|
|
BEENTAADA HORE RUNTAADA DAMBE AYEY UDARANTAHAY. Qore Xumadiid
|
Waxaa Maalmahan soo kordhayey isku dayga Ururka ONLF ku doonayey inuu soo celiyo kalsoonidii Taageerayaashiisa oo faraha ka baxaday kolkii ay ku gacan saydheen guurti dhaqameedkii ka yimid dalka.
Waxaase yaab noqotay jidka ay u isticmaaleen soo celinta kalsoonidooda oo ay ka bilaabeen been abuur ay sheegeen inay Dagaalo aad xoogan ka dhaceen gobolada qaar oo markiiba sal iyo raad yeelan waayey.
Bal akhristoo ila fiiri aritan.
SHEEGASHADII ONLF
* In ay qabsadeen degmooyin iyo toolooyin sida: xamaro, caado, qoliile,sagag, ceelxaar iyo kuwo kale iyo in dagaalo ka dhaceen goballada oo dhan.
* In diyaarado lagu garaacay meelo gobollada ka midda oo ay waliba mid soo rideen
* Inay qabteen ciidamo itoobiyaana oo ilaa 1500 gaadhaya iyo waxayaalo kale oo badan.
WAXAA DHABTU TAHAY
* Waxaa cadaatay inayna jiri waxa dagaala oo sidii xaaladu ahaan jirtay ka bedelan, laakiin waxaa dhab inay itoobiya ciidamo ku soo kordhisay gobalka taas oo dhibkeeda leh.
* Haba yaraatee ma jiraan wax diyaarada oo meela lagu arkay soo ridid warkeed joojiyee.
* Hadiise dagaalba uuna jirin ciidamada 1500 ee qabteen xagee ka imaadeen waa yaab, sal iyo raadba loo waa
* Waxayse ONLF ku dishay aaga Qoraxay Yusuf Ismaaciil oo u dhashay Ogaadeen>Reer Cabdulle> Reer Warfaa>Reer Magan>Reer Dalal ah, isla markaasna ahaa oday 60 kor udhaafay kana mid ahaa odoyaasha cidda usoocan.
Hadaba akhristoo waxaa yaala meelkasta telfoon ee adiguba la xidhiidh anigu soo waayey.
Waxayna ku noqon doontaa maahmaahdii ahayd.
"BEENTAADA HORE RUNTAADA DAMBE AYEY U DARAN TAHAY."
Xumadiid [email protected] |
|
|
|
|
|
 

|