GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
EEDA BBC AY KA GASHO SHACBIGA SOOMAALIDA OGAADEENYA. By Abdullaahi Maxmed
Inta badan ma jecli in aan dhageysto daayoo xitaa ruux in uu igu ag dhagaysto idaacadan loo abuuray burburka ummadda Soomaaliyeed meel kasto oo aay joogto, lamana arko wax aan ka jeclaan lahaa in aan arka iyadoo gabigeedaba la waayo. Waxanse marmarka qaarkood dhaga dhageeyaa qaybo aay soo xusheen Websidyada Soomaalida qaarkood.

Waxa igu kalifay in aan qoro qormadan ayaa waxey tahay ka dib markii aan u kuur galay habka aay isticmaalaan shaqaalaha BBCda marka aay wareysanayaan masuuliyiin matala meelo kale duwan oo Geeska Afrika ah.

Dhulka Ogaadeenya oo ah meelaha ugu dhibaatada badan dunidan, hadii aay noqon lahayd dhibaatada aay ciidamada gumeeysigu ku hayaan shacabka ama kuwo ka dhashay siyaasada uu taliska Addis-Ababa u isticmaalo gobalkan oo aay ka mid tahay in dhulkan wax maalgashi ah loo diido, dadka aqoonta leh oo loo cagajugleeyo laguna qasbo in aay wadanka isaga cararaan, heyadaha caalamiga oo la isku dayo in laga dhaadhaciyo in meeshu aanay amaan ahayn marna Ethiopiyaanku aay sheegtaan in 100% aay gacanta ku hayaan amaanka gobalkan IWM�, ayaa caadi ahaan waxa la filayay in idaacadan eey aad uga hadasho, taasina ma dhicin .

Waxan goor danbe dhagaystay wareysi aay idaacadan la yeelatay shaqsi lahaa waxan ka tirsanahay ONLF garabka badbaadada, wariyihii wareysanayay wuxuu aad ugu celceliyay eraygan ( WAXAAD TIHIIN QABIIL KA MIDA QABIILADA GOBALKAN DAGAN ).

Haa inta badan xubnaha ONLF waxay u badan yihiin dad is ku qabiil ah, layaabna ma laha waqtigan xaadirka ah oo aay Soomaali kala tagtay in qabiilkan majoratiga ku ah dhulkaas aay xaqooda raadsadaan inkastoo aay jiraan dad badan Soomaaliyeed oo qadiyadan ku taageera oo aan iyagu qabin fikradan uu wariyahu ku celceliyay, una arka umad xaquuqdooda asaasiga ka maqan in aay soo dhacsadaan u istaagay.

Shaki kuma jiro in shacbi weynaha Ogaadeenya ama S/Galbeed oo aay ONLF ma tasho aay yihiin umad xornimo doona oo aan waxba la wadaagin Ethiopia inteeda kale.

Bal markana aan fiiriyo habka BBCdu aay wareeysiga kaga qaado dadka ka soo jeeda W/Galbeed Soomaaliya oo ka kooban gobolo badab. Waxa la wada ogyahay in SNM oo ah qabiilka ISAAQA, aay hogaanka u haysay dagaaladii ka dhacayay halkaas. Ka dib burburkii Soomaaliya waxey ku dhawaaqeen in eey dowlad madax banaan yihiin iyadoo taasi aan la qabin umada degta SOOL & SANAAG oo ka qeyb ah dhulkii waagii gumeysiga la isku oran jiray S/LAND, si weena uga soo horjeeda kala go'a Jamhuuriyada Soomaaliya.

Hadaba wali lama hayo BBCda oo ku leh kuwa iyaga dowladnimada sheegta erayada aay BBCdu isticmaasho marka aay wareysanayaan masuuliyiinta Ogaadeenya oo ah : ( WAXAAD TIHIIN QABIIL KA MIDA QABIILADA GOBALKAN DAGAN ).

Mida kale oo aan la yaabay ayaa ah BBCda oo waqti badan isticmaali jirtay ( Jamhuuriyada is magacaawday ) marka aay ka hadleyso W/Galbeed, ayaa hada waxay si sahal ah u isticmaalaan dawlada S/Land.
Su'aashu waxay tahay ka-journalist iyo ka-idaacad ahaan maxaa u banaynaya BBCda isticmaalka eraygan oo ah sheegashada qabiil ka mid ah qabiilada daga W/Soomaaliya, hadii aayan ahayn eex. Bal reer Bush Housow inoo soo sheega meesha aad warkan ka soo xigateen?

Shakhsi ahaan ma aha hool ii taala aqoon-ama-aqoonsi la'aanta reer waqooyiga waxanse halkan ka wadaa is barbardhig labo xaaladood iyo sida aay BBCda u kala jecleesato.

Hadii aan fiiriyo doodii dhex martay Adm Max'ed Omar Osman & shaqsiyaad joogay Hargeysa waxa iyana sida caadada BBCdu tahay halkaa ka muuqatay eex cad marka la fiiriyo waqtiga uu heestay Admiraalku si uu fikirkiisa u muujiyo, waxaana la ogyahay in Journalistahu aay waajib ku tahay in waqti isku mid ah uu siiyo dadka doodayo.

Waxa kaloo iyana iska cad in wax walboo muhiim ah oo Ogaadeenya ka dhaca aayanba inta badan idaacadan sheegin hadiiba aay dhacdo in aay sheegtana waa sacano gudahood, halka aay waqti aad u badan siiso dhacdooyin aan mararka qaarkood sidaa u xiiso badneyn, balse aad moodo in soo hadalqaadka meeshaash aay waajib ku tahay.

Waxan u soo jeedinayaa shaqaalaha BBCda in aanay ku xad gudbin xeerka journalistanimada iyo in aay marka hawada ku jiraan aay daayaan nin jeclaysiga, hadal kugubida dadka qaarkiis toosoo sii hurinaysa nacaybka awalba Soomaalida dhex yaalay.

CC: BBC Somali service
A/llahi Max'ed
E-mail;[email protected]


NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, tan Godeynews.com. Laakiin waxaan idiinku dhiiri gelinaynaa inaad qoraalaadiina soo dirtaan hadii ay macquul tahay si aan u daabacno .

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com