|
|
Warsaxaafadeed: Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Garabka Badbaadinta ( JWXO-GB)
|
Warsaxaafadeed ku saabsan Alliance for Freedom and Democracy 29 may 2025
Waxaa 22/05/06 lagaga dhawaaqay wadanka Holand Isbahaysi loogu magacdaray "Alliance for Freedom and Democracy". Jabhadahan iyo Xisbiyadan ayaa ku midoobay, kuna heshiiyey in la ilaaliyo midnimada Itoobiya, xukunkana lawadaago, wadajira loobadalo xukunka TPLF/EPRDF (Wayaanaha) ee talada haysta hada. Isbahaysigan oo ay ku midoobeen Jabhado gobanimodoon ahaa iyo Xisbiyada ka jira Adisababa oo doorashadii oogu dambaysay ka qeyb galay ayaa ka kooban ururadan:
1-Ogaden National Liberation Front (ONLF) 2- Ethiopian People's Patriotic Front (EPPF) 3- Oromo Liberation Front (OLF) 4-Coalition for Unity and Democracy Party (CUDP) 5-Sidama Liberation Front (SLF) 6-South Ethiopian Peoples Justice & Equality Front (SEPJE)
Inta badan xisbiyada iyo jabhadaha ka jira Itoobiya gaar ahaan CUDP iyo EPPF oo ka soo jeeda qoomiyada Axmaarada ayaan aqoonsanayn inay Soomaalida Ogaadeenya aayaheeda ka tashato iyo inay noqoto Qowmiyad Itoobiyaan ah oo la xuquuq ah qoomiyadaha kale ee Itoobiya. waxaa kalooyna aqoonsanayn xisbiyada Axmaaradu inay Qoomiyadii rabtaa aayaheeda ka tashato, waxayna aaminsan yihiin inay Iyagu (Axmaaradu) yihiin qoomiyada Itoobiya samaysatay, iskuna haynkarta ee xukumi karta, Qoomiyadaha kalana ay yihiin dadyow raaciyad u ah Iyaga oo aan Xoriyad iyo Xukunka Itoobiya midnaba Gayin.
Sida runtii ah Inaan Itoobiyaan noqono oo qofka Itoobiyaanka ahi aqbalo inaan muwaadin la siman nahay ayaa waxaa ka dhib yar inaan ka xorowno Itoobiya oo aynu ka Go�ono. Sababtoo ah waxay dhamaan qoomiyadaha Itoobiya iska raacsan tihiin inay Soomaalida Ogaadeenya tahay Cadow-gooda koobaad xoogna ay ku haystaan. Taasina ma aha mid Isbahaysi aan galo ama isbadal xukun (dowladeed) ay wax ka badali karto, ee waa aamin-sanaan ku salaysan taariikh jirta iyo waxa inoo dhaxeeya Inaga iyo Xabashida (Abasiiniyaanka).
Hadaba waxaan ilaa 1898 ku soo jiray halgan hubaysan oo aan ku raadinayno xoriyada Soomaaliweyn iyo mida Soomaalida Ogaadeenya, ilaa wakhtigaasna waxay xukuumadihii kala duduwanaa ee Gumaysiga Itoobiya inoogu yaboohayeen inaan qaadano ismaamul hoosaad oo aan ka tanaasulo Xoriyaddoonimada, taasoo aan diidanayn. Halgankan iyo Raadinta Xoriyadaas oo ay kumanyaal wiil ku naf waayeen, kumanyaal kalana ku agoontoobeen, kumanyaal marwo ku Asay qaadeen oo ay ku nin waayeen, Malaayiina oogu qaxeen caro shisheeye oo ayna wadankoodii hooyo dib oogu laabanin Halganka dartii, Xoriyadii Raadinteeda intaas iyo in ka badan loo soo mutay inaan kaga tanaasulo maanta Isbahaysi afka Baarkiisa ah oo Axmaaro maamulka itoobiya loogu barbaarinayo, waa mid aan suuragal ahayn oo aan la aqbali karaynin marnaba.
Markuu Garabka Badbaadinta JWXO shirar kala duwan ka yeeshay Faaiidada iyo Khasaaraha oogu jira Soomaalida Ogaadeenya ka mid noqoshada Isbahaysiga Alliance for Freedom and Democracy, Isla markaana aan dib oogu noqonay Xeerkii Jabhada, wuxuu heshiiska lagu aas-aasay Isbahaysiga cusub ka hor imanayaa, si cadna u burinayaa Qodobka 39aad ee Xeerka Jabhadda, kaa soo ay ku cadahay in shirweynaha Jabhada oo kaliya uu awood u leeyahay ama ka go�aan gaadhi karo qodobada 1;2;3;4;5;6;7;8 ee xeerka Jabhada, kuwaasoo aas-aas iyo laf-dhabarba u ah Halganka Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ay ku hiigsanayaan inay kaga hoos baxaan Gumaysiga Itoobiya.
Hadaba Iyadoo laga tixraacayo qodobada 1 ilaa 8 ee xeerka jabhada iyo Go'aankii 1994 ee Kalfadhigii sadexaad ee Baarlamaanka Soomaalida Ogaadeenya ay ku gudoonsadeen magaalada Jig-Jiga in Afti-Aayo katalineed laga qaado Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ayaa waxaa cad inuu Isbahaysigani dhabar jab iyo marin habaabinba uu ku yahay Halganka aynu oogu jiro Gobanimadeena. Waxaanuna oogu baaqaynaa Shacabka Soomaalida Ogaadeenya inay ka feejignaadaan Dabinka ay u qoolayaan kuwa dibin-daabyeynaya Halganka ee Khaainul Wadhaniinta ah iyo kuwa ku dulhaya Gumaysiga Abasiiniya iyo kuwa raba inay sii gumaystaan intaba.
Oogu dambayntii Garabka Badbaadinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya wuxuu la socodsiinaynaa, Isbahaysiga Alliance for Freedom and Democracy, Shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyo Bulsho weynta Caalamkuba gaar ahaan USA, EU iyo African union inuusan khusaynin Isbahaysigaasi Garabka Badbaadinta JWXO iyo Shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee Gobanimodoonka ah. islamarkaana aanaan Aqoon sanaynin heshiiskasta oo ay gaadheen ururada ku midoobay Holland hadayna ku cadayn inay Soomaalida Ogaadeenya tahay qoowmiyad Itoobiya gumaysato oo xaq u leh inay aayaheeda ka tashato.
Halganka Shacabka Soomaalida Ogaadeenya wuu socon ilaa Xoriyad.
Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Garabka Badbaadinta ( JWXO-GB) Xudunta Xidhiidhka Caalamiga ah. Warsaxaafadeed 29 may 2025 Email:[email protected] More Statement visit www.ogadensun.com |
|
|
|
|
|
 

|