|
|
SIDA AY KU ABUURANTEY ITOOBIYADA MAANTA JIRTA!! Qore Abdi Rabax
|
Taariikhda Afrikaada Bari iyo Afrikada Waqooyi Bari ee qarnigii hirgalinta Gumaysiga Afrika way ka duwan tahay Afrikada inteeda kale ilaa billowgii qeybtii afraad ee qarnigii 19aad Afrikada Bari Afrikada Waqooyi Bari umay gacan galin Gumaysiga Yurub illaa waqtigaas intii ka horeysey nolosha labadaas qeybood ee Afrika waxaa kaalin wayn ka ciyaarey marka laga eego dhinacyada Dhaqanka ,Dhaqaalaha iyo Siyaasaddaba Dowladaha Aasiya ee xoogga lahaa iyo kuwa Afrikada Waqooyi gaar ahaan waxaa kaalintaas si gooni ah uga ciyaarey Dowladaha Carabta ee Qaaradda Aasiya iyo Masar
Sidii aan horeyba u soo sheegnay qarnigii 17aad dhammaadkiisii ayay Carabtudagaal la gashey Gumaysigi Boortaqiiska ee isku dayay inuu gumaysigiisa ku ballaadhiyo Afrikada Bari iyo Afrikada W/Bari. Markii ay dagaalo qadhaadh iskala horyimaadeen ka dibna way ka xoreeyeen. Sida ay runta tahay Carabtu kaligood kama ay xoreyn Boortaqiiska Dalalka Afrikada Waqooyi iyo Afrikada W/Bari, kaalinta way nee ay ciyaareen labadaas dal waxay tahay inay kiciyeen dadkii Afrikaanka ahaa ee labadaas qeybood kaga noolaa iyaga oo ku guubaabinayay inay la dagaalamaan Boortaqiiska lana kaashadaan Diinta Islaamka waxaana jirey in Carabtu xidhiidh Ganacsi lalahayd Afrika gaar ahaan labada qeybood ee aynu ka sheekaynayno Carabta lalahayd ganacasiga waxaaba dhici jirtey inay dagaan oo ka mid noqdaan dadyowga halkaas daggan, carabtu way ka ilbaxsanayd dadyowga Afrika badankood taasina waxay keentey inay hadwalba hogaamiyaal ka noqdaanxagga Diinta iyo Siyaasaddaba.
Marka laga bilaabo qarnigii 17aadoo ah markii markii laga xoreeyay boortaqiiska Afrikada Bari iyo Afrikada W/bari kaalintii ay carabtu ka ciyaari jirtey iyo diganaanshahoodiiba wuu sii xoogaystey, dadka Afrikaankas ahaa ee dagganaa Kenya ,Soomaaliya geesteeda Koonfureed,Ugaandha iyo Tansaaniya waxaa dhacdey inay wax iska baddaleen dhaqankoodii iyo Afkoodiiba oo ay ku dhaxdarnmaab Af Carbeed.
Illaa qarnigii 17aad Boqortooyada Comman oo la odhan jirey Boqortooyada Albusaciid(Albusaid dynasty)ayaa isku wadey inay Afrikada Bari iyo Afrikada W/Bari tahay dhul ay iyadu xukunto hase yeeshee waxay taasi run noqotey markii uu xukunka dalka la wareegay Boqor la odhan jirey Imaam Seyid Saciid oo Dalka comaan xukumey 1806 ilaa 1856 .
Seyid Saciid Xaruntiisa Afrika wuxuu ka dhigtey Sinsibaar wuxuuna samaysety ciidan xoog leh xagga Badda iyo xagga dhulkaba si uu ugu diaafaco Dalalkaa markaa kadibna wuxuu aad isugu dayay in uu Dalalkaa hore uga mariyo xagga Beeraha iyo xagga Sancada taasina waxay meel martey qarnigii 19aad kaas oo ay noqotey Sinsibaar meesha ugu horeeyasa Adduunyada xagga sancada iyo wax soosaarka xagga sancada Sinsibaar waxay noqotey xarunta dharka, Kuusha, Banaadiiqda, Rasaasta, iyo waxyaalo kale waxaa kale oo sinsibaar noqotey qarnigii 19aad meel ku can ah ganacasiga Adduunka intii ka horeysey 1840, Seyid Siciid wuxuu daganaan jirey xaruntiisa Commaan oo ahayd Musqat hase yeeshee sannadkaa ayuu xaruntiisii ka dhigay sinsibaar,halkaasuuna dagay.
