|
|
ABSAMIHII HORE IYO KAN MAANTA. By Cabdi Xiis
|
Bulsho waliba waxay leedahay dhaqan, sooyaal soo jireen ah oo jiil waliba dhaxal ahaan ugu gudbiyo midka ka danbeeya. Jiilka cusubi wuxuu casriyayn ku sameeyaa ayagoon ka tagin, qaadanninna mid dadyow kale dhaqanka ay ka dhaxleen aabayaashood si uu ula saanqaado hadba casriga ay ku jiraan. Waxaan qormadan ku milicsanaynaa hab dhaqankii ay ruug cadaayadii Absame uga tageen jiilka maanta jooga iyo isbadalka ku dhacay, inagoo waliba mid mid u dul istaagi doona.
ABSAMIHII HORE:
Absamihii hore waxay ahaayeen dad ka sariigta xumaanta, kana fogaada wixii keeni kara ceeb iyo fadeexad, xasadka iyo xiqdiguna wuu ku yaraa. Waxayna ahaayeen kuwo marwalba runta isu sheega oon khayaali iyo been ku wada noolayn, borobogaanka iyo dacaayadduna way ka reebanayd. Waxay ahaayeen dad fiiro dheer oo dublimaasiya, lana socda marxaladaha hadba aduunku marayo dabadeedna ku dabakha noloshooda. Waxay ahayeen kuwo aan hilmaamin dakanahooda, ciday is qabtaanna hagaadho hagaadhee mar unbay tabcada la heli jireen oo ka lug-sudhan jireen oo waa kii Qamaan Bulxan lahaa �Ma damaniye dayn kayga waan daba galaayaaye�. Sayid Maxamedna waa kii lahaa �Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolayso. Waa laysu kala daadiyaa yuusan kaa didine�.
Marka loo baahdo hogaan waxaa ka fadhiisan jiray guurtida beesha oo waxaa muhiim ahayd inuu dhamaan soo buuxiyo qofka ay hogaamiyaha ka dhiganayaan shuruudahan; Geesinimada, deeqda, dulqaadka, garasho dheerida, garyaqaannimada, codkarnimada, hal-adayga, xishoodka iyo xaragada. Ninka hogaanka loo doortaayi digtaatoor ma noqon jirin ee marwalba waxuu la tashan jiray guurtida kadibna go�aan guud wada qaadan jiray. Shaqada way kala lahaayeen oo nin walba meel buu ku qaybsanaa.
Cilmi flagga, sayniska, xidigiska, odoroska iyo saadaasha hawada waxaa qaabilsanaa abwaanka. Haday noqonlahayd abaanduulka ciidamada, sahanka ama garsoorka qofwaliba meeshuu kuhaboonyahay ayuu qaban jiray meel uusan aqoon u lahayna iskuma hawli jirin ee wuxuu uga weecan jiray cidii asaga kaga haboon.
Waxay ahaayeen dad gobonimiyo deeq badan oo hooygooda lagu soo hirto lana soo haybsado oo waa kii Qamaan Bulxan lahaa �Waxaan heli, waxaan haaban karo iyo waxaan haysto. Hiyiguba wuxuu doonayaa inaan hibeeyaaye�. Waxay ahaayeen dad ficil badan oo neceb quudhsiga, qaadaninna soorquudheedka, hadii rag wax dhexmaraana jecel inay qaataan inta fiican oo waa kii Saahid Qamaan lahaa � Masalaha nimaan ii dhigayn, midig ma saaraayo. Ninkii aniga igamaarmi kara uma muraad sheegto�.
Balwaddu waxay ahayd shay xun oon Absamuhu aqoonnin kuna caayijireen Iidoorka. Qofka balwadda leh agtooda wuxuu ka ahaa ruux dhintay oon aakhiriyo aduun midna aaqibo lahayn, shaydaanna duufsaday oo waa kii Cabdi Xirsi lahaa �Walee jaad aan cunay baan ilkaha iga jaraaxaynin...Walee jalamad qiiq iyo orlaan marrin jidiin kayga...Jini iga adkaadaan walee ani i jaanjaamin�. Bidhaan ahaan Absamuhu soomaalida waa ka badallaayoo uma ekayn, aragti dheer baana laga garan jiray in ragga ama hablaha soosocdaayi Absame yihiin oo waxay ahaayeen dad dhaadheer oo laf, itaal iyo joogba leh, midab kooduna maariin casaana yahay.
