|
|
Indho xabag u jeeda xoolo ma arkaan!. Qore Mr Hussein
|
Caruurta markii xoolaha laraaciyo ayaa waxay mar marka qaarkood ku leexdaan inay xabagaystaan ama geed dhafaruur iyo hohob badan ay yara ag istaagaan oo halkaas ay xoolihii laraaciyay ku iloobaan oo uu ku lumo.
Waalidku markii ay caruurta reerka ku soo noqdaan iyagoo faro madhan waxay weydiiyaan meesha xoolihii ugu dambaysay iyo waxay qabanayeen markuu xooluhu lumayeen.
Inta aysan caruurtu su�aashaas kajawaabin ayaa waxay waalidku markiiba isha lahelaan gacmaha caruurta iyo afkooda oo dhagdhag xabageed leh. Markaas ayuu waalidku yiraahdaa �waryaada waad xabagaysanayseen soo maaha? Wallee indho xabag u jeeda yaanan xoolo arag!�.
Ulajeejeedada qoraalkaygu waxaa weeye in Kililku iyo ONLF labadoodaba ay wax kale u cad yihiin ee aysan arag mas�uuliyadda lasaaray iyo waxa uu shacabku u dirsaday toona.
Shaki kuma jiro in nimankaasi loo dirsaday horumar, sinnaan , caddaalad iyo in danta guud mar walba la ilaaliyo. Haseyeeshee arinkaas ma uusan dhicin nasiib daro.
Ugu horayntii, Kililku wuxuu galay xabagaysi iyo suraysi oo marba meeshii miid leh ayaa ladhuuqaa oo farta lagaliyaa. Hamigooda ugu weyn waa sidee ayaan jeebka u buuxin karaa inta aan meesha layga qaadin. Shicaardoodu iyo halhayntoodu waa �Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara1� iyo �Fursad maalin bay kusoo martaa!�. Iyagoo taas kaduulaya wuxuu nin walba isku dayaa inaanan laga badsanin xoolaha dadweynaha oo intuu qaadi karo qaado.
Onlf hadafkoogu waa hadaf la�aan. Meel ay u socdaan iyo meel ay kasocdaan midna garan maysid. Marba gees ayay kaa soo gali. Ninkii shalay ONLF-ta ahaa barito hadal kale ayaad ugu iman. Waa khilaaf-hoosaad aanan dhammaad lahayn iska daa inay dadka wax u qabtaane.
Waa dil iyo dhac iyo burcadnimo haddii ay dadku diidaan oo ay mucaaradaan. Waa iska dabo wareeg iyo nidaam xumo haddii ay dadku wada ogolaadaan. Marka meel loogu hagaago maleh. Markii aad u fiirsato khilaafkan badan ee madaxa ONLF waxaad arkaysaa inuu ruux walba oo kamid ah hadafkiisu yahay xabagaysi oo uusan danta guud ee laraaciyay u jeedin. Haddii uu arinkaasi been yahay waxaad arki lahayd natiijo fiican oo ay gaadhaan iyo wada socod lagu dayan karo.
Marka maadaama uu arinku sidaas yahay oo nimankii mas�uuliyadda lasaaciyay ay suraysi isaga jiraan oo ay ka indho la�yihiin dhibaatada iyo abaaraha iyo darxumada ay dadkeenu ku jiraan, waa in markaas laga danaysto oo uusan shacabku ku tashan.
Waxaa caqliga kafog in nin shalay xoolahii lumuyay ee darraatana waraabuhu soo laayay in maanta mar kale la aamino oo hanti iyo dan guud laraaciyo.
Dadkeenu muyuusan lahayn cid kuwaas dhaanta oo danta guud mar walba ka hormarisa tooda gaarka ah?. Waxaan hubaa inay jiraan ee waxay u baahan yihiin cid kulmisa oo dhaqaajisa wayna iman doontaa goortii ay dhaqaaqi lahaayeen habo raagtee haddaysan kuwani kawaantoobin waxa ay ku jiraan oo aysan waajibkooda kasoo bixin.
Wixii aragtidaada ah fadlan iigu soo hagaaji emailkan hoose.
Mr Hussein [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|