|
|
SANGUB WAA HALYEY DAACADOO HIBO LA SIIYAAYE
|
Dhammaan waad salaamantihiin ummada soomaaliyeed meel kastoo aad joogtaan. Sidaad la socotaan Abwaanka weyn ee Maxamuud C/lahi Sangub ayaa dad wax magarato ahi ku soo oogeen dacwad la yidhi waa kufsi.
Haddaba arrintan oo aan ilaa hadda wax caddayna lagu soo oogin abwaanka, ayaa waxaa gabay ka tiriniya abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle oo ka hadlaya xaqdarrada lagula kacay Sangub.
Akhris wanaagsan.
Sangub waa halyey daacadoo hiba la siiyaaye Habeen dhalad inuu yahay anaan habowga weydiinne Hanad waa nin suugaan da�weyn hoodo u lahaaye Wuxu hoga tusaalayn murtida hadiyad noo siiyey Wuxu qaran u soo heellanaa heesa u abuuray Hodonkii riwaayadaha iyo heelladiyo jiibta Higgaadda iyo geeraaraduu heer walba u gaadhay Halhayskii Xorriyo iyo Qabyaa lagu hadaaqaaye Waa haykalkii qaranka iyo hiirad lagu faano Hiifiyo dhibaatiyo nin baday maanta hagardaamo Halaag baa ku dhici Maxamedow haadda weerariye Hadimada walaalkood ragbaa haabsadoo jecele Nacayb huursan baa lagu galaa geesi haabila ahe Huqda doqoni waa moog tihiyo xidid ku haankiise Heeryadaa nin goba lagu habsiin haayir baa sida�e Hohe garasha daranaa kuwaa godobta soo hoystay
Afartaasi arartii hufnayd ha� iyo wawgeed dheh Heemaalka gabaygaan ka iri horu dhaciisii dheh Himilada ma leexleexiyee hed iyo waabay dheh
Huluulaha nacayb lala hurdoo hoogey baa ba�aye Haddii ficil hummaag khayr ku jiro kuma hungoobeene Haaweydu kuma hoobateen haybad dhaawaca eh Herdi fulaygu uu kula helaa lala hagaasaaye Haniyaha sed lama moodo iyo hilibka qaarkiise Humbaallayska soomaaliyeey kama hagaagtaane Hebel hebishi uun baa qalbiga haari idin taale Halaq laba aflaa idin hodiyo hoolifliyo liide Hagar layska galo iyo colaad uma hamuumteene Hiil doqona iyo eed hubso la� hadurka beentiisa Hafar oo naflaha hoodadday kan u haliilaaya Huwantaa iskaashaday islaam kuma hanuunaane Haddaan laga hor tegin huubadiyo qudhunka hoos yaalla Hilqadliyo haddaan lagu jarjarin holoca baaruudda Fidnaa huri abiidkeed wallee nabadi waa hawle!
W/T: Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) Emial: [email protected].
Xigasho: Somalitribune.com |
|
|
|
|
|
 

|