GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Ugaasyada Ogaaden Waa Kuwa Hortaagan Danta Shacabka Ogaadeen. By S. Abdi Ali
Waxaan marka hore u mahad celinayaa bahda godeynews ee ii suurto galisay inaan fikradeyda halkan ka soo gudbiyo. waxaan rabaa inaan fikradeyda soo jeediyo ee ku aadan ugaasyada ogadeen oon runtii ka doorbidi lahaa inaan ugu yeero calooshood u shaqaystayaasha ogaadeen.

1-waxaa wax lalayaabay noqotay in ninmankan isku makacaabay odeyada ay noqdeen u adeegayaashii males zenawi ama lugooyadii rer ogaden mana soo marin taariikhda ogadeen odeyaal ka xun kuwa maanta jira ,takale yaa doortay horta? hadiise la doortay maxay u qabteen dadkii doortay oo la taaban karaa?waxaa marag madoonta ah in cid dooratay aysan jirin, waxaana taas daliil u ah sida maatada rer ogadeen u dayacan tahay ha ugu sii daraadeen kuwa somalia iyo itoobiye ,hadaan tusaale u soo
qaadano dhacdooyinkii ugu dambeeyay mawqifkoodu waxa uu ahaa :

Tusaalle

1: Daahir Riyaale iyo maamul ku sheegiisa ayaa waxay si ula kac ah u
xirxireen iyakoo ka faaiideysanaya dhibaatada haysata maatada ogadeen ee ay oday ku sheegyadu badeen, dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan oo loo xiray oo kaliya inay heybtoodu tahay oo kaliya ogadeen, odey kusheegyadu maxay qabteen?maadaama ay isku sheegayaan inay matalaan beesha ogadeen? jawaabtu waa waxba.

2: Way is uruursadeen iyakoo isku dayaya inay Malez & ONLF nabad ka
dhexdhaliyaan ,intay waxay isu urursadeen xooga saari lahaayeen waxay noqdeen kuwa loo adeegsado ololihii doorasha ku sheegta malez ,markii nabadii aysheegayaan inay raadiyaana uu diiday malez ,maynan u diyaarin shacabka inay jwxo garab istaagaan e waxay sidii caadada u ahayd iska fariisteen jigjiga si qamandiga dadka tabaalaysan ay ugu xaraashan. hadey jirto wax miisaaniyad ah oo goboladeey matalayeen leeyihiina ay meeshaas ku kala qaybsadaan.

TALLO-SIIN:

1:Waxaan usoo jeedinayaa nimankaa odeynimada sheegtay inayna shacabka hoosaasin, haday waxay sheeganayaan inaba run tahayna ay sida ugu dhakhsaha badan ergo ugu diraan nimanka maatida ku afduubtay magaalada hargeysa maalin walbana xabsigooda uu ku dhimanayo miskiin aan waxba galabsan hadii ay sii dayn waayaana talaabo tay qaadeen ka xun in laga qaadaa.

2: Maalin walba waxaa dhacda in calooshood u shaqeystayaasha wayaanadu ay ku xadgudbaan maatida ogaadeen indhihiina hortooda iyakoon wax sharci ah lagu qaadin, magaalooyin dhan la gubo ,idinkuna aad dhex taagan tihiin odeynimana aad sheeganaysaan wali, waxaas wax la aqbali karayo ma aha

3: Waa inaad mid noqotaan, niman maxaysatada la diriraya ,niman maxaysatada masaakiinta ka difaaca ,ama saan horey usheegay niman calooshood u shaqeeystayaal ah caabudana injiraha tigreega, una
mooda in cadaabta iyo janada uu isagu hayo


3:Waxaan ugu baaqayaa bahweynta rer ogadenyan gar ahaan qabiilka ogaden in sadex maalmoodba laxuso:

1:Maalintii maatida ogadeen lagu xirxiray hargeysa.
2:Xasuuqii wardheer
3:iyo xasuuqii qabridahar

waxaana ugu baaqayaa in la diiwaan galiyo dadka naftooda iyo maalkooda uwaayay xoreynta dadkooda iyo dalkooda. Waxaan kaloon shaki ku jirin dawada dhibka nahaystaayi inay tahay inaan midoowno hadeeynaan taa yeelin waxaa soo noqnoqon doonta in meel dheer wax maka aragtada
hargeysa & adisababa i.w.m. dadkeena xasuuqaan.

Waxaan ugu baaqayaa qofwalba oo rer ogaadeeya ah inuu ka hortago in caruurta reer Ogadenya ee bari ayna mudan waxa kuwa maanta ku jiraan, ugaasyada berina ayna unoqon ugaasyada maanta oo kale, qofwalbana uu dantiisa ka hormariyo danta guud.


illaahay hanagaransiiyo danteena.


BY S. Abdi Ali
E-Mail;[email protected]






�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com