|
|
Sideen usoo dhawaynaa una difaacnaa Qorshaha Madax Dhaqameedkeena? Qore C/Laahi Axmed Gaas
|
Haddii aad la socotay waxaan maqaalkii hore ee cinwaankiisu ahaa �Taariikhda Dadaalka Nabada iyo Horumarka ee Madax Dhaqameedka Ogaadeenya� aan ku soo koobay heerarka kala gadisan ee uu soo maray dadaalka Maslaxa doonka ah ee ay Madax Dhaqameedka reer Ogaadeenya ka shaqaynayeen 4 sano ee la soo dhaafay. Waxaan maqaalkaas ku cadayd in Ethiopia, Kililka, iyo ONLF ba ayna ujeedooyin kala gadisan awgeed u jeclayn qorshaha Madax Dhaqameedka.
Hadaba maqaalkan waxaan ku eegaynaa sida ugu qurux badan ee ay Jaaliyadaha Dibadu uga faa�iidaysan karaan una difaaci karaan hanaanka Maslaxa-Doonka ah Madax Dhaqameedka. Yaa laga difaacayaa qorshaha Madax Dhaqameedka? Sidii aan maqaalkii hore ku soo taragnay hindisa Madax Dhaqameedku waxaa weeye in gobolkan nabad lagu soo dabaalo. Waxay odayaashu rumaysan yihiin: � in qabiilka Ogaadeenka oo kaliyahi uusan la diriri Karin dawlad guun ah oo hubka ay haysato lagu qiyaaso 3 Billion oo Dollar.
� Madax Dhaqameedku waxaa kale oo rumaysan yihiin in Ogaadeenka oo kaliyahi uu ku khasaaray colaada dawlada iyada oo Ethiopia ay faa�iidooyin dhaqaale iyo kuwa militariba ka.
� Madax Dhaqameedku waxay rumaysan yihiin in qabaa�ilka kale ee Soomaalida ah ee cadadkoodu kor u dhaafayo 30 qabiil ay gudoonsadeen inay u kala hor badiyaan kaalinta balaadhan ee uu Ogaadeenku siyaasad ahaan u baneeyay.
� Madax Dhaqameedku waxay aaminsan yihiin in Ogaadeenku uu siyaasada wadanka galo oo joojiyo dagaalka xabada ah ay isaga dan u tahay, sababtoo ah Ethiopia waa wadan fakhri ah oo awooda inuu askar CANJEELO ku shaqaysa dagaal galiyo.
Waa wadanka 3aad ee Afrika ugu dad badan.
� Madax Dhaqameedku waxay rumaysan yihiin in dagaalkii ay gobolka ka galeen ONLF iyo Al Itixaad inuu kaliya keenay DIL, DHAC, BARAKAC, QAXOOTI, IYO DAWLAD LA�AAN.
� Madax Dhaqameedku waxay aaminsan yihiin in haddii maanta Ethiopia dhulkeena ka kacdo xataa bilaash aynaan hanan Karin xoriyad iyada oo qabaa�ilka dagani ay col yihiin gobolka. Iyada oo uusan dadku tacliin lahayn iwm.
� Iyadoo laga duulayo dagaalka aan xoogga lahayn ee gobolka ka socda ayaa waxay dhalisay in dadkii wadanka nacfiga u lahaa ay ka cararaan, iyadoo ay badaleen dad aqoon gaaban, iyo dad Militariga la shaqeeya, taasina waxay keentay gobolku noqdo mid ay isku haysaan maamulkiisa dad garaadkoodu gaadhsan yahay 0%.
� Madax Dhaqameedku waxay rumaysan yihiin in la hagaajiyo Maamulka Kililka oo miisaaniyada loo isticmaalo si hufan oo dadka wax loogu qabanayo, taasina waxay imaan kartaa oo kaliya marka wadanku nabadoobo.
� Ugu danbayn Madax Dhaqameedku waxay citiqaadsan yihiin in dagaalka aynu maanta u baahanahay inaan galo uu yahay mid ictimaaci ah, inaan iskuulada galo,handasada barano, dhakhtarnimada barano, midnimada dadka gobolka dagan aan ka shaqayno iwm.
Yaa la qaba Madax Dhaqameedka hindisahan? Yaans ela qabin? Hindisaha noocan ah ee ay Madax Dhaqameedku qabaan waxaa qaba dad badan oo gobolka u dhashay oo laakiin waligood korjoogto ah siyaasada gobolka. Waxaan qabin fikirkan oo si wayn uga soo horjeeda Jabhadda ONLF oo haatan haysata taageero dhaqaale iyo mid hub oo ay u fidisay Eritrea. Eritrea iyo Tigreegu waa walaalo ay kala dhex gashay siyaasad la xidhiidha soohdin, dhaqaale iyo mid qaranimo. Waa isku dad, waa isku af, waana isku taariikh iyo dhul. Waxay dad badan xasuusan yihiin inay ahaayeen ciidamada Eritrea kuwii sida xun ula dagaalamay kadibna ka saaray Al Itixaad gobolka NOGOB 1994. Waxaa dhici karta in hadday heshiiyaan Eritrea iyo Ethiopia oo ay si wayn uga shaqaynayaan wadamada reer Galbeedku a maalintaas ugu danbays taageerada ay u fidinayso jabhadaha ku kacsan Ethiopia.
