|
|
RE: Su'aalaha 21ka ah ee Cabdullaahi Axmed Gaas yeey ku socdaan? By Xasaneyn
|
Arrinta meel kasta iyo mar kasta u aadamuhu isku raacsanayahy ayaa waxay tahay, inuu qofka insaanka ahi difaaco xoriyadiisa iyo karaamadiisa. Haddii lagu soo xad gudbona u ka dhiidhiyo oo u dagaalamo siduu u soo dhacsan lahaa xoriyadiisa, wakhtigay dooni ha ku qaadato sidoo kalana waxay dooni ha ku kaliftee. Ileen wax xoriyad ka qaalisan ma jire! Haddaba ma haboona ineynu wakhtiga ku dilno ka hadalka in dhulka Soomaaliyeed ee Ethiopia (Ogaden) haysato in la guumeysto. Sidoo kalena ma haboona ineynu wakhtiga ku dhumino sharaxaada ururadii u soo halgamay hadda ka hor iyo ururka haatan u halgama ee ONLF. Ururadan oo dhan sababta ay u halgamayeen iyo waxa ku kalifey inaad fahantona runtii uma baahna in Jaamacado iyo Macaahid ad uga soo baxdee, waxay ku caddahay gabaygan u abwaan Soomaaliyeed waa hore tiriyeye oo an qoraa kale ka soo xigtey : Bahal horor ah maalkaaga waa laga horseexdaaye Waa inaad habeen iyo dharaar hoy kaleedahaye Waa inaad hangool iyo sidataa laba halgaadoode Haddaba tan iyo gardaradii Menilik dhulka Soomaaliyeed ee Ethiopia ku hoos jira (Ogaden) maxaa is ka badalay maxaase an is badalin? Waxaana haba yaraate is badalin: 1) in wadanka wali la guumeysto. Waxaase is badalay: 1) Qowmiyada wax guumeysata oo ah hadda Tigre. 2) iyo tafkiirka dadka wadankaas ku nool. Qodabadan waxaan jeclahay kan mawduucan la xiriria oo ah kan ku saabsan tafkiirka dadka wadanka ee is badalay inaan ka hadlo.
Haddab isbadalka ku dhacay tafkiirka dadka waxaa kuu caddeeyn kara, iney soo baxeen dad soomaaliyeed oo si dhab ah u aaminsan iney Ethiopian yihiin oo ay taasi gaadhsiisey iney dagaal u aadaan jiida dagaalka ee Badme-Tsorona-Zalambessa-Bure, iyagoo is leh waa difaac qaran. Haddaba waxay dadkan filayeen iyo waxay la kulmeen waxaa ka daran darsiga u dadku ka qaatey masiirkoodii. Waxay filayeen in xeel-dagaal la adeegsanayo khariidadna la dajinayo, waxayse la kulmeen inaan midna la isku hawleyne in dadka loo kaxeystey uun in lagu miino baaro iyadoo la leeyahy orda oo dhex jiira (Human Waves) beertaas miinada (Minefield) ah oo baneeya. Waxayna dadkani la baxeen magac axmaarii ah oo la yiraahdo FANJI-RAGAAJ (i.e. kuwii miinada ku istaagayey).
