|
|
Midkee ayey dani ugu jirtaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ogaden inay la bahoobaan Amxaaro iyo Oromo iyo inay wax laqabsadaan EPRDF. Qore Cabdulaahi Maxamed Amiin
|
Sida inta dhaga dhagaysa xaalada Soomaali galbeed ay lasocdaan, waxaa lagu aasaasay magaalada Utretch ee dalka Netherlands urur cusub oo loogu magac daray the Coalition for Unity and Democracy Party (CUDP). Ururkan waxaa ku midoobay dhowr urur oo ay kamid yihiin ururo matala qowmiyadaha Itoobiya kuwooda ugu awooda badan sida Oromada iyo Amxaarada iyo kuwo kale oo dhowr ahaba.
hadaba su'aasha lays waydiin karayo ayaa aha:
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Soomaali galbeed ama Ogadenba dhohoo midkee dani ugu jirtaa inay laba hoobaan dawladdan hadda Itoobiya majaraha u haysa ee Tigreegu imaamka ka yihiin iyo xisbigan cusub ee hadda lasameeyay?
Waxaa hubaala in arimo badan awgood ay muhiim tahay in Tigreegu ay dhaamaan Amxaarada iyo Oromdaba inaynu wax wadaagno.. waxaana kamida qodoban hoos ku xusan:
*Dawladdan Itoobiya ee imika talada haysa ee Tigreegu xukumaan agteeda muqaddas kama aha wada jirka Itoobiya iyo Itoobiyaan nimadu midna. qorshe heeda ayaa aha inay intay isku hayn karayaan isku hayaan markay umaaro waayaanna sii kala daayaan. waa taas midda ay taskuurka ugu dareen inay qowmiyaddii rabtaa dhaqaajin karto. laakiin waa marka ay khaatu bilaah isku haynta ka is-taagaan. inta ka horeysase waa la jiifiyaana bannaan.
Haddii aynu usoo laabanno Amxaarada iyo ururkan cusub ee la aasaasay, Itoobiyaannimo iyo wada jirka Itoobiya ayaa ka dhex muuqata hadafka aasaasitaan kooda. dabcan OLF iyo ONLF labadooduba muddo ayey arinkaas ka dagaalla mayeen laakiin waxaad moodaa inay iminka Itoobiyaan-nimadii Tigreega mid kawayn u ololaynayaan!! takale waxaynu wada ognahay in Amxaaro aysan ogolaanayn kala tagga Itoobiya. sida nin waliba iska qiyaasina caqliga ururkan cusub ee la'aas aasayi waa iyaga. nimanka Eriteria ka daba nuuq nuuq sanayaayi ma inala tahay inay Ogaden fasixi. ama ay u ogolaan inay go'do!! waa jawaab madaxdii ONLF ee gooni ugoosadka ahayd xilliga dheer laga sugi inay ka jawaabaan.
*Ururkan cusub ee lagu dhawaaqay waxaa majaraha u haya laan dheeraha Itoobiya oo aha Oromo iyo Amxaaro. inta kalena waa ku qurxis iyo in beesha caalamka loogu muujiyo inay Itoobiya dhamaanteed umidaysan tahay kasoo horjeedka EPRDF. Haddii ay iyagu ku guulaystaan oo talada dalka qabtaan? xagee ayey Soomaali iyo Ogaadeen toona soomari! maboos ayaa inooga bannaan meesha Amxaaro iyo Oromo ay isku gacan saaraan oo ay talada qayb sadaan.