Markii ay Afrikada Bari iyo Afrikada W/Bari ay noqdeen meelo xagga siyaasadda carabi maamusho ,waxaa aad u sii xoogaystey kaalinta dadka carabta ahi ay ka ciyaaraan nolosha dalalkaa ,markii oogu horeysey waxaa dalkaa ka soo dhax baxay bulsho carab ah oo meel qabeen ah oo ka xoolaysatey ganacsigii uu sii yay Seyid Saciid. Markii labaadna waxaa kordhey xidhiidhkii ganacsiga ay lalahaayeen Dawladaha Carabta . Ameerika, Indiya iyo dadyowga Afrikaba . ganacsigaas maamulkiisa iyo faa�iidadiisaba waxay gacanta ugu jireen dad carab ah. Ganacsatadaasi waxay fureen waddooyin badan oo isku xidha Afrikada Bari Afrikada Waqooyi Bari xaruntooda -- sinsibaar , iyo Afrikada inteeda kale , kuna haboon ganacsi . Carabtaa ganacasatada ahayd iyo Dawladda Seyid siciid waxay fureen jidka ilaa ganacasiga sicinaya illaa Katanga Barigeeda jidkaa wuxuu furey 1820kii illaa 1830kii waxa kale oo aad ula ganacsan jireen Boqortooyinka Balliga Fiktooriya Tanginiigga (Tansaaniya ) agagaarkiisa yiiley ee ay ka mid ahaayeen Karagwe,Bugaandha iyo Bunyoro.
Meelahaas qaarkood Carabtu waxay ka samaysteen ururro siyaasi ah ama Dawlado yaryar oo ay ka mid ahaayeen Tobra iyo Ujiijii oo wabiga Tanganiiga aktiisa ahaa Ganacsiga ugu waynaa Carabtu ay lalahaayen Boqortooyooyinka wuxuu ahaa ganacsiga dadka .
Ganacsiga dadka ee Carabta ee Dalalka Afrikada Bari iyo Afrikada Waqooyi Bariba wuxuu kaga duwanaa Ganacsigii dadka ee reer Yurub iyadoo Carabtu dadka ayna xoogi jirin .
Habka ay Carabtu dadka kaga Ganacsan jirtey wuxuu ahaa mid ay ugu talagalaanin ay danahooda nabad galiyo ku dhammaaystaan .
Madaxda Qabaa�ilka xoogga leh iyo Boqorrada ayay u keeni jireen Lacag, dhar iyo Hub halkaas waxay kaga badalan jireen dad ay ku magacaabaan �Addoon� Qabaa�illada ugu waaweynaa ee badanaaba shaqadaa u fulin jirey Carabta waxaa ka mid ahaa Qabiil xoog lahaa oo la oran jirey Yaw, Yao Tribe oo Qabaa�ilka kale oo dhan Dalkaa daganaanjirey ugaansan jirey.
Boqortooyada Kabakaas (kabakas kindom) ee Bugandha ayaa ugaansan jirey Qabaa�ilka yaryar ee ay ka mid ahaayeen Sogaoo daganaa Ugaandha xageeda Bari. Qabiilka la odhan jirey Haya ee daganaan jirey Ugaandha geesteeda koonfureed iyop kuwa kale .
Qarnigii 18 aad gadaashiisii ayey dowlada Ingiriisku isku daydey in ay xiriir la yeelato dowlada Musqat iyo Cumaan is ay gacan iyo isbahaysi uga hesho, wixii arimo ah eek u saab sanaa isbahaysigaa labada dal waxay heshay wakhtigii dagaaladii iyo weeraradii Naabilyoon ee bariga dhexe iyo Indiya 1797 ilaa 1799. Heshiiskani wuxuu ahaa in labada dowladood xaga gaashaan dhiga iska bahaystaan iyo in ay xiriir ganacsi ah yeeshaan. Xiriirkaas ganacsiga ah waxaa aad u doonaysay dowlada Ingiriiska kaas oo ku jiray gacanta boqortooyada Cumaan ee isku balaarisay Africa iyo Aasiya xoogna yeelatay.
