|
|
Taariikhda Dadaalka Nabada iyo Horumarka ee Madax Dhaqameedka Ogaadeenya. Qore C/Laahi Axmed Gaas
|
Waxaa ilaa bishii la soo dhaafay ee Feb 2006 ku soo batay boggaga ay maamulaan Ogaadeenku sheekooyin iyo faallooyin la xidhiidha safarkii Madax Dhaqameedka Deegaanka Soomaalidu ku soo aadayeen dalalka Yurub iyo Maraykanka. Wararkan intooda badan waxaa qoraya dad in yar ama aan waxba ka ogayn hawsha Madax Dhaqameedku siday ku bilaabatay, cida wada, ujeedada Madax Dhaqameedka iyo waxa ay doonayaan inuu u qabsoomo. Dhinaca kale waxaa jira dacaayad isa soo taraysa oo madaxda ONLF oo isticmaalaya magacyo qalaad ay ku faafinayaan boggaga Internet ka, una waramayaan idaacadaha ay maamulaan iyo waliba goobaha fadhi ku dirirka. Waxaan halkan ku soo bandhigayaa taariikhda dadaalka Madax Dhaqameedka iyo sidii ay Madax Dhaqameedku cid walba uga yaabiyeen barnaamijoodana uga difaaceen inay baabi�iyaan dad iyagu leh dano dawladeed, kuwa urur ama kuwa gaar ahaaneed ciday dooniba ha ahaadeenee. Maxaa bilaabay dadaalka Madax Dhaqameedka? Yaase abaabulay? Dadaalka Madax Dhaqameedku wuxuu bilowday sanadkii 2002. Wuxuu ka bilowday gobolka Qoraxay kadib markii odayaal ka dhiidhiyay dhibaatada dalka ka jirta ee ay ku hayaan ciidamada dawladu ay go�aansadeen inay cabashadooda gaadhsiiyaan xafiiska Raysul Wasaaraha Itoobiya. Fikradan waxaa abaabulkeeda lahaa Ugaas Cabdi Axmed Xaashi (Cabdi Dacay) oo ka soo guuray wadanka Imaaraadka Carabta. Odayaashan oo ahaa hal darsin ayaa waxay kala kulmeen maamulka dagmada Q/Dahare dhibaatooyin badan iyaga oo ku sigtay in markay anbabaxayeen la xidh-xidho. Odayaashaasi waxay gaadheen Jigjiga oo sidii oo kale la xidh-xidhi gaadhay. Ugu danbayn waxay u gudbeen magaalada Addis Ababa. Waxay in muda ah joogeen Addis Ababa iyada oo uu Meles Zenawi diiday inuu qaabilo. Zenawi wuxuu odayaasha uso faray fariin ah in gobolkaas dhibaatada siyaasadeed ee haysata ay masuul ka yihiin qabiilka Ogaadeenka. Wuxuu ku yidhi laba mid yeela �nimanyahow dagaalama oo dawlada iska dhiciya, ama dhulkii qaata oo qabaa�ilka kale ee Soomaalida isma haysanee ku soo biira�. Odayaashu waxay markaas sameeyeen inay u waramaan saxaafada. Joornaal mucaarad ah oo Addis Ababa ka soo baxa ayaa warsaday odayaasha waxayna markaas ku sigteen in lagu xidh-xidho Addis Ababa. Odayaashii reer Qoraxay markay kusoo noqdeen magaalada Q/Dahare wuxuu amar ku bixiyay gudoomiya gobolka Qoraxay in la xidhi-xidho maadaama oo siduu sheegay ay si xun usoo dacaayadeeyeen maamulkiisa. Odayaashii waa la xidh-xidhay. Amar sare oo ka yimid Meles Zenawi ayaa lagu sii daayay odayaasha iyo dhamaan maxaabiistii ku xidhxidhnay magaalada Q/Dahare bishii June 2002dii. Waxaana la badalay madaxii ciidamada dawlada ee gobolka Qoraxay. Marxaladii 2aad ee is abaabulka odayaasha
Kadib markii ay odayaashii reer Qoraxay ku guulaysteen dadaalkaas ahaa inay ka dhiidhiyaan dhibaatada reer Qoraxay ciidanku ka hayaan ayaa waxaa bilowday guux heer Kilil ah oo laga guuxayo in xilkaska gobol walba uu qayb ka qaadan karo siyaasada iyo wax ka badalida gobolka. Waxay odayaashii madax dhaqameedka ahaa ee gobolada lixda ah ee Ogaadeenku ku badan yahay ay si gaar-gaar ah iyo si guudba ugu shirayeen magaalada Jigjiga. Waxay markaas Madax Dhaqameedka Ogaadeenku isku dayeen in qabaa�ilka kale ee Soomaalidu uu kal aqayb qaato arinka waxaana si cad u hor istaagay Ugaasyo iyo Suldaamo kale oo Soomaalida ah oo gaca ka helayay xukuumadii Cabdi Jibriil.
