GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Saan-Saanta Soo socota iyo Saadaalinta Mustaqbalka Soomaalida Ogaadeenya. Qore C/laahi Maxamed Amiin
Waxaa maalmahan dambe dhagaha dadka kusoo duul-duulayey shanqadh aha in ururka ONLF uu heshiid hoosaad la galay ururo kale oo qaarkood Ethiopian nimadu ku fog tahay. arintaas ayaa laga yaabaa inay is-beddel weyn ku keento gobolka iyo dhankii uu u jihaysnaa, waxaase iyaduna suurowda inaysan is-beddel lataaban karo soo kor dhinin. siwalba oo xaalku yahay waxaan hoos ku xusaynaa sida uu mustaqbalka gobolku iila muuqdo.

Malihi arintu sidan ayey kollay iyo kollayba noqon. sababtoo aha mustaqbal wax uu lamaqan yahay alle umbaa og. hadii aan haleelo oo sidaan wax u saadaaliyey mustaqbalka umuuruhu noqdaan qaddarka eebbe ka sokoow, waxay ka dhigan tahay dhacdooyinka ayaan s habboon u akhriyey, hadii kale oo ay taasi dhici weydana xisaabta ayaan qalday oo lambarro aan sax ahayn ayaan isku dhuftay oo natiijo qaldan dhaliyey.


*Waxaa suuro gal aha in ujeedada ONLF ay isbahaysigan cusub ugu biirtay ay tahay iyadoo ka rajo qabta inay dawladdan imika Itoobiya ka talisa xilligeedii dhodhow-yahay, sidaas awgeedna loo baahan yahay in madaxda mustaqbalka iyo ururada baddali doona laga midnoqdo. waa qorshe fiican waloow sidii nin horeba u yidhi ay arintaas usoo mareen jiiro dheer oo hadii shacabka lala tashado waa hore loomaaro heli lahaa.

*Waxaa kale oo suurowda in reer Yurubku cadaadis weyn saareen jabhadaha hubaysan ee Ethiopia inay ka go aan doonaya ee ka dhex dagaalama Ethiopiayada quman gudaheeda, ee khatarta lataaban karo ku haya wada jirka Itoobiya sida OLF. kadibna lagu qurxiyey kuwii kale ee yaryaraa sida keennan oo kale iyo waliba Sidaamada. sababtu siwalba oo ay ahaydba waxay u badan tahay in Zenawi shantiisan sano dhamaysto. laakiin shantaa sano gudahooda ayaa mucaaradkii dibad wareegga ahaayi soo xaroon doonaa oo ay ONLF kamid tahay, iyakoo waliba wata carrab laalaadis dhanka Europe aha.

*Dhinaca kale waxay isku daya hayaan inay doorashada 2009 dhici doonta talada ka fara maroo jiyaan Zenawi. waxay doorashada ku gali doonaan niyad aad u saraysa oo waliba ka horna ay kasii baaraan dagi doonaan sida looqayb sanayo jagooyinka dawladda iyo cidwaliba waxay heli doonto marka ay ku guulaystaan doorashada.


Melese qudhigiisu intaas meel mafadhiyin ee waxbuu isku xidh xidhayey, oo shucuub uu waa hore abaadiyey ayuu dib u baadi goobi doonaa. ismaamulada kililada dalka ka jira ayuu awood fiican siin doonaa. wuxuuna kor ugu aadaami khatarta ku soo socota shucuubta Amxaaro ku hoos dulmanaa qarniyada. shucuubtii ay matalayeen OLF, ONLF iyo Sidaamada iyo inta kaleba ee isbahaysigan cusub ku biirtay qudhigooga istraatiijiyaddii ay lahaayeen wax wayn ayaa iska baddali doona marka laga reebo Amxaaro oo iyadu farxad cirka maraysa. shucuubtan oo magaca Itoobiya inbadan Amxaaro ku dulmiday ayaa taageeradii dib ugala noqon doona ururadii xilliyada qaar ay taageerada fiican u hayeen, ayna u arkayeen inay Itoobiya ka xorayn doonaan.

Waxay qowmiyadahani didmo jaanta rogeen markay Amxaaro ku dhex arkeen ururkan cusub. Shucuubtani waxay qiimayn doonaan labada gole, waa kan Zenawi iyo kan kale ee Amxaaradu calanka u waddee midkoodii u dhibaato yar maadaama ay himiladii xorriyadda ahaydi gabaabsi u ekaatay, waxayna go'aan sadeen arintu waa laba daran mid dooree inaysan kollaba Axmaaro codka siinin. dhanka golaha Zenawi ayeyna isu buuseen.


*Hadii aynu usoo noqono gobalka Soomaali galbeed, waxaa yeedhay guux weyn kadib markii shacabku arinta midawga jabhadaha ka war helay. waxaa maalmahan inagu soo aadan aan BBC-da ka maqli doonnaa, website-yadana ka arki doonnaa dhawaaqa iyo guuxa shacabka qaarkii.

