|
|
Wallee Halganku Ceelkuu ku dhacay cidi masoo saarto!! Qore Maygaag
|
Qormadan waxaan ku eegayaa qoraaladii dhawaan laysku dhaafsaday shabakadaha daneeya arimaha Ogadenya.
Hutuf � Haatuf iyo hadal aan waxba kajirin weeye �ONLF waa loo siman yahay, Halganka kasoo qaybgal iyo Qabiil laguma doorto hawl-wadeenada ONLF!�.
Madaxtinimada aan macnaha lahayn ee ONLF laguma gaadho halgan, geesinimo, maal kaada oo aad quudho, midnimo aad ilaaliso iyo aqoontoona ee waxaa lagu gaadhaa � Qabiil iyo Qudhun!
Cadaymaheediina waa kuwanaaye qabso. Dhamaan masuuliyiinta ururka ugu sareeysa oo hal qoys kasoo wadajeeda magacyadooduna waa sidane qabso.
1.Gudoomiyaha ururka ONLF (Mohamed Omer Osman) 2.Labada G/Kuxigeen (Mohamed Ismaciil iyo Cadaani Hirmooge) 3.Xoghayaha Arimaha Dibada (A/rahman Sh. Mahdi) 4.La taliyaha Arimaha Siyaasada (Abdullahi Mukhtaar) 5.Afhayeenka (Hanad Maalin Guur) 6.Xoghayaha Arimaha Bulshada (Doolaal) 7.Baarlamaanka ONLF oo ay tiraddiisu tahay 51 xubin � 45 kamid ah ayaa hal qoys kasoo wada jeeda . 8.Wakiilka ONLF ee Maraykanka 9.Wakiilka ONLF ee Australiya 10.Wakiilada ONLF ee wadamada Yurub oo dhan 11.Maamulaha Guud ee Xafiiska ONLF ee Maraykanka 12.Wakiilka ONLF ee Canada 13.Inta kale waa ficil-diid qaaraanka soo aruuriya!
ARYAA QOYSKAAS MA�AHEE INTA KALE SAALA MIYAA!!!
Liiska magacyadan yaad ka gadi kartaan? Ma sheegin wiilasha duurka ku jira een ogeyn ama maqal inaad ka gadi laakiin cid kaa aqrisan majirto nin kasta oo Ogaden ahna caay bey ku tahay.
1.War tani ma cadaalad baa? Mise waa wax isaga dhacay si aan loogu tala galin �qadarullah?
2.Ma waxaan odhan karnaa Halganka Somalida Ogadenya hal qoys ayaa ka dhiidhiyay una dhimanaya inta kalana dan iyo muraad kama laha oo waa ducfi, danayste iyo dameero lajoogayaal???
3.Somalida Ogadenya in la xoroobo iyo in xaqooda ay helaan madoonayaan miyaa?
4.Qoyskaas oo kaliya miyaa garanaya qadiyada maqan iyo siddii lagu baadi gooboi lahaa?
5.Qoyskaas oo kaliya miyaa kadamqanaya dulinimada iyo dacdarada lagu hayo Somalida Ogadenya?
6.Somalida Ogadenya Cid aan Qoyskaas ahayn oo wax hogaamin karta majirto miyaa?
7.ONLF ma� iswaydiisay - Maxaa Somalidii kalee Ogadenya udiiday inay halganka ka qayb qaataan?
8.Rabigeen miyaa udoortay in hal qoys dadka iyo dalka hogaamiyo, una hadlo?
Haddaba qofkii su�aal waydiiya ee yiraahda warsidan xal ma�aha � ayaa waxaa lagu handadaa � waxaa tahay dib usocod, Qabiili, Halganka kasoo qaybgal, ONLF waa halgamaysaa IWM.
Micnuhu waa yaan laysheegin iyo siddee loo fahmayaa waxa aan qarbudayno!!!
Cadaalad daraddii Somali calankeedii cuntay ayay tani cidhibta ku haysaa!
Akhristow �Subeer� waa hal qoys oo kamid ah lafaha hoose ee Ogaden.
Haddaba akhristayaasha ayaan u daynaynaa xukunka iyo cadaaladnimada ay ONLF ku dhisan tahay!
Cadaymaha kor ku xusan waxay marag u yihiin in Qabiilkan ujeedadiisu aysan ahayn Xoriyad iyo Qadiyad toona, balse ay tahay oo kaliya � dibindaabyo iyo in dadka iyo dalka Ogadenya aysan waligood xoroobin, balse wahan, walaac iyo wareer lagu waaro oo kaliya in laga shaqeeyo!
Haddii arimaha kor ku xusan aysan ku filayn cadaymo iyo ceebta taala �
�Wallee Halganku Ceelkuu ku dhacay cidi masoo saarto�.
Hadalkayga waxaan kusoo gaabinayaa - Qoyskaan Xoollaha waa lawada leeyahee xishoo! Wahanka, walaaca iyo waalalowgana kadaa reerka waad wareerisaye!!!
Maygaag Qawdhan [email protected]
NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, midda Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si hadii ay macquul tahay aan idinku daabacno. |
|
|
|
|
|
 

|