Sida kaaga cadna hawshooda laga rabay waxay ahayd iney MIINOOYINKA-KU-ISTAAGAAN sidaasna ku baneeyaan jid!!!! Haddaba waa maxay darsiga ay dadaku ka qaateen masiirkooda? Waa iyadoo la waayeye qof dambe oo soomaali ah oo raba inuu dagaal dambe oo Tigree tago. Haddaba qolyahan fikradan Ethiopianimada ah qaba inkastoo ay ku khasaareen taladoodii haddana waxay mudanyihiin ixtiraam ku aadan sidey daacada ugu noqdeen mab'da'ooda oo ay u gaareen iney miino-qaraxda ugu istaagaan isaga daraadiis!! Qoomkan waxaa caksigooda ah, qolyaha raacay jidka Insaan-iyo-Xayawaanba ay ka simenyihiin ee ah in marka nafleyda (oo dhan) xoriyadooda laga qaado in ay ka dhii-dhiyaan una dagaalamaan soo dhicinteeda. Waxaana qolyahan hadda ka hor soo matalay Geeshkii iyo WSLF oo ay lagarab taagnaayeen dawladii hore iyo shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis hiil iyo hoo hagar la'aan ah. Waxaana hadda qolyahaas matala ururka ONLF, arrintooduna ma aha mid fahankedu adag ayhay, oo meel kasta oo ad aduunka tagto iyo qoom kasta oo ad u tagto haddii ad tiraahdo waxaa jira dhul la yiraahdo Ogaden oo la gumeysto, su'aasha u horeeysa ee qofkaas ad u sheegtay ku soo dhacaysa waxay tahay, oo miyeyna jirin cid ka dhiidhidey? Jawaabta su'aashaas ayaa waxay tahay haa wey jiraan oo waxaa hada jira ONLF. Waxaa kale oo jira qolyo dhalinyaro ah oo go'aansaday iney baaritaan ku sameeyaan dhibaato ka mid ah dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dadka. Iskuna dayaan iney midaas xooga saaraan oo ay wax ka qabtaan. Sida qurbojoogta dagan San Diego ee dadka oo dhan u ifiitmiyeye dhibaatada xaga waxbarashada ee ka taagan gobolka Qoraxey, markii ay soo ban dhigeen caruur dhagaxaan ku fadhida dugsiyada magaalada. Hawsha ay dhalintani qabteen ayaa ah mid aad muhiim u ah. Waxayna furtey waji cusub oo noqday iney degmo kasta dadkii ka soo jeeday ay isku dayaan bal iney wax ka qabtaan ugu yaraan waxbarashadeeda. Dhalintaas reer San Diego runtii meel wacan ayeye taariikhda ka galeen waxayna qabteen arrin ammaan iyo ku dayasho mudan. Waxaa jira oo kale dad dalkooda aaminay oo shaqo ama waxbarasho ka wada. Dadkani run ahaantii waxay buuxiyeen meel ka banaaneyd dalka. Meeshan dalka ka banaaneyd ayaa waxay tahay 'TECHNOCRATS'. Dadkan oo ah kuwa wada ilaa xad maamulka deegaanka ee ilaa horaantii sagaashameeyada soo jirey. Sideynu la wada soconaba hadda ka hor dowaladihii Ethiopia ka jiri jirey shacabka Soomaalida iskadaa iney u ogolaadaan shaqooyin wax ku oolahe, waxay u arkayeen cadow ku dhaqan qeyb kamid ah dhulweynaha Ethiopia. Dowladahaas waxa kaliya oo ay arki jireen ayaa waxay ahayd Dhulka iyagoona dan iyo muraad kalahayn dadka ku dhaqan. Balse sida la ogsoonyahay dowlada hadda ka jirta Ethiopia inyar wey ka fikrad duwanaatay kuwii hore waxayna ogolaatay bal iney Soomaalidu ilaa xad ay yeeshaan ismaamul. Haddaba haba iska liite waxaa halkaas ka dhashey iney dad badan oo Soomali ahi ay wadanka goobihiisa waxbarashada wax ku bartaan sidoo kalena deegaanka xafiisyadiisa ku tababartaan habka maamulka, sidaasna u wadanku maanta ku yeeshey, marka loo fiiriyo barigii hore, TECHNOCRATS. Inkastoo eedeymo iyo boogaadimo laga soo sheego qeybaha kala duwan ee maamulka deegaanka Soomaalida, haddana waxa farxad leh inuu maanta deegaanku leeyahay TECHNOCRATS. Dadkaasina waxay mudanyihiin in lagu