|
|
Socdaalka odayaasha: Nabad-doon Mise �. ! By Abdullahi Muxumed
|
Xubno ka mid ah odayaal dhaqameedyada Soomalida Ogaadenya ayaa la sheegayaa inay safar ku tagayaan goobaha ay Jaalliyadaha Ogaadenya ku xoog badan yihiin. Arrinta socdaalka odayaasha muddo dheer ayaa la hadal hayey, dhawr mar oo horena way beenowday. Ujeedada ugu wayn ee la sheegay inay odayadu u scodaan ayaa ah inay la kulmaan JWXO oo ay kala hadlaan wada hadal dhex mara Itoobiya iyo JWXO.
Illaa hadda wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca odayada ama JWXO oo arrintan xaqiijinaya ma jirto. Balse aan ka soo qaadno inuu warku run yahay. Waxaan qormadan kaga hadlaynnaa ujeedada socdaalka iyo waxyaabaha faa�iido iyo khasaaro uu u leeyahay halganka shacbiga Soomaalida Ogaadenya ama siyaasadda Itoobiya.
Ugu horrayn, arrintan waxay leedahay labo waji, mid muuqda iyo mid qarsoon. Aan ku horreeyo midka muuqda. Odayaashu dhawr jeer ayay Itoobiya ka codsadeen inay u oggolaato inay dibadda u dhoofaan si ay ula kulmaan JWXO iyo jaalliyadaha dibadda. Inkastoo aynan Itoobiya si cad u diidin haddana way warwareejisay odayada. Labo mar ayay arrintan dhacday, mid walbana markii sugiddii dheeraatay ayay odayadu ka samreen. Su�aalo badan ayaa ka soo baxay waxa ay Itoobiya hadda u oggolaatay (Waa haddiiba ay arrintan rumowdo).
Ujeedada la sheegay waa inay la soo kulmaan JWXO. Ujeedada muuqata ee socdaalka odayadana waa inay la kulmaan JWXO. Odayadu dhawr jeer (Inta la ogyahay 2 mar) ayay la kulmeen mas�uuliyiin sar-sare oo ka tirsan JWXO oo ay ka wada hadleen sidii nabad loogu xallin lahaa qaddiyadda Ogaadenya iyaga oo farriimo u kala gudbiyey JWXO iyo dawladda Itoobiya. Haddii ay odayadu rabaan inay sii xoojiyaan wada hadaladii hore oo ay mar labaad la kulmaan JWXO, maxay tahay sababta keentay tirade intaa le�eg ee odayaasha ah inay soo ambabaxaan? Maxaase keenay inay seddex dal u kala ambabaxaan? Caqliga caadiga ah wuxuu ina tusayaa in hal meel uu ka dhaco kulan lala galayo JWXO. Midda labaad, inta la og yahay wax xidhiidh ah oo rasmi ah ama ballan ah oo ay la leeyihiin JWXO ma jirto, iyadoo waliba mas�uuliyiinta sar-sare ee JWXO aynan ku sugnayn goobaha ay odayadu tagayaan. Haddaba uma muuqato inay odayaashu u socdaan inay la kulmaan JWXO. Haddii aan intaa isla fahamnay, waxaa inoo soo hadhaya arrinta ah, �malaha waxaa jira ujeeddo kale�, waana wajiga labaad ee socdaalka odayaasha ee qarsoon.
Ujeedada qarsoon ee socdaalka odayaasha waa inay la kulmaan jaaliyadaha ree Ogaadenya ee lagu tuhmayo inay kaalin xoog leh kaga jiraan halganka umadda iyo waliba ilaalinta xuquuqul insaanka ree Ogaadenya. Melez wuxuu tuhunsan yahay in haddii uu ku guulaysto in jaalliyadaha ay joojiyaan ama yareeyaan hawlaha samafalka, xuquuqul insanka ama siyaasiga ah inuu si sahlan uga adkaan karo halganka gudaha ka socda iyo waliba culayska kaga imanaya xagga beesha caalamka.
Sidee bay odayadu u fulin karaan ujeedadaas?
