|
|
Dadaalka Nabadeed ee Duqaydu Waa Nooce?? Qore Abdi Habashi
|
Oday- dhaqameedyadu waxa u madanyihiin xushmo iyo qadarin markasta. Waxa ay bulshada ku leeyihiin kaalin muhiim ah oo taariikhi ah. Waxa amaan dheeraad ah ay ku yeesheen dadaalka nabadeed ee ay wadaan iyo ka dhiidhiga dulmiga lagu hayo shacbigooda.
Maxaa dhaliyey dadaalka duqayda?
Jawaabta ugu fudidi waa: dhibka lagu hayo umadooda. Sida laga warqabo waxaa aad u kordhay dulmiga lagu hayo shacbiga Soomaaliyeed ee Ogaden intii ay jirtey xukkumada uu hogaaminaayo Zenawi. Dulmigan yaa keenay abaabulka odayada iyo in ay u dacwaadan dawlada gobolka iyo ta fadaraalkaba.
Codsiyadoodi waxaa kamid ahaa:
� In la joojiyo faragalinta askarta ee arimaha maamulka � In colaadaha beelaha dawladu wax ka qabato � In sida loo wadaago miisaaniyada deegaanka dib loo eego � In tiro koobka deegaanka dib loogu noqdo � In dadka ka buuxa xabsiyada la horkeeno maxkamado ama la sii daayo � In dadku si xor ah u doortaan cidii ay u arkaan in ay wax u tarayso � In gobolka la horemariyo � Iyo in dawladu la xaajooto ONLF
Dawlada dhaxe yaa qirtey in ay wax ka jiraan waxyaabaha ay duqaydu ka cabanayaan islamarkaana ay wax ka qaban doonto. Meles yaa xitaa ku hanjabay in uu kala diri doono maamulka degaanka hadii ayna isbadal samaynin!!
Waxaa iswaydiin mudan, maxaa ka hirgalay codsiyaadii dawlada loo jeediyey?
Inta aan ka war qabo, waxa aan odhan kara-waxyar. Arinta layaabka lahi waxa ay tahay in ay dawladu indhaha ka qarsato wixii ay qaban kartey sida yaraynta awooda ciidamada, fulinta doorasho cadli ah iyo wax ka qabashada cooladaha beelaha. Hasayeeshe, waxa ay dawladu ku xujaysay duqayda shay aad u adag: NABAD KA DHALIYA DEEGAANKA!!
Inkastoo sababo badan loo aaneeyo in dawladu ku dhawaaqdo heshiis nabadeed ay la gasho ONLF sida colaada xuduuda ee Eritareeya iyo culayska kooxaha mucaaridka ah, hadana codsigii odayaashu wuxuu ahaa muhiim.
Waxaa jira mad-madmadaw
Wali ma cada sida ay cid walba nabada u doonayso iyo in ay daacad ka yihiin. Balse, kulankii qaar kamid ah odayada iyo madaxda jabhada waxa uu ahaa bilow wanaagsan. Waxaa aan ku tilmaami kara fursad ay duqaydu u heshay in ay kula doodaan jabhada islamarkaa sida ay u arkaan jabhada ugu sheegaan. Dhinaca kale, jabhadu waxa ay ogaatay dareenka qaar kamid shacabkeeda.
Sida laga warqabo duqaydu ma aha urur siyaasi ah ama dawlad barnaamij leh, balse, waa madax dhaqameedyo. Waxa ay ku kaliftey in ay galaan arin dhib badan oo ah siyaasad. Sidadarteed, wax ayna u qalmin ama ayna filaynin yaa ku dhici kara!! Iyada oon laga tagayn xushmada iyo qadarinta odaytinmo ayaa wax la iska waydiin karo ama lagu khilaafi kara dadaalkooda nabadeed. Anigu qof ahaan, wali ma fahmin sida duqaydu wax u doonayaan.
Dhinca kale, soo ma jirto meel la odhan karo halkaa ma dhaafi kartaan. Tusaale ahaan, hadii ay jabhadu tidhaahdo: aad yaad u mahadsantihiin in dawlada aad ogolaysiisaan nabada iyo wadahadal laakiin waxa aan doonayna in aan dawlada ula hadalno si siyaasi ah iyo in ururo caalami ahi na dhaxdhaxaadiyaan. Arintaasi ma khaldbaa?
Ugu dambayn odayaashu ma waxa ay doonayaan:
1) In hubka jabhadu dhigto shuruud la,aan oo dadkooda dhinac ka raacaan? 2) In wax kasta oo Itoobiya doonayso lagu qaato nabada? 3) In wadahadal kasta oo u dhaxeeya dawlada iyo jabhada ay goob jog ka ahaadaan? 4) Ma sida jabhadu ay rabto yey doonayaan? 5) Mise waxan way ku jaahwareersan yihiin oo dawlada yaa isaga jeedinaysa markii ay fulin kari wayday codsiyadoodii hore?
Nabadu waa shay qaali ah sahalna kuma iman karto. Waa in la raadiyo lana tageero nabada, laakiin, waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo dodo badan oo la isku qancinayo.
Waxa aan ku soo xidhayaa hadalkaayga:
DUQAYDU NABD NOCEE AH YEY DOONAYAAN???????
Abdi Habashi [email protected]
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|