dhiiri galiyo waxqabadkooda, iyaguna ay ogaadaan inkastoo wax yar horey looga dhaqaaqey meeshii hadda ka hor la taagnaa, haddana iney fogtahay himiilada iyo meesha in lagaaro la rabo oo ah xoriyad. Hawshan ay hayaan iyo isbedelad ay arkaana yeeyna u qaadan in lagaaray "THE TERMINAL POINT" e ha u arkaan "A TRANIST SPOT ALONG THE WAY AHEAD". Waxaa kaloo soo baxdey koox ah "WANTON INTERNET WARRIORS". Kooxdan ayaa iyagu u dhar dhigtey iney iska caayaan iskana eedeeyaan ONLF. Dadkan waligood xal ma sheegaan umana eka iney hayaan, waxayse soo taxaan eedeymo iyo saluug ay saluugayaan ONLF gaar ahaan hogaankeeda iyo madaxdeeda. Nimankan qoraaladooda waxaa ka maqan EDITING iyo ETHICS. Waxyaabahay qoraan ayaadna si dhib yar uga daalacan kartaa shakhsiyadooda. Runtii markaan arko waxyaabahay ku qoraan mawqicyo (website) ay u sameysteen iney madaxda ONLF ku eedeeyaan waan yax-yaxaa. Qoomkan far-xumadoodii iyo farsamo daridoodii intey iyaga waa hore soo dhaaftey ayaa dadkii deegaanka oo dhami ay suuqyada ceeb la mari la'yihiin oo ay hoos u hoganayaan. Dadkaas sidey wax u qorayaan iyo fikradey soo bandhigayaan markaad akhrido, waxaad ka arkeysaa 'HOW BADLY THEY NEED SOME SCHOOLING'. Waxaan is iri malaha qolyahan qaarkood waxay rabeen in madaxda ONLF tu ay bixiyaan "SPESA POLITICO" dii ay bixin jirtey dowladii Soomaaliya. Balse kuligood waxay u baahanaayeen in la lataliyo oo lagu dhiiri galiyo iney qalinka iyo buuga qaadaan oo ay Dugsigooda iyo Darsigooda ka adkaadaan. Ugu dambeyntii waxaa jira dad daacad ah oo la jecel dadkooda iyo dalkoodaba wanaag iyo horumar. Balse ad moodo iney u baahanyihiin inteyna INTERNET ka wax ku soo ban dhigin iney aad iyo aad uga fiirsadaan fikradahooda. Waxaana haddiiba ay ka fursanweydo iney wax qoraan laga rabaa, ineyna soo bandhigin dhaliilo qalalan oo kaliye bal iney sidoo kalena soo raaciyaan waxay u arkaan xalka. Haddaba dadkan daacada ah ee dadkooda wax la raba waxaa ka mid ah nin dhawaanahan dhowr maqaal ku soo qoray mawqicyo (websites) kala duduwan magaciisan la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Gaas. Waxaana qoraaladiisa ka mid ah mid u ugu magacdaray " Ku qariyay oo ku qariyay ee (ONLF) 21 ku jir". Cabdullaahi isagoo mudan xushmad iyo ixtiraam ayuu wuxuu soo bandhigay isagoo kala dhig-dhigaya wuxuu u maleeyay 21 su'aalood (xujo). Balse aniga arrinta Cabdullaahi waxay i xusuusisey sheeko kamid ah sheekooyinka u Mr. Dale Carnegie ku qoray buugiisii xiisaha badnaa ee luuqadaha kala duduwan loo tarjumay oo xitaa ay ku jirto luuqadeen af soomaaligu. Iyadoo u tarjumay xeer-ilaaliyhii hore ee gobalka Shabeelaha Hoose isagoo u bixiyey buugaas "Saaxiibo Kasbo". Sheekadan an rabo inaan buuga ka soo qaato ayaa wuxuu Mr. Carnegie ku soo qaatay arrin dhex martey nin shaqaale ah iyo ninkii madaxiisa ahaa, waxayna u dhacday sidan: " Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin madax ah ayaa wuxuu arkey nin ka mid ah shaqalahiisa oo isku buuqsan islana hadlaya. Intuu u soo dhawaaday ayuu weydiiyey waxa haysta. Ninkii ayaa wuxuu taxay wuxuu u arkayeye dhibaatooyin badan oo isugu jira waxay xaaskiisu u baahantahay, waxay caruurtiisu u baahanyihiin, wuxuu isagu u baahanyahay, wuxuu gaarigu u baahanyahay.......iwm. Ninkii madaxda ahaa ayaa intuu buug iyo qalin soo qaatey wuxuu marba ninka weydiiyaa dhibaatadiisa iyo xalkeeda.
