GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
XUKUN MILATARI IYO XOOG-SHEEGASHO MA XALLIN KARAAN MASHAAKILKA DEEGAANAKA SOOMAALIYEED - OGADEN ? Qore Abdi Habashi
Muddo laga joogo bilo yar, waxaa jirtay rajo wayn. Waxaa la hadal hayey nabad iyo xal siyaasi ah oo ka dhasha ismaamulka Soomaalida. Oday-dhaqameedka yaa ukala dab qaaday dawlada iyo ONLF. Itoobiya yaa ku dhawaaqdey wadahadal nabadeed. Jabhaduna way aqbashay. Shacabka yaa warkaa aad ugu diirsaday.

Mar kaliya yey sheekadi dhinca kale isurogtay. Waxaa lagalay waji cusub iyo
xaalad qalafsan. Ciidamo aad u tiro badan yaa laga soo buuxiyey gabalka waxaana bilaabatay colaad aad u xun. Shacab badan yaa la gumaaday.

Sababo kalagadisan yaa loo aanaynaya xiligan adag ee la galay. Sabab kasta hala siiye e, ma aha wax la qaadan karo sida ay ciidamada dawladu ula dhaqmayaan dadwaynaha iyo maamulka deegaanka ee askarta qudhoodu ay magacaabeen.

Xasuuq

Warar dhiilo leh oo ah ciqaab guud yaa ka imanaya dalkii hooyo:

1. dadka shacabka ah oo ciidamadu sabab la�aan dilaan
2. dhilinyaro shacab ah oo baadiyaha laga soo qabto kadibna jidh-dil iyo gawrac la isugu daro maydkoodana suuqyada iyo wadooyinka la wadho
3. dad shacab ah oo ciidamadu qabteen oo ila hadda in ay nool yihiin iyo in kale aan la ogayn
4. tuulooyinka iyo hantida dadka xoolo dhaqatada ah oo dab la qabadsiiyo sida Fool-jeex iyo Sasabane
5. boqolaal dad ah oo baro-kacay oo qaxooti ku noqdey dalkoodii.

Ma jiro xeer, mid caalami ama dawladeed, qoraya in dadka shacbka ah la gumaado. Xukuumada EPRDF oo ku faanta dasduur dimuqraadi ah iyo in quumiyadaha xaquuqdooda la dhawro yaa hadana sidan u dhaqmaysa!

Maamulkii oo indho iyo dhago la�aantii dad cunimo ku darsadey

Inkastoo maamulka deegaanku fadhiid aan dadka waxba ugu filnayn uu ahaa, hadana waa la iska dugsan jiray isaga oo indho iyo dhago la�, waayo, wax la�aanta yuu dhaamay. Waxa layaab noqotey in maamulkii iyo shaqaalihii deeganku ku biiraan ciidamada. Runtii, way jiraan masuuliyiin ama shaqaale aan raali ka ahayn arrintan. Nasiib daro, lama maqal codkooda, waxaana la raacinaya kuwa aan danta ka lahayn gumaadka shacabka. Go�aankan ay ciidamadu kula mataanoobeen maamulka yaa ka dhigay kililkii mid dad cun ah!

Dawlada Meles ka daran kuwii ka horeeyey !!

Waxaa laga yaaba in dad badani ay igu khilaafan aragtidan. Waan garowsanahay xooga isbadal ahi inuu jiro. Midbaase iga dagi la�; hadii dadkii isbadalka loogu tala galy si wadar ah loo gumaadayo, hadii wixii wanaaga loo arkayey{dasduurka} aan la fulinaynin, hadii wax dadka loo taro iska daaye ayna amaan helaynin; soo lama odhan karo maamulka iyo is xukunka lagu faanayaa ee lagu amaanayo dawaladan waa MAQAAR SAAR.

Runtii, dawladahii Dhargigii iyo tii Boqortooyada ee ka horasay laguma qabibin faa�iidooyin badan. Waxaase yara xadgudubka dhinaca xuquuqda aadanaha ee bulshada; marka loo fiiriyo waxa eega socda. Waxaa xusuus mudan in jabhado iyo dagaalaba ay jireen intii labada talis een soo magaacaby ee awooda dalka hayeen.

Waxaa kale oo muhiim ah in ciidamadu ay lahayeen awood aad u badan oo shacabka say doonaan ka yeeli kareen. Hadana lama soo tabin gumaad guud oo la midah ka eega ka socda gudaha. Sidoo kale, dawladii hore ma ayna ku dirqiyi jirin shaqaalaha iyo dadka maamulka ku jira in ay askarta ka garba diriraan.

Waa maxay ujeedada cadaadiska milatari?

Wax war ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada kama soo bixin taliska Meles iyo maamulka Jijiga. Sidadaradeed, way adag tahay in la tibaaxo ujeedada ololaha askarta. Amuuska ay dawladu ku qarinayso dhaqdhaqaaqa ciidamada yaa shaki wayn abuuraya.

Dadka u dhaw maamulka kililka iyo askarta yaa laga soo xigtay ujeedada ka
dambaysa xasuuqa shacabka. Sidoo kale, dadka la socda arrimaha gabalka yaa iyuguna aragtidood ku darsaday.