Waxaa kale oo ay dowlada Ingiriisku ka raadinaysay soo dhawaanta Cumaan si ay ganacsiga carabtu ka wado dalalkaas u joojiso. 1822 oo uu Sayid Siciid wali daganaa Musqat ayey dowladu Ingriisku la gaadhay go�aan ku saabsan dhimid ganacsiga dadka gaar ahaa dadka ay dowladaasi u dhoofiso Hindiya. Markuu Sayid Siciid u guuray Sinsibaar 1840 kii waxay dowlad Ingiriisku gaysatay danjire kaas oo sii xoogeeyey xiriirka Ingiriiska iyo Boqortoyada Sinsibaar. Halkaas waxay awood u heshay dowlada Ingiriisku in ay ilaaliso maraaakiibta ka dhoofta bada Hindiya ee dadka ka ganacsata.
1856 ayuu Sayid Siciid dhintay, 1861 diina boqortooyada Sayuid siciid ee Musqat iyo Sinsibaar waxay u kala baxdey labo boqortooyo waxaana kala qaybsadey labo wiil oo uu dhalay Sayid Siciid. Qaybsigii boqortoyadaasi waxay keentay in ay dowlada Ingiriisku danaheeda kuwii ugu waynaa gaadho. Halkaas waxaa u suurto gashay dowlada Ingriiska in ganacsigeediii aad ugu xoojiso labada boqortooyoba, kaas oo faa�iidadiisu iyadu ay yeelatay. 1873 wakhtigaas oo uu Siciid Barqash haystay boqortooyada Sinsibaar waxay dowlada Ingriisku ku khasabtay in uu ganacsiga dadka ka joojiyo Afrikada bari iyo Afrikada waqooyi bari. Waxayna dowlada Ingriisku u cadeysay Siciid Barqash in ay ku soo qaadi doonto weerar xaga badda ah hadii uuna ka xaarantinimayn ganacsiga dadka dalalka ay boqortooyadiisu ka koobantahay, isla sanadkaas buuna Siciid Barqash soo saaray xeerkii ugu horeyey ee ka xaarantimaynayey dalalkaas ganacsiga dadka.
Taariikhda aan soo guud marnay waxaan ugu jeednay in aan si kooban u ifino taariikhda iyo ilbaxnimada (xadaarad) ay lahaayeen dalalka ku yaala Afrikada Bari iyo Afrikada Waqooyi Bari, hase ahaatee markayno tooskha ku sii ifino sida ay ku timid Itoobiyada maanta oo ah cinwaanka maqaalkeena ayaan waxaan bogan ku sharaxaynaa taariikhda Itoobiya.
Ilaa qarnigii 19 aad bartimihiisii ma ayna jirin dowlad kaliya ee sida maanta aynu u naqaano oo kale ahayd, muuna jirin boqor kaliya oo lugu magacaanbo boqorka Itoobiya.
Xaga bulshada Itoobiya ma aha mana laha dad ka kooban umad kaliya, dad isku dhaqan ah ama dad isku caado ah. Dalka aynu hada Itoobiya u naqaanaa wuxuu ka koobnaa dhowr boqortooyo oo mid waliba boqor u gaar ah lahayd, boqorytooyinkaas waxaa ka mid ahayd Axmaaro, Shaw, Tigree iyo kuwo kale.
Boqortooyinkaas midwaliba ciidankeeda iyo maamulkeeda gooni ayey u lahayd, isla markaas waxaa jiray boqor isku magacaaba boqorka boqorada �NAGYSA NAGAST� hase yeeshee wax awood ah oo uu boqorada ku xukumaa ma jirin.