Ninkii dhibaatadiisii oo wada ahayd qaar dhaqaale, ayuu intuu ninkii madaxda ahaa qiimihii oo dhan isku dardary ku yiri war niyahow arimahaaga oo dhan waxay kalifayaan $100, sidaa darteed dhibaatadaadu waa hal wax oo ah inaad raadiso sidaad ku helilahayd $100 e ha isku badinin oo ha is wareerin." Cabdullaahi iyo ninkan waxay iskaga mid yihiin iyagoo hal shey sariftey oo isku badiyey. Waxayna ku kala duwan yihiin, ninku wuxuu sariftey oo u isku badiyeye dhibaato (PROBLEM) halka u cabdullaahi garabmaray dhibaatada jirta (The Real Problem) oo u soo bandhigay qeyb kamid ah raadka (Consequence) dhibaatada. Dhibaatada haddaba jirta ee keentay raadkaas (Consequences) u ka soo qaadatay 21 xabo kaliya ee haddii la taxo buuxin lahaa buugaag (Volumes) badan, waa GUMEYSIGA wadanka ka jira. Horumarka u leeyahay waa la gaari lahaana wuxuu insaanka oo dhami isku raacay in horumar la'aan ka weyn in qof la gumeeysto ayna jirin. Haddaba an u gudbo 21ka raad (Consequences of Colonialism) ee u Cabdullaahi weydiiyey wuxuu ugu yeerey dadka taageera ururka ONLF. Markaan akhiyey 21 ka su'aalood runtii waxaan garan waayeye cida ay sida tooska ah ugu socdaan. Qaar waxaan is iri kuwan waxay ku socdaan TPLF ta u diiday inuu gobolka xitaa maamuladiisa maqaarsaarka ah ee ka jira ay waxogaa yar oo daganaansho ah yeeshaan. Qaar kale waxaan is iri malaha kuwan wuxuu ugu talagalay dowlada Ingriiska iyo khalad ay sameysey waa hore. Qaar kale waxaan is iri malaha kuwan waxa loo baahnaa inu u gudbiyo ardeyda oo u usheego iney dadaalaan sidey uga badsan lahaayeen 22 kursi sanadka dambe Jaamacadaha. Qaar kale waxaan is iri malaha wuxuu lahadlayaa maamulka deegaanka ee kalifey in Qabridaharre caruurtu dugsiyada dhagaxaan ku fariistaan . Anigu ma ahi qof ku hadlaya magaca ONLF, waxayna ONLF leedahay hogaan haddii urabo Cabdullaahi u ku aadin karo su'aalihiisa, balse waxaan ahay qof caadi ah oo halkan ka dhiibanaya aragtida dadka caadiga ah iyo sidey u arkaan su'aalihiisa. Haddaba waxaa iga yaabiyey markaan akhriyey su'aalaha oo dhan inaan ka dhex waayey wax si toos ah ONLF ugu socda. Sidaa daraadeed waxay u egyihiin qaar dadka oo dhan u furan maadaama an la granayn cida ay sida tooska ah ugu socdaan.
Arrintanina waxay igu dhiirigalisey bal inaan maqaalkan qoro. Bal haddaba an fiirsho su'aalaha anigoo mid mid u soo qaadanaya sidaan u arko: 1) Waa maxay sababta raadkii ama gudoonkii gumaystaha qaarna muqadas u yahay, qaarna baadhil u yahay? Waxaan u jeedaa, magaca Ogaden waxaa bixiyay Ingiriiska, gobolkana Ingiriiska ayaa Ethiopia ku daray, maxaa midna xaaraan ka dhigay, midna xalaal? Arrintan waxaan filayaa ineyna ONLF keenin oo siduu u sheegay Cabdullaahiba u magacan bixiyey Ingiriis una sii xoojiyeye Xeyle Selaase. Mana aha arrin ay ONLF u qaadatay ku faanid ama isku kali yeelid dhulkaas ay Soomali oo dhami dagtee, waa arrin laga badin waayeye. Nasiib daro magacan xambaarsan qabiilka ayaa ah ka u aduunku u yaqaan dhulkaas. Si kasta oo ad istiraahdo dadka caalamka magac kale ugu sheegna, waxay ku kalifi fasiraad dheer iyo natiijo ku dhamaata isfahami daro.
