|
|
Maxay Reer Ogaadeniya U Dagaalamayaan ama ONLF? Qore Ali Abdi
|
Waxaan halkan ka salaamayaan dhamaan bahda reer ogadeenya meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan godeynews oo ii saamaxday fursadan aan fikradyda ku dhiibtay.
Shacabka reer ogadenya ama onlf xabada ma caashaqsana, dagaal iyo wiil dhintana reer ogadenya way ka dharagsan yihiin dhibaatada ay leedahay ee waa dagaal qasab ku ah inay dagaalamaan. Waayo, marna ma aqbali kareyno in sharaftayada, diinteena ,iyo xaqa aan u leenahay inaan dhulkeena si sharaf leh oo xor ah ugu noolaano taladiisana ay ka go,do oo kaliya rer ogadenya. illaa inta aan meshaas ka gaarayno dagaalka ogadenya wuu soconayaa inta dhibic dhiig ah ku jirto dhamaan inta sharafta leh ee reer ogadenya.
Ururka Midowga Mucaaradiinta Malez.
Onlf way ku saxsan tahay inay la midowdo cidkasta oo malez lid ku ah waayo: "cadowgaa cadowgiis waa saaxiibkaa" takale taliskaa la dirirayno inaan siyaasad ahaan, milatari ahaanba u wiiqno waa muhiim ,arintan iyada ahna qaybweyn ayay ka ciyaareysaa. Dadka heshiiskan isaga ah durahaya ,waxay lasoo boodayaan , Onlf iyo amxaaro ayaa naleyn, afkey nagashanayaan , dib dambe xornimo uma heli doono. waxaasu wax sal leh ma aha , illaa inay tahay fulaynimo, iyo munaafaqnimo quluubtiina madoobeysay mooyaane ,waxaad hada ku dhowdihiin heer aad tigreega u haysataan inuu janada iyo cadaabka maamulo, awood aan isaga ahayna aysan jirin, waxaan idiin sheegayaa in illaahay jiro awoodoo dhana uu isga leeyahay, hadaan isaga isku xiro oon geesiyadeena u hiilino guushu way soo degdegi. meeqa qoon baa illaahay aduunkan awood ku siiyay oo markii ay si xun u isticmaaleen ,alla burburiyay.
Xagee ayay ku dambeeyeen wadamadii Bortuqaal, Spain, Naboliyoonkii Fransa, Tartaarkii, iyo Mangool, iyo waliba dowladii islaamka ee awooda weynaa, dhamaan waxay burbureen markii ay ku mahadin waayeen deeqdii eebe, kuwan na dulaysanaya hadana way bururi,sidii kuwii ka horeeyay.insha allah.
Talo Reer Ogaadeniya:
Waxan ugu baaqayaa dhamaan rer ogadenya in aanaan dhabar jabin wiilsheena iyo gabdhaheena u guntadey cadowgan inuusan duleysan dadkeena, waxaan shaki ku jirin hadii onlf baadil ku dhisantahy inay waa hore burburi laheyd ,laakiin iyakoo ku taagan dhaba toosan oo rer ogadenya waligood horey u soo qaadin , waxay noqdeen urur ka halgama ogadenya kii ugu mudada dheeraa abad.
Yaa Dhaliila ama Neceb Onlf?
Waa dad aragti gaaban, xataa iyaka naftigoodu uma fiirsadaan waxa ay sheegayaan, wax ay noo balan qaadi oo ka fiican onlf ooy hayaana ma jiro, badidood waa dad fulaya ah, qalbigooduna waa ma doobaaday, qaarkood waxay onlf ku nacaan xigtadey maxuu madax uga noqon waayay onlf? mana taageerayo illaa uu taa arko, taasna waan ognahay meesha ay somaliya dhigtay. qaar waxay rabeen in jago uusan mudnayn qabiilkiisa darteed lagu siiyo tiina wuu waayay markaasuu cadho is duuduubay oo cay bilaabay.
Onlf maanta waa sharafta shacabka reer ogadeya,waana naadiga kulmiya dhamaan dadka ka xoroobay xayndaabka qabiilka ee dadkeena halkaa dhigay. Qaar waxay ku andacoodaan maa doorashadii onlf la qabto? meeshu waa digtatooriyad: waxa cusub ma aha dadka saas u hadla waa shayaadiin, waayo: dad halgami oo doorashooyin qabsada aduunka horey ma u soo martay? waxaan u arkaa in hogaanku haduu xilkiisa ka soo baxo in doorasho laqabto ineyna muhiim ahayn. Maalinkaan xoriyad helo waa meesheeda ama hogaanku haduu halganka hagrado.
Talo bixin:
Dhamaan shacabka reer ogadenya waxaan kula talinayaa in ay wiilashooda iyo gabdhahooda garab istaagaan,midnimadoodana dhowraan, xataa haday onlf daldaloolo ku arkaan ineyna ceebeyn ee ay saxaan kana mid noqdaan, taas ayaa guusha noo soo dadajin laakiin hadaad intaad buun xaar leh qaadato wiil&gabar; halgamaya aad dadkooda inaad ka horkeento aad isku daydo, illaahaybaa adna nolosha kaa horkeeni aduuna cadhiidhi ayaad ku noolaan aakhirana cadaab. laakiin mujaahidiinta reer ogadenya illaahaybaa guul lagarab taagan isagayna talo saarteen nasrigii allena waan helay, xataa janankii tigreega ayaa afkiisa ka cadeeyay iney kacan sadexaad dagaalka ku jirto. maanshaa allah ,gacantaa sadexaad miyaad garaneysaan? waa malaaigtii alle kularey mujaahidiinta rer ogadenya.
Illaahay hanaga dhigo kuwii dantooda garta,iyo ahmiyada ay leedahay inaadan midnimada ama qof walaalkaa ah aadan dhaawicin.
Wabillaahi Towiiq
Qore Ali Abdi E-mail; [email protected]
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, kan Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|