|
|
Maamulka Kililka: Dabo-Qoodhi, la haystayaal mise Daljir Qarsson! By Abdullahi Muxumed
|
Muran kama taagna in xukuumadihii isaga dambeeyey Itoobiya ay gacan bidixeeyeen shacbiga Somalida Ogaadenya marka laga fiiriyo dhinaca waxbarashada, horumarinta iyo waliba shaqaalaynta.
Itoobiya waxay mar walba u arkaysay dadka Soomalida ah inay yihiin cadaw ay tahay in layska ilaaliyo. Isbadalkii Itoobiya ka dhacay 1991-kii wuxuu furay baal cusub. Qawmiyadda Soomlida waxaa loo dhisay ama ay dhisatayba baarlamaan iyo maamul.
Waxaa u baahan in la fahmo kaalinta maamulka kilika iyo faa�iidada ay u leeyihiin dalka iyo dadka. Figrado kala duwan ayaa laga qabaa waxtarka kililka. Dad waxay u arkaan in maamulka kililku yahay aalad ay dawladda Itoobiya u adeegsato waxyeelaynta dadwaynaha iyo duudsiga xuquuqda ummadda. Qaar kalana waxay aaminsan yihiin inay yihiin lahaystayaal aan awood lahayn, wixii la qummanna aan ka hadli karin. Waxaa jira figrad seddexaad oo aaminsan in xubnaha haya maamulka kililka ay faa�iido u hayaan umadda.
Waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado sida ay wax uga jiraan seddexdaas figradood. Baadhistayda waxaan la kaashaday xubno ka tirsanaan jiray maamulka kililka, kuwo wali ka tirsan iyo rag siyaasiyiin ah oo la socda xaaladda Itoobiya. Sidoo kale, waxaan waraystay xubno ka tirsan ururka JWXO iyo dadwayne kala duwan oo isagu jira kuwa taageera JWXO iyo kuwo kalaba. Waxaan halkan ku soo gudbinayaa aragtiyadii aan kala kulmay mas�uuliyiintii iyo dadwaynihii aan waraystay. Nabadgalyadooda darteedna, halkan kuma xusi doono magacyadii shakhsiyaadkii ra�yiga ka dhiibtay.
Waraysigaas waxaa iiga soo baxday inay kala duwan yihiin xubnaha ku jira maamulka Itoobiya heer federal iyo heer kililba. Qaarkood waxay u arkaan shaqo mushaar ka soo galo, aragti intaas dhaafsana ma laha. Hase yeeshee, qaar kale waxay u arkeen inay tahay fursad ay uga faa�iidayn karaan umaddooda. Kooxdan waxay is tuseen in dub-u-dhaca ku dhacay Soomalida Ogaadenya ay ugu wacan tahay ka maqnaanshahii qawmiyadda Soomlidu ay ka maqnayd xukunka Itoobiya. Xubnahaas waxay xoog saareen inay waxay qaban karaan ummadda u qabtaan. Sidoo kalana ay isku dayaan inay ummadda ka badbaadiyaan dhibaatada uga iman karta siyaasadda Itoobiya. Raggan qaar ka mid ah oo aan anigu si toos ah ula hadlay, qaar kalana ay la hadleen dad aan dirsaday, waxay sheegeen inay u arkeen in ku dhex jirka nidaamka Itoobiya ay ka korodhsan karaan waayo-aragnimo xagga diplomaasiyadda iyo nidaamka dawladeed, taas oo ay aakhirka ku anfici karaan umaddooda.
Maadaama uu dastuurka Itoobiya qorayo in umaddii doonta ay ka go�i karto Itoobiya, waxay u arkeen ku dhex jirka nidaamka Itoobiya heer federal iyo heer kililba inay sahli karto suurtagalnimada arrinta go�niinka. Aragtidan waxay jirtay ama ay xoog badnayd illaa shantii sano ee ugu horraysay xukuumadda cusub ee Itoobiya. Wixii ka dambeeyey 1998 aad ayay u sii shiiqaysay. Xubnaha aaminsanaa in ku dhex jirka maamulka Itoobiya looga faa�iidayn karo ummadda ayaa tiro badnaa marka loo bar-bar dhigo kuwa ka dhigtay mas�uuliyaddii ay hayeen ilo dhaqaale oo ujeedadooda oo idil ay tahay mushaarka yare e ay qaataan.
Haddaba, maxaa ka hirgalay hammigii mas�uuliyiintaas, maxaase figraddii shiiqiyey?