Balse markaad tiraahdo "Ogaden Region" arrimaha ad ka hadlayso iyo meesha ad ka hadlasyo si dhib yar ayaa loo fahmayaa. Su'aal gaaban an Cabdullaahi weydiiye, muxuu arrintan u weydiinwaayey qoraayaasha aduunka ee dagaaldaii 1977 lagu qaaday magaca WSLF meel kasta ku qora "The Ogaden War"? Arrintaas eedeeda ma waxaa leh ONLF? Haddiise ay daacad ka tahay Cabdullaahi badalida magacu, hawshaas ha qaato oo aduunka ha ka dhaadhiciyo, anaga hadda joogna iyo tafiirteenuba Insha Alaahu waanu ku tixgalin doonaaye. Balse muran u soo qoro magacan badali maaye, intuu ficil la yimaado aduunka ha ka dhaadhiciyo oo dadka ha ka soo furto dhibaatada magac bixinta wadanka ka haysata! 2) Waa maxay sababta uusan Ogaadeen u wada diriraynin ee uu uga wada jiro dakanada dawlada Ethiopia? Ogadenku ma aha Malaa'ig sidoo kalena ma aha Robot meel kaliya isuwada raacaya. Waa insaan sida insaanka kale, wuxuuna ku kala duwanaan karaa tafkiirka. Xitaa TPLF ta qaar Tigre ah ayaa ka soo horjeeda oo kamid ah madaxda CUD. Bal ha weydiiyo Cabdullaahi Tigreega sababta ay dhinac isugu wada raaciwaayeen? 3) Waa maxay sababta sagaalka gobol ee Kililka, 3da ay u badan yihiin qabaa�ilka kale ee Soomaalidu ay u yihiin nabad, u tiigsanayaan horumar, 6 gobol ee Ogaadeenku u badan yahayna u yihiin qallalaase, dibna ugu socdaan? Su'aashan u isweydiiyey mid la mid ah balse ka duwan kana qoto dheer ayaa bari dhexdaas ah waxaa isweydiiyey nin u dhashay qabaa'ilka u ku tilmaamay iney deegaanadoodu hiigsanayaan horumarka. Waxaana la yiri wuxuu ninkaasi arkey iyadoo meel 'CONTROL' ah oo ay joogaan ciidamo Tigree ah u eey (Dog) leefleefayo ul ay ku baarayeen oo ay ku walwalaaqayeen dadka reer miyiga ah ee meesha soo mara dhiilaha iyo ubooyinka ay caanaha ku wataan. Ninkaasi wuxuu is weydiiyey su'aashan isagoo leh "haddii an sida Ogaadeenka u dagaalami lahayn taasi naguma dhacdeen?!". 4) Waa maxay sababta 3 gobol ee Soomaalida kale u badan tahay uusan hal qof ugu xidhnayn siyaasad, hal qof uga haajirin cabsi uu ka qabo dawlada, hal qofna aan loogu dilin siyaasad? Maxayse gobolada Ogaadeenku u yihiin sidaa caksigeeda? Bal waxaan ka codsanayaa inuu Cabdullaahi iyaga weydiiyo su'aasha ah dadow anaga hadaan nahay Ogadeen waa lana xirxiraaye idinka maxaa la idinku sameeyaa? Waxaa kale oo u weydiiyaa bal waxa qabiilka Ciisaha loo cunaqabteeyey dhaqaale ahaan? Waxa kale oo u weydiiyaa waxa dhul ka mid ah goboladan u ku tilmaamey iney horumareen Oromad loo raaciyey, sida Jinacsani o Jigjiga duleedkeeda ah? Wuxuuna kudaraa maxaa idinku dhacay oo dhulkiina Oromad loo siinaya oo dhulka gobolada Ogaadeenka anan loo bixinin? 5) Maxay idinku diideen qabaa�ilka kale ee Soomaalida ahi, ma xoriyad iyo xuquuq baan ka maqnayn?
Waxyaabaha ay dadka Soomaaliyeed ka xumaadaan ayaa waxay tahay marka qof sida Cabdullaahi oo kale ah u ka gubto guusha ay gaareen dhalinyaro yaryar oo wadanka u dhalatay isagoo sabab ka dhiganaya ineyna Ogaadeen ahayn. Sida dhalinta yaryar ee Gadabuursiga ee Jamacadaha heshey. Arrintan dhalinyarada Gadabuursiga oo ah mid lagu farxo laguna deydo, balse anan sida Cabdullaahi oo kale la oran Gadabuursi oo tiro yar........iyo wax la mid ah oo ah afxumo inteeda la eg!
6) Waxaad ku doodaan inaad matashaan Soomaalida gobolka oo dhan, maxaa sababay inaydaan tagi Karin gobolada Liibaan, Shiniile iyo Jigjiga?
Tan si u jawaab ugu helo bal taariikhaha dadkii soo halgami jirey dib ha u fiiriyo hana raadiyo bal inuu jiro urur wada gaadhey dhulku u dagaalamayeye oo dhan. Haddii u helana bal ha noo soo sheego.
7) Haddii dadka kale idin diiday maxaad u samaysan waydeen soohdin gaar ah oo soohdin Ogaadeen ah?
Tani Cabdullaahi ha weydiiyo ninkii dhalinyarad ahaa ee ka midka ahaa booliska magaalada Qabridahare ee markuu u adkeysanwaayey wixii meesha ka dhacay iska tiiriyeye shaqadiisi, darajadiisii, direyskiisii, mushaharadiisii......iwm ee intuu ka furay maxbuuskii u ilaalinayeye katiinada la baxsadey!!! Waxaan hubaa inuu su'aashan iyo kuwa kaleba u hayo jawaabo wacan!!!!!! Waxaana loo baahanyahay in u Cabdullaahi ogaado in isaga iyo wiilkaas dhalinyarada ahi ay tariikhda ku galeen si kala duwan
8) Maxaad waxa aad Ethiopia ku canbaaraysaan aad idinku ugu dhaqmaysaan? Oo ah inaad sheegataan dad aan idin doonaynin. Dagoodi iyo Ciise ma ONLF baa matasha?
