GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
DADAALKA NABADDA EE ODAYAASHA DEGAANKA SOOMAALIDA "THE SOMALI REGIONAL STATE"
Waxaan amaan balaaran naga mudan halkana aan amaan uga soo jeedinaynaa odoyaashii nabada laga soo bilaabo 2003-2006 wakhti badan oo naf huris badan bixiyay reerahoodii & ehelkoodiina uga soo tagay horumarka umadda nabadagaliyada waxay dantooda gaarka ahayd ka horumariyeen mid guud ee umaddu wadaagto.

Odoyaasha waxay wali ka wadaan degaanka soomalida dadaal dhanka nabadda ku soo celiya waa ku mahadsanyihiin waa mas,uuliyiin degaanka, suldaamadii umadda, waa malaaqyadii qabaa,ilka , isla markaana ugaasyadii dadkeena, waa arin ku dayasho leh in loo kaco horumarinta gobolkeena isla markaana soomaalida degaanka ay nabad ku wada noolaada xuquudeenana aan ku raadsano si waafaqsan isfahan kala dambayn & umada oo isku og wax cad ee koox umadda afduubaysa waa laga soo gudbay xiligaas waxaana taageeraynaa dadaalada nabadda ee ay wadaan odoyaasheenu waa arin muhiim u ah horumarka umadeena.

Odayaasha waxaa u dhiman howl farbadan maadama ay yihiin madaxdii & odayaal dhaqameedkii beelaha soomalida ah ee dega somaligalbeed waxaa loo baahanyahay inay galaan dhexdhexaadinta beelaha soomaaliyeed ee ku dagaalama degaanka dhexdiisa waxaa kaloo loo baahan yahay inay dhexdhexaadiyaan labada shacbi ee walaalaha waqooyigalbeed & soomaaligalbeed oo ay isku direen laba kooxood oo aan shacabkooda matalin maamul ku sheega somaliland isku magacaabay & kooxda ONLF oo caadaysatay inay gubaan baabuurta shacabka dadka dega waqooyiga soomaaliya isla markaan waxyeelada ugu badan soo gaadhsiiya shacabka degaabka degga taas waxaa leenahay waa sharci daro iyo labada kooxood oo doonaya inay abuuraan jawi colaadeed oo labada degaan ka dhex holca marka waxaan leenahay odayaasha kaalintaa inay buuxiyaan ayaa uga dhiman inay qaadana KOOBKA NABADDA the peace cup .

Waxaan dadka islaamka ah ee gobolkeena ku dhaqan u soo jeedin lahaa in laga fogaada waxa umadda kala gaynaya oo nimankan aan kor ku soo sheeganay ee fidmawadayaasha ee labada qaybood ka kooban waa kuwo doonayo inaan degaanku hormarin & maamul ku sheega been abuurka ah ee ka jira waqooyigalbeed .

Ugu danbayntii waxaan u rajaynayaa odayaasha horumar dhinac kasta ah &
dedaalka nabadda ay wadaan oo ay ku guulaystaa isla markaana gobolka ku soo dabaalan nabada & wax wada qabsi dadka soomaaliyeed ee umaysigii reer galbeedka ay qaybiyeen waxaan kaloo ka rabnaa inay soo furdaamiyaan dadka shacabka ah ee ku xiran meelo ka mid ah jamhuuriyaddda is magacawday ee Lamagac baxday somaliland taa badelkeedana waa in ay odayaashu balan qaadaan inaan dhib loo gaysanayn gawaarida dadka reer waqooyiga ee safaradda ku ah somali- galbeed waa ceeb in koox aan hogaan lahayn isla markaana EXILE GROUPS ah ay shucuuta colaad ka dhex abuuraan taas ma shaqaynayso isla markaan ay dhuljiif u ay u dhaqmaan ayna furtaan shucuubta dhulkeen
safaradda ku ah waa ceeb sidoo kale in maamulka is magacaabay ee waqooyiga soomaaliya ka jira uu tacadiyo u gaysto shacbiga soomaalida ogadenya ee iyagu safaradda ganacsisga ku taga magaalada degaanka WAQOOYIGA SOOMAALIYA .

Waxaa soo jeedin lahayn in loo guntado in laga hortago fidmo ka dhalata
degaanka oo aan marnaba xal u noqon Karin labada dhinac ee walaalaha waxaa ka faa,iidaysanaya cadwaga soomaaliyeed ee amxaaradda ah sidoo kalena waxaa ka faa,iidaysana dad magaca soomaaliyaad wata laakiin masaxkada cadawga soomaaliyaad ku shqaynaya kana kooban labada dhinac ee shacbka labad dhinac dega kuwaas oo aan dan ka lahayn shacabka dhibaatada soo gaaraysa


Waa mahadsantihiin

Qore:Mohamed Jamac Abdalle
E-mail:[email protected]



NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee kama turjumayo midda Godeynews.com. Laakiin waxaan idinku dhiiri gelinaynaa inaad rayigina noosoo dirtaan,hadii ay macquul tahay waan daabacaynaa.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com