Farriinta ugu wayn ee odayadu wadaan waa in shacbiga Soomalida Ogaadenya ay nabad wax ku raadiyaan, wixii Itoobiya laga rabana nabad iyo wada hadal lagaga doono. Waxay kaloo dadwaynaha u sheegi doonaan inay ballan qaad ka haystaan Melez inuu diyaar u yahay in wax walba nabad lagu dhameeyo. Farriinta ah �In wax nabad lagu raadiyo� miyey xun tahay?. Maya waa waddo fiican lagana yaabo inay badbaadiso naf iyo maal badan, mabda�iyana ma aha arrin khaldan, waana wadada saxda ee ay tahay in lagu xaliyo mushkiladaha adduunka. Mar haddii ay sidaas tahay shacbi badan oo ree Ogaadenya ah ayaa soo dhawayn doona figraddaas. Haddaba, maxay tahay dhibka ku jira in shacbigu soo dhaweeyo fikirka ah �in nabad wax lagu raadiyo�. Farriinta ku xigta nabad wax ku raadinta waxay noqonaysaa in halganka la joojiyo. Sidee buu halganku u joogsanayaa?
Haddii Jaalliyaduhu taageerada joojiyaan ama yareeyaan, waxay saamayn ku yeelan socodka halganka. Haddii jaaliyaduhu joojiyaan ama yareeyaan u ololaynta xuquuqda shacbiga Ogaadenya, waxaa baaba�aya ama yaraanaya cadaadiska beesha caalamka iyo ururada xuquuqul insaanku ay ku hayaan Itoobiya. Waxaa dhici karta in marka xigta ee xasuuq ka dhaco magaalooyinka Ogaadenya (sida tii Qabridaharre) ama tuulo la gubo (sida Fooljeex) in aan adduunka laga ogaanin. Qorshaha dheer ee dawladda itoobiyana waa kaas.
Odayadu ma Melez ayay u adeegayaan?
Xaasha, maya. Odayadu intaas way iskala sharaf badan yihiin. Waxayna isu arkaan inay hawl muhiim ah umaddooda u qabanayaan. Hase yeeshee, dhinacna waxaa haysa farsamo xumo, waayo-aragnimo siyaasadeed la�aan, awood la�aan, dhinaca kalana waxay la xaalayaan dawlad kana xoog badan kana hanti badan oo aan hawsha daacad ka ahayn.
Intee in le�eg ayay odayadu ka og yahay ujeedada qarsoon ?
Nasiib darro, odayadu wax badan kama fahamsana ujeedada ay fulinayaan. Waxaa intaas ka daran waxayba ku mashquulsan yihiin, is-eedayn dhexdooda ah oo ku saabsan dad laga reebay wafdiga iyo beelo aan cid laga darin iwm. Qaar waxaa la wayn dhoofidda, ujeeddo intaas dhaafsiisana ma hayaan.
Natiijadu maxay noqon?
Haddiiba soo bixidda odayadu ay run noqoto, jaalliyadaha ayay la hadli doonaan. Waxaana jiri doona dad u riyaaqa farriintooda. Hase yeeshee, si guud kama duwanaan doonaan qaar badan oo hore isugu dayay inay farriimo noocaas ah bulshada u soo bandhigaan, ka dibna faro madhnaan kala laabtay. Wax afka laysaga sheegana waxaa ka muhiimsan waxa muuqda. Waxa muuqdana wuxuu yahay in Itoobiya aynan diyaar u ahayn nabad waarta oo shucuubta Itoobiya si guud ama shacbiga Somalida Ogaadenyana si gaar ah uu helo aayo-ka-talintiisa. Waxay Itoobiyaa raadinaysaa fursad ay xaaladda ay manta ku jirto kaga gudubto.
Wixii aan dagaal ku heli lahaa haddii aan nabad ku helayo, waa �waxaadii wax laguugu dar�, yaase arrintaa kafaali qaadi kara oo damaanad ama ballan qaad ka haya Itoobiya, yaase huba wixii ay ballan qaaddo inay fulinayso?
Si aan hoosaasin iyo khayaamo u dhicin ayaa habboon in wada hadal iyo xallinta arrinta qadiyadda Ogaadenya loo maro nidaamka caalamiga ah ee dhibaatooyinka noocan ah lagu xaliyo.
Abdullahi Muxumed [email protected].
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|