|
|
Waa Baryey Sacabo Laguma Qarin Karo!!! Qore Gurxan
|
Waxaan baryahan ku aragna Saxaafada Soomaalida Ogaadeeniya inta badan wax ka qora in ay Jecelyihiin in ay qoran ama ay buunbuuniyaan dhaliisha ama dhacdooyinka khaladka ah ee Bin'aadamka ka dhaca amaba shil meel ka mid ah dhulka Ogadeeniya ka dhacay oo ay u nisbeeyaa ama ay ku eedeeyaan Xaq- Udirirka.
Waxaan halkan ku soo koobayaa Guulihii ay Soo hooyeen Xoogaga Xoraynta Ogadeeniya (CXO). Oo naftood u huraya Xoraynta dhulkooda hooyo ee Guumeysigu la hadhay. Jabhadda Wadaniga Xorayta Ogaadeeniya waxaa la asaasay Bishii Agosto 1984 kii, Waxay shirweynihii ugu horeeyey ay Ummadda u qabatay Sanadkii 1992, Magaalada Garo. Waxaa lagu doortay Gole Fulin iyo Gole dhexe oo Ummada Hogaamiya inta u dhaxeysa 2 Shirweyne.
Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya Waxaay ka qeybqaateen Dawladii ku meelgaadhka ayahyd ee Ethoipia laga dhisay markii ay qabsadeen Xukunka EPRDF/TPLF. Waxay yeesheen Xubnihii Baarlamaanka ee Ismaamulka soomaalida 90% iyo Madaxdweynihii ugu horeeyey ee Ismaamulka Soomaalida Ogaadeeniya oo ku hoos jirtay Gacanta Guumeysiga iyaga oo Doonaya in ay Xal siyaasadeed u helaan Khilaafka Guumeysi oo la hadhay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya.
Soomaalidu Waxay ku maahmaahdaa "Nin Xaaskaga raba Gadhaada laguma karo" Guumeysiga Itoobiya marnaba Xal siyaasadeed in uu ku dayo Khilaafka OGADEN IYO ITOBIYA diyaar uma aha. Mana Ogolo mana rabo Xoriyad iyo Gooni u istaag ay helaan Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya.
1994, Barlamaanka Ismaamulku wuxuu u codeeyey in afti laga qaado Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya, in ay Itoobiya ku sii jirayaan iyo in ay ka go'aayaan, Natiijadii dhinaca Xukuumadda Meles Zinawi ka timid waxay noqotay in la kala diro Baarlamaankii Xukunkiina Maqaarsaar loo dhiibo Kaasoo aynu aragnay Natiijada ka soo baxay ilaa maanta.
Isla Sanadakaas 1994 kii Waxaa Weerar isdaba jooga ah lagu qaaday Madaxdii, Taageerayaashii iyo Xubnihii ONLF ee sida nabada ah u joogtay Dalkooda hooyo laguna qasbay, In ay Ka caraaraan oo ay Dagaal Hubaysan oo ay isga Celinayaan Wayaanaha iyo Xukunkiisa kalgii taliska ah. Qaarna ay Hawlgabnimo isga gabadaan Gudaha Itoobiya.
Nidaamkii ONLF ee Rabitaanka shacabka ku dhismay wuxuu ka socon waayey Xukuumadda Meles Zinawi oo ah Guumeysigii Abasiiniya ee dhulkeena ay ku wareejiyeen Guumeystayashii Reer Yurub ee Afrika Xooga ku qabsaday, Ujeedadoonu ay ahayd Qeybi oo Xukun. Xukuumada TPLF waxay ku beerta oo ay kala dhexdhigtay Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya Colaad , Iska horkeen iyo kala qaybin taasoo sababtay Dagaalada Sokeeye ee aynu indheena ku aragno ka aloosan meelo far badan oo ka mid ah Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya.
ONLF Waxay laga soo bilaabo 1994 kii qaaday Dagaal Hubaysan oo ay ku Xoreeynayso Dhulka Soomaalida Ogaadeeniya ee ay Xooga Ku haysato Amxaaradu. Guula farabadan ayey soo hooyeen CXO. Guullaha ay soo hooyeen waxaan ugu dambaysay Hawlgalkii jeedin ay ugu magacdareen Ciidamada Tigreegu oo la jabiyey kaaso bilowday Horaantii Bishii MAY ee Sanadkan walina ay ka samri laadahay Jabkii ka soo gaadhay Hawlgalkaas.
18.July 2006. Waxay ONLF Ku soo riday Diyaarad Helicopter ama Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee ay Ciidamadu leeyihiin, Meesha layidhaahdo Gaba Gabo ee mid ah Gobalaka Qoraxay. Diyaaradaas waxaa ku dhintay Dhaamaan Dadkii saarna oo Milatari ahaa. Ciidamada Xoreeynta Ogaadeeniya oo Wata Hubka Casiraga ee Diyaaradaha lagu soo rido iyo kuwa Ciidamada Gaadiidka wata lagu gubo waxay Gantaal la heleen Diyaaradaas oo ay saarnayeen Saraakiisha Ciidamada jooga Ogaadeeniya Hogaamiya.
Soo ridida Diyaaradan Militeri ayaa Jaba aan lafilayn ku noqotay Ciidamada Cagajiidka ee TPLF ta ah ee Jooga Ogaadeeniya. ONLF iyo Tageerayaasheedana waxay u noqotay Guul Taariikh ah. Arrinkan ayaa Muujinay Awooda Ciidan iyo Hub ee Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya ay ledahay. Hoos waxaa ku li faaqan Warbixintii Diyaarada oo English ah.
All Rights Reserved BBC Monitoring Africa - Political Supplied by BBC Worldwide Monitoring
July 21, 2024 Friday
LENGTH: 187 words
HEADLINE: Ethiopian rebels reportedly shoot down army helicopter in southeast
BODY:
Text of report in English by Ethiopian opposition Ethiomedia website on 21 July
Kebri Dehar, Southeastern Ethiopia [bordering Somalia]: Twenty-six army officers were killed when Ogaden rebels in the remote southeastern Ethiopian region shot down an army helicopter on Wednesday, 18 July, Ogaden Online has reported.
Citing local sources in the predominantly Somali-inhabited Ogaden region, the source said eight of the dead were senior army commanders reportedly heading for a regional meeting in Kebri Dehar, about 1,200 km southeast of Addis Ababa. The attack helicopter was downed near a locality called Gaba Gabo, 70 km northeast of Kebri Dehar.
Rebels of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) have been fighting for independence from Ethiopia.
The Ogaden region has been a long time hot spot of armed conflicts between Ethiopian and Somali forces. At present, Ethiopian tyrant [Prime Minister] Meles Zenawi has deployed troops in the central Somali town of Baidoa on what the dictator said was to protect the interim Somali government from a takeover by Islamist militias.
Source: Ethiomedia website in English 21 Jul 06
Wixii Faahfahin ah ku soo dir:
Gurxan [email protected] ------------------------- NB: Qoraalkan looma fasiran karo inuu yahay midka Godeynews.com ee waxuu kukooban yahay qoraaga qoraalkan. Laakiin hadii aad u baahan tahay in rayigaada laguu daabaco waad soo gudbin kartaa, waxaa laga yaabaa in laguu daabaco. |
|
|
|
|
|
 

|