Waxay ubadan tahay in ay iyaga uuni hadhow hardamaan oo jagooyinka iyo nacfigaba isku jiijiitaan! Itoobiyo yaryartiina aan la ogaanin in laqadiyey iyo inkale, iyo inay xanaaq san yihiin iyo inkale toona, haddii ay cadhoodaan oo ay duurka galaanna! warkeedaba daa, milyan Oromo aha oo kaba la' oo waliba man-jooyin wata ayaa lagu sooday. laakiin taas badda keed, Tigreegu waxay kamid yihiin laan gaabka Itoobiya ( ugu badnaan tiro ahaan waa 7%). malahan aqoon iyo awood dhaqaale oo ay ku muquuniyaan Itoobiya inteeda kale. waxoodu waa uun askari qori wata. gumaysiga noocaas ahna waxaa ka inkaaran kan qorina wata, dhaqaale iyo cudud aqooneed oo uu kugu cadaadiyana leh. takale Tigreegu tiro ahaan maadaama oo aysan Itoobiya oodhan u maaro haynin, waxay ubaahan yihiin cidkale oo lahaysa talada. gaar ahaan maadaama oo ay waayahan ku ciirsantahay waxay abaal ku qabaan inaan garab is-taagno haddii aynu nahay Soomaalida dhulkaas ku dhaqan. waana taas tay ugu dhawaaqeen inay ONLF lahadlayaan. laakiin alla makeenee hadii uu is bahaysigan cusubi talada qabto waa saan horey u xusnay oo waa " YAAD KA TAGTAY? YAADSE U TAGTAY?"
-Tigreega xuduud dhuleed ma wadaagno, colaad hore oo guun ahina inama dhextaallo, awow iyo isir toona isuma aynaan laynin. gaar ahaan dhowrkii qarni ee ugu dambeeyey. waana taas tay Jabarti baan nahay u lahaayeen imaatin koodii hore, si ay inoogu beer laxaw sadaan. laakiin Oromo iyo Amxaaro!! dabcan nin waliba wuu og-yahay xaalka. Oromada oo aha dadka Itoobiya ugu tirada badan ayeynu wadaagnaa xad aad u dheer. Oromadu waa maroodi hurda oo alle qalabadda ka qaaday. laakiin sida caadadu tahay nin walba markuu talada gacanta ku dhigto ayuu tolkii toosiyaa. sagaal xiniin-yood oo uusan lahaan jirrinna lasoo baxaa. Tigreegan dadka ka dhawaa jiyeyba yaa yaqaanay intii aysan qaban talada. waxaa jirta tobanaan dagmo oo ay isku haystaan Oromada iyo Soomaalidu. waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhex nool gudaha dhulka Oromada, tuulooyinka iyo baadiyahaba. marka dadkaas mustaqbal kooda ka waran hadii ay Oromo qabsato?! waa su'aal haboon. Aqoon yahanka Amxaaradu wuxuu mar walba ku doodaa in dhulka Soomaalidu dagto yahay dhul Itoobiya aha Soomaaliduna dool ku timid maadaamo oo ay xoolo raacato ahaayeen. sidaa awgeed dhagahoodu ma maqli karaan dhul Soomaaliyeed oo Itoobiya gudihiisa aha. hadii is qab qabsi yimaaddo; waa in Soomaalidii doolka ahaydi dib uga noqoto dhulka Itoobiya!!
Laakiin Tigreegu way qireen in dhulka iyo dadkuba Soomaali yihiin. waana taas tan loo yidhaahdo: deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. marka labada qolo mid waxaynu isku haynaa talo iyo xukun, midna jiritaan iyo deegaan! Ninkii jiritaankiisa laqiro ayaa talada ama loodiidi ama loo ogolaan.
-Tigreegu waxay qowmiyadaha kala duwan ee dalka daga u ogolaadeen inay iyagu is maamulaan oo qowmiyad walba afkeeda, calankeeda, caasimaddeeda iyo barlamaankeeda yeelato. arimahani waa muhiim. sababtoo aha waxay qirayaan kala duwanaansho jira oo shucuubta dhex dooda aha. sidookale arimahani waxay astaan fiican u yihiin in mustaqbalka kala dareer ku xigi karo.