Geesinimadu waxay ahayd qodobka koobaad ee nini ku mutaysto magac, sumcad iyo sharaf taasina waxay keentay in ragii Absamee hore ku tartamaan geesinimada kuna furtaan dhul aad u balaadhan, dhul kaasoo ah midka ugu qiimo badan dhulka Soomaalidu maanta dagto; Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Dhimashadu ma ahayn mid baqdin galisa raga Absame oo waa kii Cabdi Oday lahaa �Geerida ha diidina ninkii go�ana yeelkiisa.
Giigiida naaguhuna yay idin galiilyaynin�. Markii dagaal fooda la is daro goob-jooge kastaaba wuxuu isku dayi jiray siduu magac uga hadhi lahaa haduu dhinto, haduu noolaadana magac u bixin lahaa mahadho ah oo taariikhda baal dahaba ka gala oo waa kii Garaad Wiilwaal lahaa �Geedkaan ku tiirsado rag inuu garamaraan sheegtay�.
Taasina waxay keentay in dad aad u tiro badani hoos yimaadaan kuna hoos noolaadaan xukuumadda boqortooyadooda. Awoodaha iyo boqor-tooyooyinka soo maray Absamuhu inkastooy badnaayeen hadana waxaa ugu caansanaa tii Garaad Wiilwaal, tii Ugaas Nuur Cubudhiye iyo tii Sayid Maxamed Cabdille xasan.
Hablaha Absame ayaa ahaan jiray dumarka ugu sareeya, nin walibana wuxuu ku taami jiray siduu u guursan lahaa gabadh Absame ah, haduu waayuhu u saamixi waayana siduu wiilkiisu u guursan lahaa. Hablaha Absamuhu waxay caan ku ahaayeen oo lagu yaqiinay qurux, asluub, anshaxa, Xishood, gaarinimo, agaasimi ogi iyo garaad fiicni. Waxaa waliba intaa u dheeraa ku adayga dhaqanka iyo diinteena suuban. Absamihii hore inta aynan guursan way u xero dayi jireen ubad kooda oo raacdo iyo sahan dheer waxay ugali jireen midii noqon lahayd hooyada ubad kooda, mudana waxaa beelaha la dhexmarin jiray hebel waa guurdoon. Cuqaasha iyo wax garadka beesha ayaa ahaa maxkamadda ugu saraysa ee go�aamisa dhisida qoys cusub, ugu danbayn tiina guurti baa u soo xuli jiray gabadha uu guursan doono barbaarku ayagoo ka eegaya dhinacyo badan.
Hadii gabadha iin lagu waayo waxaa dib loo baadhi jiray waalidiinteed xaga aabaha iyo xaga hooyadaba bal in wax cilad ahi jirijirtay iyo in kale oo waa kii Muxumed Gaas lahaa �Siifaan ayeeyiyo haduu sahanku iimoobo, labaduba sideed guuraday kugu salaamaane�.
Wiilka guur kiisa aad looga baaraan dago wuxuu gacanta ku dhigi jiray marwo kun lagala bax ah oo hanatana reer keeda, gurigeedana gu� iyo gamashiba laga helo gasiin, martida iyo mudanuhuna ku nastaan. Wiilka ay dhashaana wuxuu noqdaa warac xiniinyo cade ah oo waliba boqol la dirir ah. Gabadheeduna waxay noqotaa mid ayada aad moodo in laga dhanbalay ama buro dheeraata oo toban geed looga soo fadhiisto, ragna isku qoonsado.
Isku soo duuduub oo Absamihii hore waxay ahaayeen dad magac, sharaf, sumcad iyo tixgalin kuleh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Albaab aynan furin ma furmi jirin, xadhig aynan xidhinna ma guntami jirin. Cilmiga ayagaa loo doonan jiray, guurka ayagaa laga dalbi jiray, garta ayagaa loo gaysan jiray, gumacoodana waa laga gaban jiray ama laga baqi jiray.