Hadii aan soo koobo aragtida kala duwan ee laga bixiyey xukunka adag ee ciidamada, waa sidan:

� in lagu tirtiro jabahada ONLF mudo yar gudaheed
� in loo gogol xaadho sidii loo soo saara laha shidaalka
� waxaa dhaqdhaqaani qayb kayahay qorshe Itoobiya ay ka damacsantahay Soomaaliya
� aragtida ugu dambaysa oo ah ta iila muhiimsani waa: in la iska horkeeno
shacabka iyo JAWXO. Si taa loogu guulaysto waa in shacbka lagu sanduleeyo in ay la dagalamaan jabhada.

Waa maxay natiijada ololaha ciidanku

a) in maamulkii fadhiidka ahaa iyo shaqaalahiise laga dhigo askar ku jirta
safka hore.Talabadn yaa waxa ay sababtay in uu kordho nacii loo qabay maamulka.
b) Shacabkii oo lagu qasbo in ay noqdaan jabhad ay markii hore ka taxadarayeen
c) Dadaalkii nabadeed ee oday-dhaqameedka oo noqdey �hal bacaad lagu lisay�
d) Ugu dambayn, kalsoonidii yarayd ee bulshadu ku qabtay taliska Addis iyo
maamulka Jijiga oo meesha ka baxday

ONLF nadiif kama aha dhiiga shacabka

Mar hadii ay colaadi meel ka jirto waa hubaal in shacbka dhib ka soo gaadhi.
Waxyeelada dagaalka yaa noqon kara mid dadban iyo mid ku talo gal ah. Dhinca kale, way adagtahay in jabhada iyo shacbku ayna iskahor iman sida hada ay wax u dhacayaan.

Waxaa maalmahan dambe ina soo gaadhayo warar aan lagu farxin � jabhada oo dad shacab ah dishay. Waxaa ugu dambeeyey dalkii loo gaystay suldaan Ibrahhim Cali Saafi iyo dadkii la socdey. Dhacdadani waa gaf wayn oo bahaan baadhis iyo raaligalin ay jabhadu samayso. Waxaanse mar kale eeda saaraya askarta dawlada oo ku dirqiyaya dadwaynaha in ay galaan colaad ayna raali ka ahayn.

Xoog xal ma keeni karaa?

Hadii aan si gaaban ku jawaabo, MAYA, tusaale wacan waxaa inoo noqon kara colaadaha loo adeegsaday awood ciidameed ee ka socda dunida hareeraheeda. Waxaa kamid ah Ciraaq, Afganistaan, Falistiin iyo Jeejiniya.

Inkastoo colaad kasta ay leedahay duruufteeda gaarka ah, hadana waayargnimada laga helay waa isku mid. Awooda askareed ee loo adeegsanayo deeganka Soomaliduna waa la mid. Waxaa la ogsoon yahay in aan wax xal ah lagu keeni cudud milatari iyo shacabka oo la xasuuqo. Waxaa si bata nacaybka oo la hayo cida xooga adeegsanaysa. Waxaa caan si noqda kooxo ka dhidhiya ama ka hadla xasuuqa bulshada sida jabhadaha.

Talo bixin.

1. In Itoobiya iyo ciidamadeedu joojiyaan gumaadka lagu hayo dadka shacbka ah. Sidoo kale, in JAWXO ay ka fiirsato dilka dadka shcabka ah.

2. In dawlada Meles ay fuliso balanqaadyadeeda islamarkaana hirgaliso xaquuqda dasduuriga ah ee shacabka Soomaalida Ogadeeniya.

3. In miiska wadahadalka ay soo wada fadhiistaan Itoobiya iyo ONLF si loo helo xal siyaasi ah iyo nabadgalyo

4. In baadhis lagu sameeyo dilka, xadhiga, gubista toolooyinka iyo wixii tacadi ah ee loo gaystay bulshada islamarkaana maxkamad la horkeeno cidii ka dambaysa falalka foosha xun lidka ku ah xuquuqda asasiga ah ee shacabka

5. Ugu dambayn, in dadka aan ku qanacsanayn ONLF ay la yimaadaan wax badali kara jabhada oo ay dadku ku qancaan. Waa muhiim in loo ololeeyo nabada laakiin nabad kuma iman karto kaliya in ONLF khaladaadkeeda la sheego. Waa in la helo dad abaabulan oo si nabadgalyo ah ugu doodi kara xaqa shacabka. Nabadu ma aha in laga aamuso waxyeelada ay ciidamada dawladu ku hayaan dadwaynaha iyo in la buubuniyo ta jabhada. Waxa aan u bahanahay in loo dhawaado cadaalada.

Waxa aan ku soo gabagabaynaya maqalaka in ay dawlada Itoobiya daacad ka noqoto arrimaha gobalka si loo helo xal nabadeed. Ma jirin xilli looga dhaw yahay nabada iyo in dawlada wax lala qabsado, haseyeeshe, talaabada ciidamada yaa sii fogeeyey shacabkii dhinca jabhadana ku sii riixaya.


Abdi Habashi

[email protected]

NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, midda Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si hadii ay macquul tahay aan idinku daabacno.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com