|
|
Sifooyin ay ka siman yihiin Dagaal Oogayaasha ONLF iyo Dagaal Oogayaasha Muqdisho. Qore C/Laahi Axmed Gaas
|
Waxaa laga yaabaa in dad badani ay la yaabaan cinwaankan iyaga oo aan akhriyin nuxudhka waraaqdan. In kasta oo wax walba oo la is bar-bardhigo ay suuragal tahay in dulmi uu ku jiro sababtoo ah wax isu ekaan karaa ma jiro 100%, hadana waxaa jira wax is shabihi kara xaga tacaamulka iyo nadaamka uu u shaqeeyo.
Haddii aad is tidhaadhdo oo kuwan ONLF waxay la diriryaan Xabashi kuwanina Xabashi bay u jabiyeen Soomaaliya waxaa muuqata inaad xog haynin. Waxaa muuqata in waxa aad wax ku qimaynayso uusan madax caafimaad qaba.
Aan ku soo dhawaado waxa ay ka siman yihiin labadan dagaal ooge waa kooxda Soomaaliya u haysata Madax furashada sida Caydiid oo falaad xumadiisii nooshahay, Yalaxow, Caato, Qal-Yare iwm ee Xamar u diiday inay nabad ku cawayso iyo kooxda ONLF ee ay haatan u horeeyaan Max�ed Cumar, Max�ed Ismaaciil, Max�ed Doolaal, Cadaani iyo C/Laahi Mukhtaar.
� Labadan qolaba waxay sheegtaan inay xaq-u-dirir yihiin. Mooryaantii USC waxay sheegeen inay wadanka xoraynayeen. Dagaal Oogayaasha ONLF waxay sheegayaan inay wadan xoraynayaan.
� Labadan kooxood kuwa Xamar iyo Kililku waxay kitaab baalaha ku gooyeen inayna Xamar iyo Ogaadeenya nabad iyo maamul ka hir galin intay nool yihiin.
� Labadan kooxood waxay wada ogsoon yihiin in haddii nabadi dhacdo ayna muhiim noqonaynin iyagu. Inta la hadal hayo ee ay wax qasayaan waa inta saxaafadu ka sheekaynayso ee magacooda la wad-wado.
� Labadan kooxoodba waxay la hadheen meelaha ay ka hawl galaan; waxaan u jeedaa Mooryaanta Xamar waxay la hadhay Xamar inuu ka suuroobo wax nadaam ah iyada oo Soomaaliyada kale ay dhaanto sida Waqooyi Galbeed, Puntland, gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo waliba Baay iyo Bakool. Kooxdan ONLF waxay la hadheen 6 gobol ee uu Ogaadeenku u badan yahay. Gobolada kale ee 3 ah waa Liibaan, Jigjiga iyo Shiniile hal qof siyaasad looma dilo loomana xidho. Waxaa 3daa gobol ay u socdaan dhinaca horumarka.
� Labadan kooxood waxay isticmaalaan nadaamyo ay khabiir ku yihiin oo dadka dhiigiisa loo kiciyo. Kooxdan Xamar waxay dadka ku dagaal galiyaan, DAAROOD ayaa soo noqonaya. Hadaynu Siyaad Barre ka saaray Xamar sideen C/Laahi Yuusuf ugu soo dhawaynaa Xamar? Ma Daarood ayaa kolba shaadh noo soo xidhan. Kooxdan ONLF waxay dadka ku beer laxawsadaan; Ethiopia ayaa xidh-xidhay dad shacab, nin baa la dilay, ninbaa la dhaawacay iwm.
� Dagaal Oogayaasha labadan kooxood waa kuwa Xamar iyo kuwa ONLF waxay caan ku yihiin inay caruurtoodu ka fog tahay goobaha ay hurinayaan. Caato, Yalaxow, Qal-Yare, ina Caydiid iyo inta la mid ah waxay caruurtoodu joogaan Yurub iyo Maraykanka. Sidoo kale kooxdan ONLF qab-qablayaashoodu waxay dagan yihiin wadamadan; UK, Denmark, iyo Australia. Qaar ka mid ahi waxay qurbaha soo galeen sanadihii Sideetamaadkii, mana tagaan dhulkan ay hurinayaan booqashooyin gaa-gaaban mooyee.
� Labadan kooxoodba waa Mooryaanta Xamar iyo ONLF waxaa ku yar amaba aan ku jirin cid wax taqaana. Qab-qablayaasha Xamar waxay ka fogaadaan cid tacliin leh. Waxay uruursadaan dadka ka yimid xoolaha oo ay bareen noocyo kala duwan oo mukhaadaraad ah. Qoladan ONLF waxay xooga saaraan dhalinyarada geel jiraha ee aan lahayn wax tacliin ah hab yaraatee. Ciidanka ONLF ee ka hawl gala qaar ka mid ah gobolada dalkaa waxay u badan yihiin xubnihiisu sida la sheegay dadka dayrada ka ah reerahooda sida kuwa madawarka ah ee tuula joogyada ah, kuwa wax xaday ee soo dhuuntay iyo kuwa magaalooyinka ka galay magaalooyinka daymaha la xidhiidhka jaadka iyo sigaarka.
� Labadan kooxood waxay u sheegaan dadkooda waa (Reer Banaadir iyo Reer Ogaadeenya) inay sharaftoodii soo dhicinayaan oo ay difaacayaan, halka ay tahay taas caksigeeda ee ay gunnimo u dileen dadkooda.
� Labadan kooxoodba waxay markii u horaysay heleen taageerada shacabka oo buuxda. Caydiid iyo USC diisii waxaa taageeray oo Siyaad Barre wadanka ka saaray ummadda reer Banaadir. ONLF waxaa hogaanka u dhiibay dadka reer Ogaadeenya. Labadanba waxaa hada ku soo hadhay wax bi�iska iyo qaaqlaha. Bal u fiirso dadka taageersan labadan kooxood ee kuu dhaw meel walba oo aad joogto. Ma yihiin kuwa ugu tayada xun mujtamaca aad taqaano, Ilaahay ayaan kugu dhaariyaye?
� Labadan kooxood waxay labaduba ku faraxsan yihiin inay iyagu yihiin kuwa waxba laga wadi la�yahay. Haddii la ictaraafo ma ogola oo waxay odhan waa nala sirayaa, haddii laga tala baxana mooryaantoodii kontorooladay fadhiyaan.
� Labadan kooxoodba waa ONLF iyo Dagaal oogayaasha Xamar waxay Muslimiinta diinta u dirira u yaqaanaan inay yihiin �Argagixiso�.
� Labadan kooxoodba waa dagaal oogayaasha Xamar iyo dagaal oogayaasha ONLF way soo taageero beelayaan maalinba maalinta ka danbaysa. Mar aan sidaasi u fogayn waxaa la rajaynayaa inay dhacdo in lagu foodhyo waa haddii ayna is badalin oo ayna u hogaansamin doonitaanka shacabka reer Banaadir iyo Ogaadeenya ee ah Nabada, kala danbaynta iyo xasiloonaanta.
C/Laahi Axmed Gaas [email protected]..
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|