Tani waxay muujinaysa wax akhris la'aan?
9) Maxaad ugu andacootaan ninkii kale ee siyaasada gobolka wax ka taraya urur ha samaysto? Haddii qoys waliba urur samaysto ma midnimaa la gaadhi karaa?
Waxaan filayaa iney sababtu tahay ONLF oo aaminsan dimuqraadiyada. Dimuqraadiyaduna waxay dooni ha dhashe, waxaan filayaa iney ONLF iyada ku dhaqanto. Sidaan filayana umaa diideyso ONLF tu walaalahooda Soomaaliyeed xaqooda dimuqraadiga ah ee u Cabdullaahi rabo inuu ka xayuubiyo.
10) Maxay madaxda ururkaasi ugu yihiin masaafuris dibadaha oo ayna waxba uga qabanin waxa ay aaminsan yihiin sida ay sheegtaan?
Tanina waxay cadeyneysaa akhris la'aan ka muuqata inuusan wax badan ka akhriyin taariikhda halgamayaashii aduunka soo maray. Waxaan jeclaan lahaa inuu bal akhriyo oo u baadho meelaha ay kala joogeen iyo waxay sameyn jireen dadkii wadamadooda u soo halgamey hadda ka hor?
11) Maxaad 95% tamartiina iyo waxa aad ugu yeedhaan �Halganku� ay u tahay dacaayad, jaa�ifo, kala dilid, hoos u guur iwm?
Tanina waxay tusinaysaa inuuna Cabdullaahi la socon in laga baxay INDUSTRIAL REVOLUTION oo loo gudbey INFORMATION AGE. Balse caytan iyo caraatan haddii u rabo bal ha fiiriyo waxyaabaha ay mawqicyada (Website) qaarkood soo ban dhigaan. Qaar ayaa madaxda ONLF ta soo bandhiga sawiradooda iyagoo ku hoos qoraya aflagaado.
Dadkan waxayna aqoon in xeerarka wadamada ay joogaan ay katahay dambi madani ah inaad dad dacaayadeeyso adigoona haynin cadeymo cad-cad. Cabdullaahi isagoo xushmad ku mudan siduu u necebyahay af xumada, muxuu ka oran lahaa WEBSITE yada aflagaadeeya madaxda ONLF ta? Bal ha soo cadeeyo mawqifkiisa.
12) Dadka ku dhaqan gobolkaas miyay kala xigaan Eritrea iyo Tigree? Maxaa midna idin hoos galiyay midna idinku diray?
Su'aashani waa "The most baffling question I have ever seen". Waxayna la mid tahay qof wakhti duhur ah meel bacada oo qorrax badan inta ka dhaqaaqay hoos tagay geed harkiis; oo inta ad u timaadid ad ku tiraahdid: "war meeshan ad ka dhaqaaqday iyo meeshaas geedka hoostiisa ah ee ad tagtey, labaduba waa dhule miyey ku kala xigaan? Maxaa kana kaa eryey kaasina ku hoos galiyeye?" Akhristow markaad su'aashan Cabdullaahi oo kale ad akhridid waxaad isweydiin...........sidey wax yihiin?
13) Waxaad ku andacootaan inayna Ethiopia horumarinin gobolka, maxay Soomaaliya oo 31 sano dawlad ahayd intayna bur-burin ka qabatay Afmadow, Badhaadhe iyo Bilis Qooqaani? Badhaadhe iyo Bilis Qooqaani waxaa looga qaxay biya la�aan? Dhooblayse ma Ethiopia gubtay sidii Fooljeex?
Here we go again! Abdullahi is missing a crucial point! Dadkan waxay haystaan xoriyad oo ah wax qaali ah. Balse waxaan Cabdullahi weydiinayaa isaga xoriyadu halkeey ugu jirtaa tartiibka noloshiisa? Isagoo u fiirinaya cuntada, huga, hoyga........iwm? Waxaa laga yaabaa in si weeyn loogu kala duwanyahay aragtida oo an loo baahneyn in la isku sii xabeebte balse lagu xurmeeyo qofkasta wuxuu u arko "THE TOPMOST IN HIS LIFE".