Midawgii Soviet-ka iyo Yogoslavia labaduba tusaale fiican ayey u yihiin. waa arintan tay diidan yihiin Sunniyiinta Ciraaq, iyagoo og in haddii Shiicada, Sunniga iyo Kurdiga mid walba calan, caasimad, Barlamaan, madaxweyne iyo duuduub ahaan ismaamul lasiiyo inay ku xigi kalago'. sidookale waa arintan tay Amxaaradu aadka u diidan yihiin ee ay u leeyihiin Tigreegu Itoobiya ayey kala goynayaan. Laakiin taas baddalkeeda Amxaarada iyo ciddii la caqli ahi waxay doonayaan Itoobiya hal aha, oo hal midable. markaasna ciddii awooda badan ayumbaa matali inta kale. is-maamuladan iyo nidaamkan federalka aha dulmi badanba haku jiree ee hadda shaqeeya wuu isku dhamaan. wax walbana dowlada dhexe ayaa gacanta ku hayn!!
-Amxaaro waa caqliga Itoobiya (human resources) , Oromana waa laan dheeraha (majority) Itoobiya. marka labadaasi hadii ay talo ku heshiiyaan oo inay Itoobiya xukumaan isku afgartaan, xattaa irsaaqadda duul-duul keedu aad inoo soo gaadhi maayo. sababtoo aha waxay buuxin karayaan madax weyne ilaa dhul xaaqqe. shucuubta Itoobiya inteeda kalena waxay iska noqon " others" iyo qatane yaal. waana inay sugaan intay dibi-yada qoodha ahi ka fulayaan ( oo haddee 30milyan oo Oromo ah oon waligeed irsaaqad Itoobiya aragi goormay dhargi ama fuli, saa waa Amxaar u bartay inay tuubadu isaga kaligood ugu jirto)!! laakiin 3milyan oo Tigree aha duul duulka kolu huu inasoo gaadho wax umbaa inaga soo gaadhi. hadaba 15kii sano waxaa inasoo gaadhay inkabadan 75 sano ee Amxaaro inoo talinaysay.
-Ururkan cusub ee ladhisay lama ogo wax uu mustaqbal noqon iyo inuu talo gacanta ku dhigi oo Itoobiya xukumi iyo inkale. waa gacan uur ku jirta. yaa og inay is khilaafi, kalatagi, Tigreegu kala siri oo u kala sheekayn. ama maadaama kollay ajandehoodu kala duwan yahan billawga horeba isla keeni waayi. laakiin nimankani imika ayey taladii haystaan, oo xaalku waa MIDHO GUNTA KUJIRA KUWO GEED SAARAN LOOMA DAADIYO (laakiin ciddii xisaabtami ayey maahmaahdani utaallaa).
-Talaabadan lagula midoobay ururadan kale ee Itoobiyaannimada ku heshiiyey waxay dhabar jab ku tahay dadaalkii duqayda deegaanka, aqoon yahanka faraha badan ee aad talaabada duqayda usoo dhoweeyey, iyo shacabka dibadaha jira ee sugayey dhagahooda inii war khayr qaba ku soo yeedhay. waxay kor u laashay oo cirka ku shareertay rajadii shacabka gudaha kunool ee ahayd in xal haboon loo helo qadyadda gobalka.
-Arintan lamidowga ururadan aan kor ku xusnayi waxay dhabar jab ku tahay himiladii shacabka ee qarniga soosocotay ee ahayd inaanaan Itoobiyaan ahayn. hadii ay katagi waydana aynu awrka ku kacsanno sida Tigreega oo kale.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay is yidhaahdaan war Tigreegu way sii socdaane kuwan soo socda aan wax lawadaagno. yaa huba inay kuwani iman doonaan. maxaynu rajadeenna ugu xidhi niman aan war loohayn inay iman iyo inkale. Hadii ay yimaadaanna ay caddahay cadkaan ka heli karro yaridiisa waaba hadii ay cadba inoo ogolaadaane.
Runtii way badan yihiin qodobada ay tahay inaan uga doorbidno Tigreega qolyahan cusub ee is bahaystay. laakiin aynu intaas ku joojinno waadna mahad santihiin
Cabdulaahi Maxamed Amiin [email protected]
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|