Hadaan u soo noqdo jawaabta su�aashii ahayd �Yaan ka difaanaa qorshaha Madax Dhaqameedka?� waxaan ka difaacaynaa ONLF oo aan doonaynin nabad. Waxaan ku dhisayaa doodan hadalada ama qoraalada ay madaxda ONLF oo ay ka mid yihiin:
Admiral Max�ed Cumar Cismaan, Max�ed Ismaaciil, Dr. Max�ed Siraad Doolaal, Cadaani Hiimrooge iyo C/Raxmaan Sh Mahdi Maaday ay u sheegeen saxaafada iyo shirarka ay qabtaan. ONLF nabad ma rabtaa? Mise ma rabto?
Haday ONLF nabad rabto maxay ugu xidhayaan shuruud aan laga soo bixi Karin? Maxay u dalbanayaan in Yurub iyo Maraykanku ay kala dhex galaan iyaga iyo Ethiopia?
Hadaan eegno xasaradaha la xaliyay 10 sano ee u danbaysay ee u dhexeeyay jabhado iyo wadamo Afrikaan ah, waxaa dhammaan xaliyay wadamo Afrikaan ah oo dhex-dhexaad ah. Tusaale ahaan, Sudan iyo SPLA waxaa ka odayeeyay IGAD. Burundi waxaa heshiisiiyay Nelson Mandela iyo Thabo Embeeki. Wadanka DRC ama Zaire waxaa ku kala dhex jira wadamo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Rwanda, Burundi, Zimbabwe iyo kuwa kale. Wadanka Ivory Coast waxaa qalalaasihiisii ku dhex jira wadamo Afrikaan ah ay ka mid yihiin kuwa ku bahoobay ururka ECOWAS ee galbeedka Afrika. Afrika waxay samaysatay hal ku dhag ay leedahay �Dhibaatada Afrika, haloo helo Xal Afrikaan ah� Haday run sheegayaan ONLF maxay uga aamin baxsan yihiin ururada IGAD, Africa UNION, ECOWAS, SADC iyo Arab League? Miyayna qadiyada Ogaden qusaynin si toos ah wadamada Africa iyo Carabta oo ay Ethiopia markii koobaad ogolaatay inay dhx-dhexaadiyaan?. Ethiopia waxay ogoshahay in Sudan, Yemen, Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti midki la dooni ama dhammaantood lagu qabto wadahadalada? Maxaa marka cirka loogu shareeray oo ay ONLF u tidhi Norway, Germany, UK, Sweden iyo Holland hana dhex-dhexaadiyaan? Sababta kaliya ee madaxda ONLF ay sheegeen waxaa weeye wadamadani waxay ku qasbi karaan Ethiopia inay hir galiso heshiiskaan gaadhno.
Waxaa kale oo ay ka goosanayaan kaalmada haday heshiiska ka baxaan. Jawaabta noocaas ahi waa mid aan lagu qiimaynin wadciga rasmiga ah ee wadamada Yurub ay ka taagan yihiin Ethiopia. Yurub iyo Maraykanku waxay bixiyaan dakhliga miisaaniyadeed ee Ethiopia ku shaqayso kala badhow badh. Way ogyihiin Yurub iyo Maraykan in Ethiopia ay tahay furin milatari oo lagu kawaamo bani�aadamka! Iyadoo ay sidaasi tahay Yurub iyo Maraykan waxay ilaa qarnigii 15aad go�aan ku gaadhsan yihiin inay gar iyo gardaraba taageeraan awooda istaraatiijiga ah ee Ethiopia.
Hadalo lagu qoslo?
Mida kale waxaa wax lagu qoslo ah in Admiral Max�ed Cumar Cismaan oo BBC da u waramayay Bishii February ee inaga tagtay uu yidhaahdo �Ethiopia meel dhex-dhexaad ah ma ogola inaan ku kulano sida meeshaa aad joogto (Waa UK, Yuusuf Garaadow)�. Goormay Boqortooyada Ingiriisku noqotay dhex-dhexaad? Soo UK ma ahayn midi gobolkan ku dhibaadisay Menelik iyo Xayle Salaase? Soo UK ma aha mida Afrika ka caawisay dajinta xeerarka odhanaya yaan soohdimihii gumaysiga la isu soo dhaafin? Admiral ka siday wax ka noqdeen?