Boqorada Itoobiya badankoobu waxay ku caan ahaayeen budhcadnimo, waayo ma jirin xeer boqortooyada boqorada lagu kala dhaxlaa, ninka ugu budhcadsan ayaa hada iyo jeer xoogi jiray boqortooyada, ka kaas ka si budhcadsana wuxuu xoogi jiray boqorka boqorada, hase yeeshee waxaa caado ahaan jirtay in uu ninka boqortooyada dhacayaa ahaado qabiilkii boqorkii hore, taasa waxay u jeedadeedu ahay in boqortooyo kastaba qabiil kaliya uu haysto.
Boqorka boqorada waxaa markasta haysan jiray boqorka ugu xooga weyn kuna xirnaan jirin dhaxal iyo qabiil toona, hadii uu boqor dowladaha Itoobiya ka mid ahi geeriyoodi waxaa in boqorka boqorada ugu xooga weyni uu siin jiray ninka uu doono dhaxalka kursigaas, tusaale waxaa u ahi waa tan.: � 1969 ayaa waxaa geeriyooday boqor kii boqortooyada la odhan jiray DIRYAXLO. Wakhtigaa waxaa boqortooyooyinka dalka Itoobiya ugu xooga weynaa boqorka Boqortooyada Tigree RAASMAYKAL (RAS MEACHAL.
Boqor Raas wuxuu kursigii ku fariisiyey nin odey ah oo ku magacabay Iyon II (Ayoon 2) markuu odeygaasi geeriyoodey wuxuu kurisigii ku fariisiyey inan yar oo 15 jir ah oo la odhan jiray TAKALE HAYMANOT 1769 ilaa 1777. Wakhti danbe oo uu boqortooyada Tirgree haystay Boqor la odhan jiray WOLDE SELASE ayey isaga iyo boqorka boqortooyada la odhan jiray GOOJAAN oo wada jiraaa boqortooyadii DIRYAXLO ay siiyeen ninka la odhan jiray ATO AGWAL (1801 ILA 1818).
Qarnigii 19 aad bartimihiisii ayey Itoobiya labo talaabo oo weyn qaadey. Tan ugu horeysa Itoobiya waxay qaadey talaabo ku saabsab dal balaaris, tan labaadna Itoobiya waxay noqotay dad dowlad kaliya oo dhexe leh, dowladihii kala googo naa ee mid waliba boqor gooniya lahayd.
1855 kii ninka ugu burcadsane boqorada Itoobiya wuxuu noqdey RAS KASA. Raas Kasa wuxuu ku dhashay golbalka la yidhaahdo Kwari ee dalka Itoobiya. 1853 ayuu ciidan xoogleh isu keenay isla markaana wuxuu dagaal ku qaadey boqoradii dalka Itoobiya iyo kuwa dalalka Jaarka ay yihiin. Labo sanadood gudahood waxaa u suurta gashay in uu baabi�iyo boqoradii ugu xooga weynaa dadlka Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen RAS CALI, RAS UBIYE iyo XAYLO MELEKOT.
1855 Ras Kasa wuxuu noqdey boqorkii boqorada Itoobiya, magaca lagu boqray wuxuu ahaa Teduur (Theordore), Ras Kasa wuxuu suurta galiya in boqorkastaaba uu amar ka qaato boqorka boqorada, taariikhda kor ku qoran marka laga bilaabo waxay noqotay Itoobiya dal dowlada ka wada dhaxaysa leh.
Ras Kasa ma ahayna ahayn ujeedadiisu in uu uruuriyo dadka iyo dalka Itoobiya oo kaliya ee waxay ahayd in uu Itoobiya u raadiyo dal aad u balaaran oo ay umado kale leeyihiin. Markii ugu horeysay wuxuu isu keenay ama uu uruuriyey dalka itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Shaw, Tigree iyo Axmaaro, markaas ka dibna wuxuu dagaal ku qaadey dalal kii ay jaarka ahaayeen oo ay ka mid ahaayeen GAALLA.
Dhagartii iyo danbiyadii uu Taduur ka galayey dalalka ay jaarka yihiin iyo bulshadii Dadyowga Itoobiya oo dad badani ay ka soo horjeesteen iyagoo ka xun xeerka uu Taduur kula dhaqmayo dalka gudhiisa iyo dalal ka ay jaarka yihiin, taasina waxay keenta iy dalwladihii reer Yurub ee tartanka ugu jiray gumaysiga Afrika ay ka faa�iidaystaan halkaas oo ay bilaabeen in ay siyaasadii Itoobiya fara galiyaan.
