GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Haddaan runta Sheego Armaa ONLF La ii Maleeyaa ! By Abdullahi Muxumed
Waxaan ahay shakhsi ree Ogaadenya ah, waxaana ii muuqda gafaf badan oo hore looga galay ama hadda laga galayo shacbiga Ogaadenya. Waxaan jeclahay inaan ka hadlo waxyaabo badan oo jira, waxaanse ka yaabi in la ii maleeyo inaan ahay ONLF.

Itoobiya dhexdeeda, haddii aan ka hadlo maslaxada umadda, waxaa la igu eedayn inaan ahay ama taageero ONLF. Haddii aan sheego horumar la�aanta ka jirta Ogaadenya, dadka layska xidh-xidhayo, xoolaha dadwaynaha ee lala wareegayo, madaxda iyo shaqaalaha kililka ee marra shaqada laga eryayo marra la xidhayo, armaa ONLF la ii maleeyaa !

Waxaan ka tirsanahay maamulka kililka, waxaan soo jeediyey qorshayaal shaqo oo wax loogu qaban karo dadwaynaha, hase yeeshee, maanan sii dabo soconin, waayo waxaa la iiga digay in la ii malayn karo inaan gacan saar la leeyahay ONLF.

Haddii aan soo jeediyo in kililka maamul xumada ka jirta wax laga qabto,
mas�uuliyiintuna ay hawshooda si xilkasnimo ah u gutaan, dawladduna ay fara-galinta ka dayso, armaa ONLF la ii maleeyaa !

Waxaan joogaa dibadda dalka, waxaan maqlaa wararka dalka, haddii aan figraddayda si toos ah uga dhiibto, armaa ONLF la ii maleeyaa !

Dad badan ayaa ka aamusay ama ka cabsaday inay runta sheegaan iyagoo ka yaabaya in ONLF loo maleeyo.

Haddii aan u ololeeyo qaddiyadda iyo taariikhda Ogaadenya, ama aan qoro taariikhda, dhaqanka iyo diinta Ogaadenya armaa ONLF la ii maleeyaa !

Taariikhdii la soo maray iyo halgankii umadda haddii aan ka sheekayno ama dugsiyada lagu dhigo, haddii aan carabka ku dhufto magacyada halyeeyadii Ogaadenya ama dadkii magaca lahaa ee ay Itoobiya dishay ama xidhay, armaa ONLF la ii maleeyaa !

Isku soo duubow, haddii aan xaqa sheego ama aan waxa wanaagsan ka hadlo, armaa ONLF la ii maleeyaa !

Uma arko inay dhibaato leedahay in ONLF la ii maleeyo, laakiin ma ihi, mana rabo in wax aanan ahayn la igu shaabadeeyo. Waxaase halkaa ka soo baxaysa arrintan :

�Haddii wixii wanaagsanba loo aaneeyo ONLF, malaha waxayba markhaati u tahay in halganka ONLF uu xaq yahay, in la taageerana ay sax tahay�.

Inta aan ka go�aansanyo inaan ku biiro ama aan taageero ONLF, waxaan wadayaa sheegista xaqa, waxbana igama galin haddii la ii maleeyo ONLF, �Ka Naxow Nafta Waa�.

Waa hadallo aan ka soo xigtay dad kala duwan oo meelo kala duwan kula kulmay, waxayna ila qumanaaatay inaan hal meel ku wada qoro.

Abdullahi Muxumed
[email protected]



�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com