiriiska iyo yuhuuda.
Waxaa xusid mudan ninkii ka horeeyey Riyaale waa Cigaale waxuu heer walbo umaray sidii dad shisheeye uu uga samaysan lahaa xiriir joogta ah taasoo aad ugu adkaatay soomaalida iyo dadka muslimiinta ah waxay aad ula yaabeen xiriirkii ugu xumaa ee uu isku dayay inuu layeesho dadka yahuuda masuuliyiin kamid ah yuhuudana yimaadeen waqooyiga soomaaliya ayna arkeen ineysan meesha waxba oolin kadibna u sheegeen ineysan jirin wax xidhiidh ah ooy lasamayn karaan gobolkan yar ee wadankiisii intii kale qasanyahay.
Waxay arintaasi noqotay ceeb aan lagu guulaysan fadeexo aqoonsi raadis iyo geed dheer oo loo koray in gaalo lagu gaadho balse guntii kajabay khasaaro iyo faa iidaba qayabo kamid ah beesha isaaq waxay niyada ku dhistaan soomaaliya ilaahoow waligeed yaysan dawlad kadhalan si aan u helno aqoonsi xamar halagu dhamaado waxyaabo noocaas ah .
Waxaa kaloo jiro dhib haysto shacabka beesha Guda biirsi oon run ahaantii jeclayn waligoodna rabin inay waxlawadaagaan beesha hargaysa oo iyaguna dantu kukaliftay maadaamooysan jirin dawlad soomaaliyeed balse waxay sugayaan oo kaliya maalinka dawlada soomaaliya cagaheeda ku istaagto isla maalinkaas waxaad arki doontaan boorame oo kamid ah xamar.
Dhinaca kale qabaa,isha Daaroodka ee waqooyi dago way uun ku danaystaan gobolkaas balse way lasocdaa ineysan dawlada soomaaliya jirin meel ay ukala tagi.
SOO JEEDIN
waxaan usoo jeedinyaa gobolkan Waqooyi Galbeed in aad iyo aad aan ugu faraxsanay inaad nabad ahaataan ilaa inta dawladu idiin imanayso maalinkay dawladu imaatana inaan isku dayin inaad wax rabsha ah samaysaan ood tartiib ciidankiina ku wareejisaan ciidanka qalabka sido ee xooga Soomaaliyeed. In aad helaysaan xubnahaad xaqa u yeelataan waa dhanka dawlada soomaaliyeede aadna helaysaan boosas muhiim ah mana dhici doonto in manhajkiinii waxbarasho la idinka badalo gobol walbaa si gooni ah ayuu waxbarashadiisa u wadan waxaa uun la isugu iman doonaa heer dugsi sare iyo jaamacadeed.
Xaqiiqdii waxaan filayaa manta kahor wax runta idiin sheego waad maqasheen balse tani waataad ku waano qaadan lahaydeen bari ayaanu isku dawlad nahaye gobolada soomaaliyeede kale godob haka galine hadii kale hadhoow cod fiican ka heli maysaan baarlamaanka qaranka Soomaaliyeed kadibna arintaas waxay sababi doontaa gobolkiina oo ugu danbeeyo gobolada dhinaca hormarka.
Darwiish [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|