dayaashaan Madax Dhaqameedka ah oo mar ku shiray hudheelka Badde ee magaalada Jigjiga waxaa ka hadlay Ugaaska Beesha Garri Koonbe oo sheegay in �Ogaadeenku uu marka hore isku luga duwdo� Wuxuu Suldaankaan beesha Garri markaas ka hadlayay hindise ay aas-aaseen Madax Dhaqameedka Ogaadeenku oo ahaa in la sameeyo xulafo la idhaahdo �Daaroodka Galbeed� oo ka kooban; Absame, Garri, Harti iyo Mareexaan. Dhammaanba Madax Dhaqameedka qabaa�ilka kale arinakn waxay ku fiirinayeen il gooni ah iyaga oo diidanaa inay dhex galaan dakanada u dhaxaysa Ogaadeenka iyo Dawlada. Madax Dhaqameedka Ogaadeenku waxay bilaabeen inay iclaamiyaan shir iyaga u gooni ah . Shirkaas waxaa ka qayb galay Madax Dhaqameed fara badan waxayna doorteen gudi ka kooban 135 Madax Dhaqameed. Guddi culimo ah oo uu hogaaminayo Sh Max�ed Xikam ayaa mudo 6 bilood akhriyay Quraan iyaga oo ku jiray khilaawo ah in Ilaahay subxaanuhu watacalaa uu dadka gobolka siiyo muwaafaqo ay danahooda kaga tashadaan.
Guddigan Madax Dhaqameedku waxay iska sii xusheen 18 oday waxayna guda galeen hawlihii sixitaanka Kililka. Sixitaankii Maamulka Kililka iyo Hawlihii Nabadaynta ee Gobolka Madax Dhaqameedka Ogaadeenkau waxay u anbabaxeen magaalada Addis Ababa. Madax Dhaqameedku ma haysanin wax kharash ah oo ay ku qabtaan hawshan wayn. Waxay taageero ka helayeen ganacsato deegaanka Soomaalida ah oo qaata qandaraasyo kala duwan. Waxaa kale oo ay Madax Dhaqameedku qaylo dhaan u soo dirsadeen dibadaha. Jaaliyadaha dibada ee taageeray mawqifka Madax Dhaqameedka waxaa ka mid ahaa Reer UK, Denmark/Norway, South Africa iyo Australia. Odayaashan oo tagay magaalada Addis Ababa bishi Dec 2004 ayaa waxay dageen guri ay ka kiraysteen xaafad magaalada ah. Gurriga kiradiisu waxay ahayd 1000 Birr. Dadka Ogaadeenka ah ee dagan magaalada Addis Ababa ayaa marti galin xoog leh u sameeyay Madax Dhaqameedka. Madax Dhaqameedku waxay joogeen magaalada Addis Ababa muda 4 bilood ah iyada oo uu Zenawi ka war-wareegay la kulankooda. Zenawi wuxuu marmarsiinyo uga dhigtay inuu mashquul ku yahay qaban-qaabada doorashooyinka.
Waxay dhawr jeer la kulmeen Madax Dhaqameedku wasiirka arimaha federaalka iyo saraaakiil kale oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga. Odayaashan ayaa waxay ka baxeen magaalada Addis Ababa iyaga oo aan wali la kulmin Ra�iisul Wasaaraha Ethiopia dabayaaqadii bishii April 2005 iyaga oo Madax Dhaqameedku ay heleen mu�aamarooyin lagu doonayo in la laayo kadib markii ay foolxumaatay xaalada nabadeed ee magaalada Addis Ababa. Mucaaradka qabiilka Xabashida oo aan doonaynin in gobolka Soomaalidu uu hagaago ayaa la sheegay inay doonayeen inay khaarajiyaan Madax Dhaqameedka. Wajigii 3aad ee dadaalka Madax Dhaqameedka Tashwiishkii dawladu ku furtay odayaasha
Dawlada Ethiopia waxaa u cadaatay Madax Dhaqameedkani ay yihiin minted usoo jeedsaday inay gobolkooda wax u qabtaan. Hadaba waxay isku dayeen inay xukuumada Zenawi inay odayaasha kala dhex galaan iyaga oo u kala qaybiyay laba kooxood.