14) Maxay ku kala duwan yihiin gobolka NFD ee haatan Kenya hoos yimaada iyo gobolkaas Ethiopia hoos taga? Miyayna suura gal ahayn haddii kuwan xabada caatada ah laga daayo in dadku horumari lahaa?
Waxan u ugu yeeray xabada caatada ah anigu ma fahmin, waligeyna ma maqal xabad caato ah iyo mid buuran. Basle waxaan ogahay habka ay ONLF u dagaalanto inuu yahay Guerrilla Warfare. Haddii u rabo inuu wax ka fahmana waxaa laga qoray buugaag badane, ha ka raadiyo maktabadaha.
15) Maxaad sababay in 120 arday oo gobolka Soomaalida ka galay Jaamacadaha Ethiopia ay tahay 22 kaliyahi Ogaadeen, halka 31 ay tahay Gudabiirsay o la eg jilib yar oo Ogaadeena?
Arrintan muxuu u weydiinwaayey dowlada TPLF iyo maamulka deegaanka ee sababay iney ardeydu dhagaxaanta ku farisitaan. Waxaan filayaa inuu khaldey cidii u weydiin lahaa. Waxa kale oo an uu sheegayaa inaan ku faraxsanahay dadaalka ay la yimaadeen dhalinta u ku tilmaamay iney ka soo jeedaan qabiilka sharafta leh ee Gadabuursiga loona baahanyahay in lagu daydo.
Waxaana kula talin lahaa inuu isaga Cabdullahi-ahaan xoogiisa iyo fikradihiisa isugu geyo sidu u dhiiri galin lahaa ardeyda kale isagoo qoraaladan u ku eedeynayo ONLF ta u badala qoraalo u ku tusaaleynayo (Constructive) dhalintaas si sanadka danbe ay uga bataan 22 ardey, Inasha ALLAAHU. "LET HIM FOCUS ON THIS AREA".
16) Maxaad uga naxdaan wixii khayr ah ee ka soo yeedha dhulkii sida, Telefoonada iyo is gaadhsiinta, qandaraasyada, dadka booqda wadankii ee soo nabad noqda iwm?
Ma fiicna in dadka la jamciyo, ilaa hadda wuxuu Cabdullaahi soo waday jamcin u dadka oo dhan isku wada mid ka dhigayey. Waa run oo waxaa laga yaabaa inuu la kulmay dad raba inaan waxba la dhisine waxwalba la dumiyo si xoriyad loo gaaro, balse dadkaas anigu lama kulmin haddii ay sii jiraana waa "VERY MINORITY". Dadka badankiisu waxay qabaan iney arrimuhu wada socdaan. Halganka oo lagu qasbanyahayna u socdo noloshuna haddba sidey u qabto dadka loo wado. Iyadoo wixii Ethiopia ka yimaadana marba siduu ku yimaado looga faa'ideysto loona wajaho. Waxaa fiican inuu Cabdullaahi baadho dadaalka odaayashu ay ka dhex wadaan Dawlada Ethiopia iyo ONLF, kaasi oo dad badan ay raacsanyihiin. Balse laga yaabo inuu Cabdullaahi ka war helo dhowr sano kadib oo u maqaal dheer oo ay ka buuxaan maxaa sidan loo sameyn waayeey u soo bandhigo. Waxaana filayaa inuuna Cabdullaahi granayn iney MAANAT tahay maanta sidoo kalena BARRI ay tahay barri.
17) Ma ogsoon tihiin in Ogaadeen uusan ahayn Soomaalida kaliya ee dagan Ethiopia, uusan isla markaana ahayn Muslimka kaliya ee dagan Ethiopia?
Arrintan dadka kale oo dhami waligood wey ogaayeene Cabdullaahi ma haduu soo ogaaday? Waana wax lagu farxo haddii u ugu dambeyntii soo iktishaafey wax ka maqnaa!
18) Ma ogsoon tihiin in Magaalada Addis Ababa 1991 ka hor ay ku taalay 10 masaajid kaliya, maantana ay ku taalo 109 Masaajid?
Tobanka masjid ee u sheegey iney jiri jireen magaacdooda iyo meesha ay ku yaalaan ha noo soo sheego. Iyo waliba haddii u ku dari karo kuwa cususb ee u ku sheegey 109 masjid? Waxaad moodaa in Cabdullaahi u hadda ku soo baraarugey in ay Addis Ababa dhowr masjid ku yaaleen hadda ka hor. Haddaba ma wax qumanbaa inuu wakhti kaga khasaariyo dadka waligood ogaa?!