Sidookale waxay arintu la kharaa raan doontaa madaxda ONLF qaybo kamida. waxay u arki doonaan in ururkii lamajaro habaabiyey, waxayna indho indhayn doonaan jawiga, kolkay ogaadaan in shacab badani kasoo hor jeedo Axmaaro inaan wax wadaagno ayey dib isu abaabuli doonaan, waxayna isku dayi inay bulshada ugu sawiraan inay yihiin ONLF-tii xaqqa ahayd ee matalaysay himilada shacabka ee qarni jirsatay-hellidda xorriyadda.

Halkaas waxaa kasoo baxay falliidh kale oo JWXO aha. falliidhkan cusub ( garabkii kale Addis-ayey ku maqan yihiin oo gudaha ayey hawlahoodii ka wataan, qaybo madaxdii kamid ahina way ku hagaagi layihiin oo way cabsanayaan) ayaa qaylo af-labadii ku dhufan oo shacabka dhex boodi. waxay u tagi Eritrea oo ay qoryo kasoo qaadan, waxayna marin sidii caadaduba ahayd Dhuuso Mareeb, halkaas oo ay gudaha ka galin doonaan. qoryihii ayey qaybin doonaan (alleen qori nin qaata la inagama waayee).

ONLF garabkii nabadda qaatay ayey ugu yeedhi doonaan magac yadii caanka ahaa: Daba qoodhi, Macaan jecel, Jaajuusyo, iyo magacyadii kale ee faraba badnaa ee shalay ay iyagu dadka ugu yeedhayeen ( alleen waa nabsi umuurtuye). arintani uu garabkii ugu muhiim sanaa ee ONLF duurka kaga baxay ayaa fursadii ugu weynayd u noqon doonta Jabhadda Midawga Xoraynta Soomaali Galbeed. waxay laba laabi hawlahoodii. waxayna isku dayi inay buuxiyaan booskii uu ururkaas hore banneeyey (ujeedada laga leeyahayna waad qiyaasi karaysaa).

Waxaa dhanka kale midawga jabhadahani ay dhaka faar ku riddi duqaydii xilliga dheer isku hawshay inay ONLF lakulmaan, gobalkana nabad ku soo dabbaalaan. duqayda, aqoonyahanka dal iyo dibadba jooga, iyo shacabka qurbaha jira ayaa iyaguna tallaabooyin cad cad qaadan doona. waxay Melese Zenawi oo hadda u dhaga nugul cadaadis ku saari doonaan arimo dhowr aha sida dhaqaalaha gobalka ee dawladdu u qoondayso oo sifiican loo maareeyo, kililka oo maamulkiisa lahagaajiyo, qabiiladii dulmanaa (sida Ogaadeenka) oo sidii hore loo dhaamo, tirakoobkii xaq darrada ahaa oo dib loogu celiyo iyo waliba hadii ay dhicikarto in caasimada kililka dib loogu soo celiyo magaalada Godey.

Waxaa gobalka dib ugu noqon doona jaaliyadaha dibadda ku nool dad badan oo kamida iyo waliba aqoon yahan farabadan. waxaa laqaban doonaa shir weyne aad u ballaadhan oo lagu qaban doonaa Godey iyo Qabri Daharre midkood. shirkan waxaa lagu dhisi doonaa urur cusub oo saamayn badan ku yeelan doona mustaqbalka gobolka.

Ururkan oo dad ku habooni majaraha u hayo, aqoon yahan badan oo dadku ku kalsoon yihiinna ka dhex muuqdo, duqayduna lajirto iyo waliba jaaliyadaha dibaduhu ayaa doorashada ay iskaga hor iman doonaan ONLF oo gacan saarlale Axmaaro, oo waliba lumiyey taageera yaasheedii intoodii badnayd. xamaasadda ayaa cirka isku shareeri oo nin waliba makara foonka ayuu dhankiisa ka afuufi, balse makara foonka ONLF waxaa kolal badan afka calal kaga xidhi doona oo codkiisu inuu faseex noqdo diidi doona ciidamada iyo dawladda meesha ka jirta, ururka kalena aan waxba u dirsan doonin.

Sheekadu markay meeshaas marayso ayaa waxaa is baddali doonta aragtidii madaxda ONLF qaybo kamida iyagoo ku biiri doona ururkaas cusub ee ay doorashada isku hayaan. doorashii dhacday 2009 ayaa waxaa ku soo baxay hadana Malese (ama dad uu wato xiitaa hadii uusan isagu is sharixin) iyo dad ay gacan saar leeyihiin. is bahaysigii ay ONLF kamid ahaydna niyad jab ayaa soo gaadhi. waxayna billaabi inay isku dayaan inay sheekada u badalaan qas iyo lab si awooda wax looga siiyo.

Ugu dambeyn lama huraan waa caws jiilaale ONLF qaybo kamid ahi waxay dib ugu soo noqon doonaan Eritrea. waxayna dib u baadi goobi nimankii ay kala dhinteen iyo waliba garabkii iyaga ka falliiqmay ( ma saadaaliyaa garabkan ragga madaxda ka noqon doona).

Laakiin akhristoow arintan waxaa garab socda arinkale oon meesha laga saari karaynin oo aha hadii Ethiopia inay kala burburto noqoto......

Arintaasna markale ayaan saadaalin doonnaa sida amuuri noqon insha Allah.

waad mahadsantihiin

C/laahi Maxamed Amiin

[email protected].

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com