Dacaayada ONLF ee ka soo horjeeda Madax Dhaqameedka Markaan intaas kaga gudbo sida ayna ONF diyaar ugu ahayn qorshaha nabada ee Madax Dhaqameedka ayaan waxaa guda galaynaa dacaayada ay ONLF ka fidinayso iyo tashwiishka ay ku furayso qorshaha nabada ee Madax Dhaqameedka. Waxay xooga saarayaan ONLF tu inay shacabka u tusaan in Ethiopia ay odayaasha abaabushay una soo dirayso dibadaha. Waxaa kale oo ay si wayn isugu xidhayaan xafiis uu sameeyay madxwaynaha Kililka C/Laahi Lugbuur oo loogu tala galay xidhiidhka jaaliyadaha dibada. Waxaa kale oo ay ku xidhayaan Madax Dhaqameedka xubno ka tirsan Soomaalida Ethiopia oo jagooyin safiirnimo ah ka qaban doona dibadaha. Tallaabadani waa horumar haddii lagu eego maskax caafimaad qabta, laakiin ONLF tu waxay u arkaan talaabo walba oo dadka wax loogu ogolaanayo inay tahay mid cadawnima ah. Admiral ka oo ka hadlaya arinkaas ayaa BBC da u sheegay Feb 2006 �Odayaal reer Ogaadeenya ah ayay damceen (Tigreegu) inay soo isticmaalaan. Waxaanu u sheegaynaa inay arinta Ogadaeenya ahayn mid amni ee ay tahay mid siyaasadeed�
Horaantii bishi Jan 2006 ayuu Max�ed Ismaaciil iyo Max�ed Macalin oo jooga wadanka Imaaraadka Carabta waxay diideen inay telefoon ka qabtaan Madax Dhaqameedka oo markaas ku sugnaa Jigjiga oo doonayay inay hal Suldaan u diraan Dubai si uu ula kulmo iyaga. Waxaa la ii xaqiijiyay in rag badan oo ka tirsan maamulka ONLF tu uu ka cadhooday dhacdadan oo ay u arkaan inuu yahay bah dilid loo gaystay Madax Dhaqameedka. Max�ed Ismaaciil Cumar ayaa u sheegay Radio Xoriyo 17 March 2025 inay �Odayaashu yihiin Jawaasiis� Max�ed Ismaaciil oo isku ladhaya Madax Dhaqameedka iyo shaqaale cusub oo Soomaali ah oo Wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia ay dalacisay ayaa sheegay in �qorshahan odayaasha iyo raga safaaradaha ka shaqayn doonaa ay yihiin tab cusub oo gumaystaha gabalkiisii sii dhacayo uu miciinsanayo�. Max�ed Ismaaciil ayaa kulan London ka dhacay Feb 2006 ku sheegay inay khaladba ahayd inay Madax Dhaqameedka la kulmaan. Dabayaaqadii Bishan Feb 2006 ayuu Max�ed Ismaaciil u sheegay shir ka dhacay Norway in Garaad Xasan Axmed Garaad Makhtal (oo ka mid ah Madax Dhaqameedka) uu inta uu isku mashquulinayo ONLF uu xabsiga ka soo saaro gabadh uu dhalay oo sida uu Max�ed Ismaaciil sheegay ku jirta xabsiga dhexe ee Jigjiga. Bogga Ogaden.com ayaa bishan horaanteedii March 2006 qoray maqaal uu u bixiyay �7 Xabadood oo anbad ah� ttp://www.ogaden.com/OgadenNewsMar0806.htm Waxay ONLF tu ula jeedaa 7 xabadood odayaasha tiradooda oo markaa la sheegay inay tahay 7. Bogga Ogaden.com wuxuu sheegay in 7 (Suldaan) sababta loogu soo dirayo dibaduhu ay tahay iyaga oo la shaqeeya Zenawi (Yacni waa Jaajuusiin). Xataa bogga Ogaden.com wuxuu dafiray inay yihiin 7 nin Suldaamo, isaga oo Boggu uu yidhi �Kuwan loogu yeedhay inay yihiin kaaba qabiiladu�. Mar kale ayuu Ogaden.com ku celiyay hadalkii Admiral ka ee ahaa inay UK iyo Norway si xaq ah u ilaalin kara heshiiska la gaadho. Radio Xoriyo iyo Radio Qoraxay ayaa dagaal dacaayad ah ku qaaday Madax Dhaqameedka iyaga oo wararka, faallooyinka iyo ra�yigaba ku muujinayay inayna Madax Dhaqameedku ahayn waxaan ahayn dad Jaajuusiin ah oo loo soo diray baab�inta halganka waa siday hadalka u dhigeene. Badhtimihii bisha March 2006 ayuu dhanbaal uu Admiral Max�ed