ABSAMAHA MAANTA:
Absamaha maanta joogaa bilcagsi buu ku yahay kii hore oo meel aad is tidhaahdo kii horuu ka shabahaa ama uga egyahay majirto. Mid ay soo dhiciyaan iska daayoo waxay faraha si dhibyar uga bixiyeen dhul badan, dad badan oo aabayaashood ku hoos noolaana way ka hoos bexeen oo intaa kuma joogsane dagaal kala hor yimaadeen. Tashi malaha, ismaqalkiina waa ka dhintay dadkuna waa fara siman, liitaha iyo diricuna waa isku madal. Xulashada hogaanku waxay noqotay yaa ku xiga ee ma aha yaa u qalma.
Xasadka iyo xiqdigaa ku badan, beenta, dacaayada iyo borobogaankuna saad buu u yahay. Guusha iyo guuldaradu waa isugu mid, deeqda iyo wax bixintuna waa ku gaasir. Dareenka ficilkaa ku liita oo wixii ayaga iyo rag soo dhexmara inta xunbaa laga siiyaaa ayana waa ku qancaan.
Hogaamiye u heelan danta guud arkimaysid oo danayste aan fikirkiisu dhaafsanayn docda aqalkiisa ayaa u soo istaaga danta guud, xilkaskiyo waxgaradkuna eed ka carar bay huluulaha ugu jiraan. Goobaha khayrka lagu hayo way ku sii yaraanayaan, marfashyada qaadka iyo balwadana way ku sii badanayaan. Guur koodu wuxuu noqday caashaq digaag iyo ku arkay oo ku jeclaaday, caashaq digaaggiina wuxuu dhalay inay dhalan-gadoomaan oo u ekaadaan Soomaalidii kale. Haasaawahoodu wuxuu noqday waa layna asiibay iyo waa layna sixray, talooyinka iyo tusaalayasha abwaannadu ku cataabayaanna dhagaha jalaq looma siiyo. Malaha akhristoow dhiigii baan kugu kariyay ee aan halkaa ku hakiyo dhaliilaha.
Inkastoo laga yaabo in wadooyin badan xal lagu heli-karo hadana waxaan filayaa mida ugu sahlani inay tahay
1- Ku dhaqmidda diinteena suuban iyo soo celinta sifihii guurkii awoowyaasheen ama u xero dayidda yagleelka qoysaska cusub si aan u soo noolayno quruxdii iyo qiimigii aynu lahaan jiray ee dhumay.
2- Ubad keena aan ku barbaarinno inaynan cidna ka soo ooyin, in ayaga laga soo ooyo mooyaane si aan u abuuro bulsho dhiiran oo han wayn.
3- Qofkasta ha ka soo boxo kaalintiisa, hogaan keenana aan u xulano yaa u qalma oo inaga saari kara wacyiga aynu ku jiro.
4- Aynu ka faa�iidaysano si fiicanna ugu dhago raaricinno suugaanta Alle ku manaystay abwaannada Absame, taasooy kaga hadleen fani kasta oo bulshada muhiim u ah haday noqon lahayd siyaasada, hogaanka, dhaqaalaha, cadaaladda, sayniska, saadaasha hawada, xidigiska, dulqaadka, deeqda iyo kuwo kaloo badan.
Cabdullaahi Macalin(Dhoodaan) wuxuu si habsami leh u qaadaa dhigay sifaha loo baahanyahay in lagu dhaqo ama lagu hogaamiyo umad waana kii lahaa
�Talasan iyo beel aayatiin loo tijaabinayo. Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinkii toolmoone. Qofbana waa in lagu toosiyaa takhasus kiisiiye�.
Waxaan idinku dhaafayaa tix Maxamed Cumar Dage oon is idhi malaha waa lagama maarmaan in maanka lagu hayo wuxuuna yidhi �Soomaali been baa rogtiyo dhaar la badiyaaye...Buug xaajadii lagu dhigaa laga bogsoodaaye�.
BY: Cabdi Xiis [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|