1867 ayuu Taduur xabsiga u taxaabay danjirihii dowlada Ingiriiska u fadhiyey dalka Itoobiya Mr. Kamaron iyo dad dowr ah oo cadaan ah
iyadoo taa sabab ka dhiganaysana dawladda Ingiriiska waxay dagaal kus oo qaadey Dalka Itoobiya 1867kii dhammaadkiisii, ciidan Ingiriis ahi ayaa ka soo dagay xeebta Ertrea ciidankaasi waxaa madax u ahaa sarkaal la odhan jirey Seer Robert Nabirayar(sir Robert Napier) , ciidankaasi waxay u tallaabeen Itoobiya halkaas oo ay ku jibiyeen ciidankii Taduur 13kii Abriil 1868kii dabadeedna qabsadeen xaruntii ciidanka Itoobiya ee Magdala, Taduurna maalintaa qudheeda ayuu istoogtey .
marka uu Taduur dhintey ayaa waxaa qabsadey kursigii Boqorka Boqorada sidii ay caadada ahaan jirety ninkii ugu budhcadsanaa Boqorada Itoobiya kaasana wuxuu noqdey Joon IV(John IV)
Joon kursiga u dagaalankiisa waxaa gacan ku siiyay ciidanka Ingiriiska ahaa ee jabiyay Taduur oo uu gacan ku siiyay sidii looga adkaan lahaa Taduur Boqorka shaw oo ahaa xiligaas Menelik oo sina heley hub badan ayaa 1878kii ogolaysiiyay Boqor Joonkii afaraad inuu yeesho dhaxalka Boqortooyada intii uu kursiga sugayay Menelik inuu ciidan xoogleh samaysto.
Menelik hubka xooga lahaa ee uu Menelik isugu keeney Itoobiya ee 1895-6 uu ku jabiyay cadowgii ku soo duuley ee Talyaaniga wuxuu ka keeney Yurub gaar ahaan Talyaaniga oo gacan qabanayay Itoobiya waxa ugu wayneed in uu kaalmo ka helo Dawladda Itoobiya ee Menelik hoggaaminayo sidii uu Afrkikad Bari cagaha u soo dhigi lahaa.
Inkastoo ay Boqorrada Itoobiya ay caado u lahaayeen dal fidsi iyo shuftanimo ay kula kacaan dadyowga ay jaarka yihiin Boqor Menelik wuxuu noqdey ninkii oogu caansanaafoolxumada dhaca iyo boobka .
Intii ay dhisnayd Boqortooyadii Menelik Dalkiisu sannad walba wuu kordhi jirey wuxuuna dagaallo ku qaadey dadyowga kalahaa Gaalla, Soomaalida iyo Canfarta (Danaakilo).
Boqortooyadii Menelik waxay abuurtey siyaasad ay u kaalmaysataan Dawladda Itoobiya iyo Dalalka Reer Yurub oo ku saabsan sidii ay u gumaynlahaayeen Dadyowga Afrika .
Itoobiyada maanta abuuranina ee dalka ballaadhan sheeganaysana sidaasey ku timid .
Qanigan aynu maanta ku jirana waxaa dadka siyaasadda odorasaa ay sheegeen inuu dhammaadey xilli adoonsi sii jiro dabaysha xorriyadeed ee ay sanka la raacayaan shucuubta laboobey dhulkii ay lahaayeena cidina kama baajin karto inay helaan aayahooda .
Taasana waxaa inoo cadaynayaa diidmada kajirta Dalka itoobiya oo aanay shucuubta itoobiyaanka ah iyo kuwa la Itoobiyaaneeyayba aanay ku qanacsanayd xukunka maanta jira iyadoo aanan marnaba soo marin xukun cadaalad Dalka Itoobiya wuxuuna caalamku u aqoonsadey Itoobiya meel diidmo iyo xukun xumo ka jirto Itoobiayana maanta waxay qarka u saran tahay ajow ciirtaada kala madho
Qore Abdi Rabax E-mail; [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|