|
|
DALDIHIN OO DAD UBAAHAN IYO DADKIISII OO KABAAHAN!!! Qore Shaafi
|
DAL DIHIN OO DAD UBAAHAN IYO DADKIISII OO KA BAAHAN MID DAN KEENTAY MIYAA, AMA DADKIISAAN DAD AHAYN MISE WAA DAWLAD LA,AANOO DADKA LOOMABA SHEEGIN, DALKA WAXA KABUUXIYO DUUNYADIYO UGAADHIYO DAHABKIYO SHIDAALKIYO DUR DURADA BIYA DEEGAANKA WACAN DUUR JOOGTA, IDILKEED WAXA DAAYIN KABUUXSHAY.
�Aslaamucalaykum waraxma tulaahi warakaatuhu�
Dhamaan maamulka wabishabeele.com iyo akhristayaasha sharaftaleh ee bogga W/shabeele waxaan ku salaamayaa salaanta sare kuxusan.
Salaam kadib, waxaan ubaahanahay aqoon korodhsi khayraadka Ogaadeeniya gaar ahaan dhinacyada khayraadka TAMARTA, MACDANTA, FOOXA IYO XABAGTA ,iyo DUURJOOGTA hadaba waxaan rabaa si faahfaahsan looga jawaabo oo run ah yacni aan laga badbadinin su,aalahan soosocda waxaan uga jeedaa kalimada ah si run ah
Waxaan rabnaa in aan qoro wixii suurtagal ah, waayo waxaan ku guda jiraa qorista buug ku saabsan khayraadka Ogaadeeniya oo aan rabno in aan soosaaro hadii eebe idmo sanadka cusub 2007, buugaas oo aan rajaynayno in uu wax katari doono barashada khayraadkeena oo dakeenu kahurdo iyo kubaarugista si looga faa,iidaysto.
Hadaba waxaan ka codsanaynaa aqoon yahanada cilmigeeda leh in ay gacan nagasiiyaan, waxaa kale oo aan ku soo dhawaynaynaa cidii rabta in ay ka qayb qaadato qorista buugaan. Idinka oo nagala soo xidhiidhi kara ciwaanahadan:- [email protected] [email protected].
SU,AALAHA :-
1: Goorma(xiligee) ayaa lahelay gaaska dabiiciga ah ee JEEXDIN yaase helay, shirkada heshay magaceeda iyo wadanka ay kazoo jeeday?
2: Goormaa lahelay gaaska dabiiciga ah ee Hilaala, shirkada heshay magaceed?
3: Majiraan meela kale oo lagu og yahay gaaskaan noocaan oo kale ah? Hadii uu jiro qeex meesha goorta lahelay cida heshay?
4: Mabiyada waa wayn ee wadan ka mara maloo isticmaali karaa awooda korontada dhalisa?
5: Maxaad ka ogtahay khayraadka dahabka ee ceegaaga ogaadeeniya hadii aad taqaano meelo kamid ah meelaha uu qaniga kuyahay sheeg meesha?
6: Khayraadka milixda oo la sheego in uu ceegaago meelo badan oo wadan ka kamid ah sida gobolka AFDHEER (GODCUSBO SHILAABO,MUSTAXIIL, IYO DOOLAW, maxaad noogu siyaadin kartaa maxaadse ka ogtahay taariikhda macaadin ta milixda iyo sida loo ogaaday iyo hadii aad hayso daraasaad lagu sameeyay amaba aad adigu samaysay?
7: Khayraadka dhismaha sida MARMARKA iyo NUURADA mataqaanaa meelo ku caan ah hadii ay jawaabtu tahay haa waa xagee meelahaasi? 8: Khayraadka xabagta oo kamid ah wax yaalaha uu wadanku caanka kuyahay sida xabag HADIGA xabag MALMAL xabag CADAAD iwm maxaad noogu siyaadin kartaa?
9: Sidoo kale wadanka ogaadeeniya waxa uu leeyahay khayraadka FOOXA sheeg meelaha ugu caansan dhinaca fooxa iyo waliba dhirta laga helo fooxaas ?
10: Duurjoogta wadanka hada laga helo sida noocyada ugaadha iyo noocyada kale habar dugaag iwm sheeg kuwa hada lagahelo?
11: Duurjoogtii hore ee wadanka joogi jirtay ee hada ka dabar go,day ama ka carartay sababo owgood maxaa ka mid ahaa?
12: Ugaadha magaceeda layidhaahdo DABATAAG ma waxaa laga helaa ogaadeeniya kaliya mise waxaa jira meelo kale oo laga helo sida Soomaaliya ?
13: Dhamaan khayraadkaa aan kor ku soo sheegnay ma, ogtahay wax ku tacadi ah ama dhibaato oo loo gaystay sida dawladihii soo xukumijiray wadanka amaba dadka shacab ka ahi ay u gaysteen khayraadka wadanka ?
Intaa kadib waxaan soo dhawaynaynaa fakir kasta oo khuseeya khayraadka wadanka iyo hadii aad haysaan macluumaad dheeraad ah oo aanaan sheegin iyo cid kasta oo rabta in ay ka qayb qaadato qorista boogaan indinka oo laga la soo xidhiidhi doona ciwaanada aan kor ku soo xusnay waxaan rajaynaynaa In aad si fiican uga qayb qaadan doontaan
�WABILAAHI TAWFIIQ�
Qore Shaafi Adam Cimaan E-mail: [email protected] ama [email protected]
|
|
|
|
|
|
 

|