GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Ogadenya Ma Go�i Kartaa Xiligan? Qore Inj. Subxaanyo Luga dheere
Hadal bilaash ah oo sheeko qurxis ah iyo nin intuu kaarka cayrta (welfare ID) kaga soo adeegtay grocery (baqaarka qudrada) guriga akriisa ah oo dabadeed take away (muqaaxi cuntada laga sii qaato adigoo gaarigaada ku jiro) horay oga soo iibsadey afar chicken sandwich ah iyo hal ubo oo diet coke ah (ilaa coke caadi ah baruur baa looga carariye) markaan hadalkii iska dayno. Ogadneya ma go�i karto xiligan sababtuna waa tan;

1-ONLF ma heysato awood ay ku tiirsan tahay oo qiimo leh, gobolkana ka leh dan weyn, marka laga reebo Erateriyanka oo colaadeedu Ethiopia aynanba sii fogeyn oo hadey danaheeda dhul barito hesho banaanka inaga mari.

2-ONLF inta u talisaa meel dheer wax kama eegaan, mana lahan qurshe fog oo ay ku hanan karaan bulsha weynta reer Ogadenya. Shacabkoodi yaa looga hoos maray intii iyaga la socotayna, nin adeysta maahee, cid ku qanacsan sidey wax u socdaan majirto.

3-ONLF hogaankeeda malaha siyaasad dibadeed la jaanqaadi karta dabeysha siyaasadeed ee dunida ee marba dhinac u socota. Ma awoodaan amaba ma yaqaanan sida loo isticmaalo ama loo maldaho (relate issue with another to produce desired outcome) ama (manipulation of issue for political purposes) qaadashada xaalad taagan si ujeedooyinka ururka loo hirgaliyo, intii sidaas yeeli laheydna qabiil ayaa looga cararey oo afar nin oo isku beel ah ayaa guri isku soo xirtay oo howshi caamka aheyd ka dhigay mid iyaga kali ku ah.

4-ONLF malaha siyaasad cilmiyeysan oo ay ku hanan karto jiilka soo koraya ee u baahnaa in loo diyaariyo shaqada bari, inti sameyn laheydna qabiil baa laga uriyey, taasna waxey kuu cadeyn meesha inaynan oolin wax meel fog jiraa ee ay tahay �just for today, not tomorrow,� siyaasad ah oo lagu dhoob dhoobay hotelka Days Inn, ayna diyaariyeen afar nin oo ilmo adeer ah kana carareysa inti kale iyagoo aaminsan hadii waxan caam noqdaan armada magaciinu lumaa.

Marka inta ku sheekeysato in Ogadenya Ethiopia xiligan ka go�i karto hadaanan sidey tahay siyaasada ONLF wax laga badalin, waxaan oran lahaa markale dib ha ufikireen!

Inj. Subxaanyo Luga dheere
[email protected]

NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, midda Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si hadii ay macquul tahay aan idinku daabacno.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com