Xubnahaas heer federal iyo heer kililba dadaal badan ayay sameeyeen si ay uga sal gaadhaan ujeedadooda. Hase yeeshee, dawladda Itoobiya oo aan daacad ka ahayn arrinta ismaamulka iyo ta go�niinkaba darteed, mas�uuliyiintaas waxaa soo wajahday curyaamin, handadaad iyo waliba waxyeello toos ah oo qaarkood loo gaystay.
Shirqoollo badan ayaa loo dhigay oo keentay in qaarna la xidho, qaarna xilalkii laga qaado. Waxaa mas�uuliyiintaas lagu eedeeyey inay hanti lumiyeen, qaara waxaa lagu eedeeyey inay xilkooda gudan waayeen. Waxaa intaas ka sii darrayd iyadoo qaarkood lagu eedeeyey inay gacan saar la leeyihiin ururada mucaaradka sida JWXO. Xubin ka tirsanaa maamulka kilika ayaa yidhi �Eedaymahaas waa kuwo caadi ah oo dhegahayagu u barteen, dawladduna waxay u adeegsataa inay eedda isaga leexiso, waxayna u ekaysiisay in qawmiyadda Soomalidu aynan lahayn dad xilkas ah oo ka soo bixi kara maamulka kililka�. 11kii sano ee xukuumadda cusub ay Itoobiya hogaaminaysay, kililka Soomlida waxaa iska badalay 8 madaxwayne, tirana ma laha inta mar ee la kala diray madaxda ama shaqaalaha kililka.
Mas�uuliyiinta ka soo jeedda qawmiyadda Soomalida waxaa soo wajahday inay kala doortaan labo arromood: Inay naftooda halis galiyaan oo la xidho amaba la dilo ama ay shaqadooda waayaan iyo inay iska aamusaan oo ay dhinaca ka raacaan maamul xumada iyo qaska meesha ka jira. Nasiib darro, waxaa loo batay ra�yiga ah �dadkaada dhinac ka raac�, oo loo arkay sida kaliya ee lagu badbaadi karo.
Xaggee hadda wax marayaan?
Hadda waqtiga la joogo, waxaa Itoobiya u suurtagashay inay maamulka ku soo dhex darsato shakhsiyaad aan damiir lahayn oo fuliya danaha Itoobiya, loona adeegsado waxyeelada dadwaynaha. Dadka ku jira maamulka Itoobiya waqtigan la joogo waxay u qaybsan yihiin seddex nooc:
Kooxda koowaad, waa kuwo cabsi darteed iska aamusay, si ay naftooda u badbaadiyaana dhexda ka raacay nidaamka xun ee meesha ka jira. Qoladan iyagoon is ogayn ayay ka mid noqdeen dhibaatadii jirtay. Kooxdan intay is lahaayeen naftiina badbaadiya ayay waxay sameeyaan ama ku hadlaan waxaan uurka ka jirin. Xitaa markay saxaafadda la hadlayaan, waxay ku hadlaan waxyaabo raalligalinaya xukuumadda Itoobiya. Kooxdan waxaan ku tilmaami karaa inay yihiin �La Haystayaal�. Nin ka mid ah maamulka ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay xubinkii waraysanayey �Waxyaabaha aad cidaacadaha ka maqashaan anagoo ku hadlayna, waxaad ka soo qaaddaan wixii uu ku hadli lahaa ruux madaxa qori lagaga hayo oo lagu yidhi sidaas iyo sidaas dheh�.
Kooxda labaad, waa shakhsiyaad loo adeegsado waxyeelaynta dadwaynaha. Wax kasta oo dawladda Itoobiya ka fulinayso gobolkana, iyaga ayaa layska hormariyaa. Nasiib darro kooxdan tiradoodu way sii kordhaysaa marba marka ka dambaysa. Kooxdan waxaan ku tilmaami karraa �Daba-Qoodhi�.
Kooxda seddexaad, ahna kooxda ugu tiro yar waa kuwo wali dadaalaya, damiir wadaninimana ay ku jirto. Xubnahan si taxadar leh ayay ugu adeegayaan dadwaynaha. Khatar joogta ah ayay ku sugan yihiin, waxayna dawladda Itoobiya u maleegaysaa shirqool lagu fashilanayo ama magacooda lagu xumaynayo. Kooxdan waxaan ku magacaabi karraa �Daljirka Qarsoon�.
Abdullahi Muxumed [email protected]
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|