Odayaal taageersan waxay dawladu ugu yeedhay Nabad �Diid iyo odayaal nabad doon ah. Bishii May 2005 ayay dawlada Ethiopia abaabushay odayaal kale oo aan ahayn kuwii guddiga lahaa. Nasiib darada ku dhacday dawlada odayaashii ay abaabushay waxay mar kale soo doorteen odayaashii hore sidaas ayuuna ku fashilmay shirkii Godey ee June 2005. Markaas kadib waxay xukuumada Zenawi si rasmi ah u gudoonsatay inay Madax Dhaqameedka la macaamisho. Bishii June 2005 ayuuna Xafiiska R/Wasaaruhu si rasmi ah u qaabilay odayaasha. Madax Dhaqameedka iyo Zenawi 28 June 2024 ayaa kulan ku dhexmaray Madax Dhaqameedka Ogaadeenka oo diyaarad lagaga qaaday Godey iyo R/Wasaaraha Ethiopia Zenawi. Kulankani wuxuu socday muda ah 4 saacadood. Zenawi oo doonayay inuu Madax Dhaqameedka u kala qaybiyo qabaa�il iyo gobolo wuxuu warsaday Madax Dhaqameedka in mid waliba marka uu hadlayo inuu sheego magaciisa qabiilkiisa iyo gobolka uu ka yimid. Ugaas Max�ed Duullane Ugaas Xaashi oo Madax Dhaqameedka u furay hadalka ayaa hadalkiisii ku bilaabay: �Waxaan ahay Max�ed Duullane, waxaan ahay hayb ahaan Ogaadeen, waxaanan ka imid gobolka Ogaadeenya� Intii ka danbaysay Ugaas Max�ed Duullane wuxuu Ugaas waliba ku bilaabayay hadalkiisa sida Ugaas Max�ed Duullane oo kale. Madax Dhaqameedku waxay kala hadleen dawlada qodobo 4 ah: 1) In maamulka Kililka ay dawlada dhexe ka dayso faragalinta 2) In la baab�iyo tirakoobkii 1997 kaasoo oo tusaale ahaan gobolka Shiniile uu ka dad badan yahay afarta gobol ee Qoraxay, Godey, Dhagaxbuur iyo Fiiq. 3)In la sii daayo dhammaanba maxaabiista isaga xidhay dawlada ee aan danbi lagu oogin 4)In dawladu ay iyadu raadiso nabada ee ayna cid kale ka sugin ayna ogolaato in dawlado kale ay dhex-dhexaadiyaan hawlaha nabada. Dad badan waxayna ogayn in Madax Dhaqameedkan ay dawlada Ethiopia isku dayday inta ay awoodo oo aan ahayn inay layso inay fashilmaan. Hadaba markay Ethiopia aragtay awooda odayaasha iyo taageeradooda shacaka waxay is tusteen inay odayaasha u isticmaalaan ajandayaashooda siyaasada oo ah inay odayaashu dhex-dhexaadiyaan iyaga iyo jabhadaha hubaysan. Arinkan wuuxuu Zenawi u arkaa in odayaasha oo aaminsan inay nabadu tahay xalka wadanka inay ka dhaadhican karaan jabhadaha hubaysan. Odayaashu way ka tanaasuleen mawqifkoodii 1995 ay Zenawi ugu sheegeen shirkii Godey inay doonayaan Istiqlaal. Hadaba wuxuu Zenawi arkaa in Ogaadeen bislaaday oo uu ogaaday inuusan Ethiopia kaligii la diriri Karin halka xataa Soomaalidii kale ee Koonfur iyo Waqooyi ay kabaha u wadaan. Waxaa bilowday wareeg kale oo ah inay Madax Dhaqameedku u kala dab qaadaan ONLF iyo Ethiopia. Madax Dhaqameedku ma ayna doonaynin inay iyagu dhex-dhexaadiyaan labadan garab laakiin waxay doonayeen inay sakhiraan is fahamka iyo isla jaan qaadka. Marka laga reebo is gaadhsiinta caalamiga ah ee ay ku wada hadleen Madax Dhaqameedka iyo madaxda ONLF waxaa jiray inay laba jeer ugu tageen meelo ka tirsan gobolka Dhagaxbuur qaar ka tirsan ONLF ta. Labadaas jeer Madax Dhaqameedkii la kulmay ONLF ta waxaa ka mid ahaa Suldaan C/Raxmaan Duullane Rafle, Suldaan Fawsi, Nafti Hure Cali Shoocaac iyo kuwa kale.
Madax Dhaqameedka iyo Safarka Qurbaha
Madax Dhaqameedku waxay ku soo fool leeyihiin wadamo ay ka mid yihiin UK, Sweden, Denmark iyo USA. Ujeedada Madax Dhaqameedku waxay ku salaysan tahay sii wadida hindisahoodii. Waxay doonayaan inay la kulmaan madaxda ONLF ee dibadaha. Waxay doonayaan inay jaaliyadaha dibada uga waramaan xaalada dalku ku sugan yahay. Tan iyo intii uu Max�ed Ismaaciil oo ag gudoomiye ku Xigeenka ONLF uu sheegay inay khaladba ahayd inay Madax Dhaqameedka la kulmaan waxay Madax Dhaqameedku go�aansadeen inayna xooga saaraan la kulanka Jaaliyada oo kaliya iskuna dayaan inay taswiir sax ah ka bixiyaan xaalada wadanka. Waxaa kale oo ay wadaan odayaashu malafkii xidhiidhka ee dhexmaray iyaga iyo Dawlada, iyaga iyo ONLF ta iyo Madax Dhaqameedka kale ee Soomaalida iyo dhammaanba wixii ka la xidhiidhay dadaalkooda.
Hadaba waxaan maqaalkan oo dheer ku joojinayaa halkaas anigoo soo gallin goor dhaw sidii loo difaaci lahaa dadaalka Madax Dhaqameedka loogana dhigi lahaa mid midha dhala.
Qore C/Laahi Axmed Gaas [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|