Cumar Cismaan soo Diray oo ay daabaceen saxaafada taageerta ONLF uu ugu baaqay dadwaynaha Ogaadeenya inay ka digtoonaadaan �Taagtikada gumaystaha ee cusub� isaga oo ula jeeda safarka Madax Dhaqameedka. Boggaga taageera ONLF ta ee ay ka mid yihiin Ogaden.com, Qorahay.com, Radio xoriyo.com ayaa waxaa ku qoran maqaalo dhaleecayn ah oo loo soo jeedinayo Madax Dhaqameedka. Waxaa qoray maqaaladan sida muuqata madax sar-sare oo ka tirsan ONLF ta. Dacaayada ugu wayn ee Madax Dhaqameedka ay usoo jeedinayaan ONLF tu waxaa weeye inay odayaashu yihiin Jaajuusiin. Hadaba su�aashu waxay tahay; maxaa laga jaajuusi ONLF ta qurbaha joogta? Waxay si buuxda u og tahay Ethiopia inay dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika caydha iska qaataan dadka leh waanu halgamaynaa. Ethiopia cidii ay doonayso inay wax yeesho waxay ku layn kartaa meel walba. Muqdisho waxay ku laysay madax sar-sare oo Itixaad ahayd, Nairobi waxay ku laysay Madax sar-sare oo Oromo ah. Anigu uma malaynayo in Ethiopia ay dadaal ku bixinayso sirdoon ay ku samayso ONLF. Max�ed Cumar, Max�ed Ismaaciil iyo Doolaal midna ma laha ilaalo ilaalisa waxay uun k mid yihiin kumaankumka Soomaalida ah ee kuso qaxay qurbaha. Soo Dhawaynta Madax Dhaqameedka Jaaliyadaha dibadu waxay u qaybsanaayeen 3 qaybood wixii haatan ka horeeyay;
1) Dad taageersan istaraatiijiyada dagaalka oo ka kooban (ONLF iyo Itixaad oo ciidan ahaan haatan isu abaabulaya)
2) Dad taageersan istaraatiijiyada nabada oo rumaysan in xal nabadeed yahay midka wax loogu qaban karo 3) Iyo dad aan labadan qolo midna ahayn oo si wayn ula socda siyaasadaha Soomaaliya iyo Jubbooyinka, waxa kaliya ee ay ku taraan dhulkiina uu yahay biilasha ay u diraan qaraaboodada
Intii hadaba muda ah waxaa isa soo tararay baraaruga Jaaliyadaha. Jaaliyaduhu waxay ku guulaysteen inay ugu yaraan isu dul qaataan iyaga oo kala afkaaro ah. Wadamo badan waxaa jira in dad aan xataa taageersanayn istaraatiijiyada dagaalku ay bixiyaan qaaraamada Jabhadaha . Waxaa loo baahan yahay in Madax Dhaqameedkani ay kala kulmaan Jaaliyadaha dibada niyad wanaag iyo kalsooni si ay usii wadaan dadaalkooda. Waxaa xusid mudan in Midowga Jahbadaha Xoraynta Somali Galbeed (MWSLF) oo kusoo noqotay saaxada siyaasada kadib markay galeen abaabul adag ay yididiilo ka muujiyeen qorshaha nabada ee Madax Dhaqameedka. Ururkan oo taageero wanaagsan ku leh jaaliyada dibadaha ayaa la sheegay inay doonayaan inay si wanaagsan u qaabilaan Madax Dhaqameedka. Waxaa kale oo ay tahay inay maskaxda ku hayaan bulshada Ogaadeenku inay odayashan imaanaya Qurbuhu ay ka kooban yihiin qabaa�il kala badalan oo ay qorshaynayaan qabiilada kale inay si xoog leh oo qurux badan u soo dhaweeyaan Madax Dhaqameedka. Sida loo qaabilo Madax Dhaqameedkani waxay sawir ka bixin doontaa rajada ay dad badani ka leeyihiin gobolka. Waxaa kale oo ay taswiir siin doontaa dadka jooga gudaha oo u arka in meesha laga huriyo wadanka ay tahay qurbaha. Bulshadu waa inay ka gudubto in dadaalka Madax Dhaqameedka lagu baa�biyo dacaayad raqiis. Waana in la ictiraafo in dad aan urur ahayni ay ka hadli karaan qadiyad tood oo ayna hal qolo ku haysan Karin qandaraas ay iyadu isu sixiixday iyada oo cidii kale oo wax ka tidhaahda ku odhanaysa Xabashida ayaa ku soo dirsatay. C/Laahi Axmed Gaas [email protected] |
|
|
|
|
|
 

|