19) Ma ogsoon tihiin in 65% shacabka Ethiopia ay Muslimiin yihiin?
Arrintan waa mid Cabdullaahi uun gaar ku ah. Waxaa qoran ee la sheegaa waa iney tirada Muslimiinta Ethiopia u dhaxeeyso 40-45%. Waxaana ka cad halkan inuusan Cabdullaahi wax badan soo akhriyin akhris badana u sugayo!
20) Ma ogsoon tihiin inaad ku caan baxdeen; BEEN, BEEN, BEEN?
Tani waxay cadeynaysaa ineyna u kala saareyn hadalka afka laga yiraahdo (Oral) iyo hadalka la qoro (Written). Weedhan maqaaxi lagu fadhi-dirirayo wuu ka oran karaa Cabdullaahi, balse qoraal ahaan ma ah wax la qoro. Qoraalku maadaama u yahay wax oolaya wuxuu leeyhay usluub gaar ah oo ka duwan ta hadalka caadiga ah. Mar kale waxay tani muujinaysaa inuusan wax badan akhriyin!
21) Ma ogsoon tihiin in Ogaadeen soo jeedsaday oo uu doonayo inuu danihiisa idinka raacdo wakhtiba ha ku qaadatee?
Waa arrin lagu farxo. Basle wuxuu iloobay inuu Ogaadeen iyo walaalahooda kaleba ay u soo jeedsadeen iney xaqooda soo dhacsadaan iyagoo raacaya jid ka duwan kii hore ee ahaa in inta la rido xabad dadka oo dhan la qixiyo oo la dul dago qabaa'il kale iyo dhul kale. Waxa hadda la wado ayaa wuxuu lamid yahay fikradii u ku dabakhay hogaamiyihii hore ee Shiinaha Mr. Deng Xioping maxmiyadii Ingriiska ee Hong Kong isagoo sameeyey One Country two Systems. Tashiga ay Ogadeen iyo dadka kale walaalahood ah tashadeen siduu Cabdullaahi u fahmay ma aha iney is dhiibeen oo ay tanaasuleene, waxay qaatey One Aim Two Systems taasi oo ah in halgan daraasadeysan oo ilaa xad cilmiyeysan lawado kaasi oo ka duwan ka u raadinayo (ee u malaha ku tilmaami lahaa XABAD-BUURAN) oo malaha ah in TPLF ta lagu garaaco sawaariikh iyo diyaarado.
Waxaa "By Default" shacabku isku raacay in halganka xaq u dirirka ah, wadahadalada nabad raadinta ah iyo nolosha inteedi kale oo dhami ay is garab socdaan. Waxaa kale oo laga yaabaa inuu Cabdullaahi ku wareero iney dad badan qaaban in haddii ay CUD xoogeysato la taageero EPRDF si loo wiiqo Axmaaro soo noqota, waxaana hubaa inuu Cabdullaahi soo qori doono maqaal dheer oo u ugu magac daro "Waa idinkii la dagaalamayey hadda ka hore maxaad maanta ugu hiiliseeeeeen!"
Gabagabadii haddii maanta halganka hubeysan la joojiyo iyadoo hubkana la dhiibayo oo ay bari CUD (xisbiga Axmaaradu) xukunka qabsato, ma wuxuu Cabdullaahi soo qori doonaa maqaal dheer oo eedeyn ah isagoo leh maxay ONLF-tu tala xumadeeda hubkii ay isaga dhibtay, haddeyna maalintii hubka dhigin tani maanta ma joogteen!!!!! Waxaan filayaa inuu Cabdullaahi dareemayo inuusan waxaasi ka suuroobeyn isaga hadda, balse waxaas waxa ka qosol badan waxa u soo qoray ee u umaleeyay 21 ka xujo.
Waxaan rabay inaan Cabdulaahi u sheego in maqaaladiisa ay ka muuqdaan niyad sami, wadan jacayl, daacadnimo iyo ugu dambeyntii WAX AKHRIS LA'AAN FARABADAN. Sidaas daraadeed wuxuu garan la'yahaye waxa ka maqan ee ay naftiisu tabayso oo ah akhris fara badan iyo cilmi baaris qoto-dheer, Eebbena ha u fududeeyo.
Qore: Xasaneyn E-mail; [email protected] |
|
|
|
|
|
 

|