GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Re:Jawaab ninka la baxay Xumadiid. Qore Ali Abdi
Waxaan halkan ku salaamayaa bahda godey ee ee ii saamaxdey inaan fikradeeyd soo gudbiyo.

ninkan isugu yeeraya xumadiid waxaan weydiin lahaa bal hal xumaan oo ogaadeenya ka dhacay dadkoo dhana ogyihiin oo diiday noo keen ama sheeg?

Takale nimankan gumaysiga lahalgamaya eed maalinkasta doonaysid inay burburaan jooji, somali waxay dhahdaa (lag ninkii uqala bay dishaa liida doqoneede) marka layaabi maayo in ninkii karaamo reer ogadenya u radiya aad iska laalaadiso.

Horay ma u dhacday janadiidoow inaad dhalinyaradii reer ogaadenya ee waqooyiga somaliya lagu bahdilay ka hadasho? wali ma dhacday in xasuuqii
wardheer,qabridahar,fooljeex,shilaabo, aad ka gilgilato? wali ma dhacay in aad halyay Ugaas Miraad Ugaas Layli ee askarta gumaysiga loo hoosaasiyay, iyo gudoomiyihii qabridahar iyo ku xigeenkiisii ee harkoo cad iyakoon waxba galabsan shacabka indhhooda lagu bireeyay.

Waan ogahay waxaas oo dhan adiga iyo kuwa lamida ma kahadlaan, waayo
garashadiinu halkaa ma gaarsiisna oo wax fahankiina ayaa hooseeya. Horaa waxaa loo yiri "Doqon 12 indhood bay leedahay mid cadowgey ku aragtaa 11ka kalena sokeeyaha" marka kuwii aad isku rayiga ahaydeen ee gumeysiga la shaqeeya jeclaada yeeli meyno.

Hadii shir aan wali faah-faahintiisu soo bixin aad onlf inaad ku dacaayadeyso
jeclaatay walaal kuu suurto gali meyso, waayo halgamayaasha reer ogaadenya maanta way ka koreen wakhtigii kuwa maangaabka ah ay jalaafayn jireen....... Insha allaah guushuna way noo muuqataa.


Talo Bixin

Waxaan kula talinayaa qof kasta oo reer ogaadeniya ah oo wax onlf ka fiican
garanhaya inuu sameeyo markaana dadka ugu baaqo waxii ka fiican oo la qiimeeyo waxuu sheegayo, laakiin hubka dhiga, diintiina ,sharaftiina halagu tunto, dadkiina hala laayo, sidaasna raali ku noqda, taas waxay anfacdaa oo kaliya janadiidiyoo kale. Balse geesiyada jwxo diide, geeri mooye
nolol ku aqbali mayno, laakiin markaan dhimano saad rabtaan sameeya.

Mideeda kale ninkii wax inuu ceebeeyo dooniyoow ceebaha cadowgeena dadkeena kula kacayo ayaa ciidaas ka badan ee ka hadla, kii caqli suuban hayoow jwxo intaad kusoo biirto waxaad talo iyo taag heyso kaga qeyb qaado halganka.

Kaan waxba ahaynoow afgaaga naar haku doonan.wallaahi oo billaahi oo taalaahi hadaladaad isaga hadaaqaysaan naarbaa lagu tagaa, ee ka dhowrsada.

Cosdi: Waxii aan gafey ama khalad ah iga cafiya.


Qore: Ali Abdi
E-mail: [email protected]


NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, midda Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si hadii ay macquul tahay aan idinku daabacno.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com