GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Konton Xaalo oo aanan ONLF ku taageeri karin ilaahey dartiis 04/27/06. By Al-Haji
Waxaan in badan is weydiiyey su,aalo badan oo aan laftayda lashawrey su aalo badana kula faqay anigoo cidkale aysan agteyda ka dhaweyn. Kuur gal aad udheer, rogrog, iyo dhugasho dheer kadib waxaan xisaabey faaidada guud e ku jirta inaan noqodo taageere ururka ONLF.

Balse waxaan kusoo koobey Soddon Xaalo oo aanan kollaba ku taageeri karin ururka ONLF iyo mid walba oo isaga la mid ah, waxeyna kala yihiin.

1. Ma hadli kartid ( Cid aan ONLF oo aheyn oo loo ogolyahay iney hadasho majirto, kii hadla ee iyaga amaani waayana waa Jaajuus ama dabaqoodhi xaggooda).

2. Ma maqli kartid( Waxa kaliya ee aad maqli kartaa waa halaag iyo baaba' xagga deegaanka, wanaag iyo horumarna ma maqli kartid).

3. Ma fikiri kartid ( Qof aan iyaga aheyn oo fikiri karaayi majiro)

4.Ma arki kartid.( Ma arki kartid waxba, haddiise aad aragto waa inaad inkirto waxaad aragto, haddii aadan inkirinna waa inaad wax u aragto sidey iyagu u arkaan, si kale looma baahna).

5.Been sheeg( Waa inaad ku dhaarataa waxyaabo badan oo been ah oo aan waxba ka jirin adigoo og)

6.Xukun jaceye( Waa aniga uun midka hayn xilka ururka, cidkalena aagga masoo gali karo).

7.Dagaal joogto oo aan waxba ka jirin(maalin walba waxey dilaan 4o askari iyana waxba kama dhinto-Dadku maxoolaa sow caqli malaha, Tigreeguse badanaa).

8- Hal qabiil( ONLF waa Ogaden oo kaliya)

9-Kasbasho la aan( Waxey ku guuldareysteen iney kasbadaan umadda kale
10. Aqoonyahanada oo aan la jirin ururka kana soo horjeeda

11. Dhalinyarada intooda badan oo kasoo horjeedda ,mawqifka ururka

12. Nin masuul ah oo Nairobi soo gaadhay oo laabtaayi majiro, hadduu jirana maalmo ayuu kaga soo cararaa.

13. Nin masuul ka ah ururka ONLF oo wiilashiisu qoriga wadaan majiro.
Dhamaan masuuliyiinta usareysa reerahoodu way kasoo kaxeysteen dhulkii.

14- Caruurta dadka dan yarta unbaa dabka lasaaraa iyo inta tabarta daran.

15. Intooda ugu sareysa dhamaan reerahoodii waxey joogaan Yurub iyo Amrika waxeyna ku noolyihiin Raaxo.

16. Marwalba waxay fuliyaan danaha ka dhanka ah umadda Ogadenya

17- Leynta shacabka aan waxba galabsan ama baahi ugeysey inuu shaqo walba galo noocey doontaba ha noqotee.

18-Qabyaalad ururka dhexdiisa ah iyo nin jecleysi

19- Sharcigii iyo calankii ay shaley sameeyeen maanta cidda ku shaqeysaayi waa jaajuus.

20-Hadaf la aan iyo hiigsi xumo

21- Hogaanka xabadda ayaa u heysa ee caqligooda ma hayo

22- Danta guud dayicid, middooda gaarna ku dadaalayaal.

23-Horumarka waddanka oo ay kanaxaan

24-Dhibka waddanka iyo dad ay Axmaaradu leyso oo ay ku farxaan

25-Xaqiiqada oo ay iska indha tiraan iskana yeelyeelaan

26- Xabad aan xaal keeneyn oo ay wada ogyihiin haddana la iska wado, illeen hanti tooda iyo wiilkooda midna kuma baxee.

27.Dhibka waddanka yaalla ee nabad galyo xumida ah oo ay aabbo u yihiin

28-Barakaca umadda Ogadenya ee ku dayacan meel walba iyagaa keeney.

29-Iyagoo dadka ku cabsiiya ineysan tagin waddankii

30- Dad badan oo ay dil ku xukumeen oo aan waxba galabsan aan fikirkooda aheyn.

31-Wax noolaada yuusan jirin umadda, anaguba ma nooline(dameerna ma hadhsado hooyadiina ma hadhiyo).

32-Bulshada inteeda tayada xun oo ku badan

33- Urur dhan oo aan marnaba ogoleyn inuu khaldamo mar walbana isla saxsan, xitaa ay haddii ay khaldamaan.

34-Iyagoo aan ku shaqeyn siyaasaddooda ay iyagu dhigteen iney kukala socdaan.

35-Dhibkey keeneen oo boqol jeer ka batey dheeftooda.

36-Markey maamulka Kililka hayeenna qayilitaan iyo lunsiga hantida ayay ku mashquulsanaayeen.

37-Dagaal aan 15 sano Dhagxabuur dhaafin, meella aan lagu qabsan, kuna dhinteen in kudhaw 10Kun oo qof.

38-Ku guuldareysi iney qaddiyada gaadhsiiyaan waddamada caalamiga ah maaddaama ay u badan yihiin madaxda ururka Yurub iyo Amerika.

39- Caqli aan xabad aheyn la aantiis

40-Luuqadda wada xaajoodka oo aysan aqoon

41-iyagoon waligood is weydiin maxaa umadda u dan ah!.

42-Iyagoon waligood umadda taladeeda qaadan

43-Waligoo lama aysan tashan umadda codkoodana maysan tixgalin

44-Iyaga laftooda oo kooxo ukala qaybsan, waxna kala qarsada

45-Iyagoo kuwada nool riya macaan oo aan xaqiiqada wali soo taaban.

46- Dagaalka ay wadaan oo kusocda LACALA haddey Itoobiya burburto

47- Iyagoo waligood is weydiin haddii ay burburi weydo-

48-Umadda oo ay ku celinayaan jidkii qodxaha badnaa ee 100ka sano ee lagu guuldareystey-

49-Iyagoo waligood waxba ka baran macalinka joogtada ah (Taariikhda)
50-Iyo ugu danbeyn halganka ay wadaan oo aysan daacad ka aheyn dhamaantood.

Qore: Al-Haji
[email protected]

Source: Xaajo.com

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com