GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
ONLF WAA KOOX AAN LAHAYN XISAABTAN IYO XEER CELIYA. Qore LibaanJawxo
Websiteyada xorta ah ee wax kaqora dhulka Ogaadeeniya waxaan idinka codsanaynaa inaad qoraalkan noosoo daabacdaan idinkoo mahadsan.

Anagoo ah xubno u dhashay gobolka Ogaden oo ku kala nool saddex wadan oo Geeska Africa oo kala ah Soomaaliya, Kenya iyo Suudaan. Waxaan mudo badan kawada doodeenay dhacdooyinkii siyaasadeed ee la soo maray ilaa aasaaskii ururka ONLF ilaa maanta inta aan ka ognahay xaalada siyaasadeed ee gobolka. Waxaa ummada soo maray fursado siyaasadeed oo qaali ah qaar isku sheegaaya masuuleen duudsiyeen oon laga wada hadlin ilaa maanta. Waxaa maanta lagu jiraa siyaasad aan baalaal lahayn oo ah bulsho iyo urur aan isku xirneen! Waa ciidan aan lahayn fariisin siyaasadeed! Waa Madax xeer celiya lahayn!

Waxaa yaab noqotay baryahan danbe xubinkii ka hadla siyaasad wax kaduwan waxa ay qabaan raga hogaanka ururka haya in magacyo loo bixin laguna tilmaami in uu cadawka u shaqeeyo. Waxaa kaloo ururka ku soo kordhay arimo aan horay u dhicin oy ka mid yihiin dad guryahooda iska jooga oo hawl ku lahayn ururka in ay wax walba oo sir u ah ururka la socdaan oo ka xog ogaalsanyihiin kuwo leh madax baan nahay. Dadkaas waxay leeyihiin xeriiriye (network). Laguma dhaqmo habkii urur lahaa.

Anaga joogna Geeska Africa waxaan is lahayn waxaa loo baxsan jaaliyadaha kunool Urob iyo Waqooyi Ameerika oo haysta nabad galyo iyo nolol oo fahmay xuquuqda iyo xaqa uu qofka u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa iyo aragtidiisa sida laquman oo uu qofna ku daba socon siyaasad khaldan oo masiirkiisa ummadnimo ku saabsan. Waxaan kaloo kafilaynay in ay noqdaan horseed layimaada xisaabtan iyo dood siyaasadeed oo wax ku ol u ah Ummada. Laakiin ilaa hada noma muuq falakaas laga filaayay bal e cakis kiis ayaa muuqda.

Waxaa iswaydiin mudan, Away bulshadii guud ee mudneed talo iyo wax waydiin? Away jaaliyadihii dhisnaa ee mudnaa talo iyo garab? Away siyaasad caalami ah oo garab u ah ururka? Away Dhaqaali midaysan oo ururka? Away Warbaahin siyaasadeed oo Caalami oo Ururka? Away siyaasad qorsho leh oo Mustaqbaleed?

Hadaba anaga waad nadhaatiin oo nolosha iyo nabada aad haysataan ma haysano hadana ma nihin kuwo ka maran danta siyaasadeed ee ummada intii tabartaayada ah xiriirkaayaga ma joogsado iyo saadaasha siyaasada sidee bay noqon. idinka waxaan idinka fileeynay in aad horseed u nonoqotaan ummada oon idinku dayano siyaasadii khaldana diidaan. Wax aan loo dhameen masiirka ummada koox yare meeshey doonto ula kicin.

Geeska Africa siyaasado xusub baa ka socda qoon qorshohoodii siyaasaded diyaarsady baan garab u nahay oo qaarkayo maqsuud ku yihiin waana wax mar kasta dhici jiray. Laakiin manta maya ayaan leenahay kii watana waa ku kaligiis. Dantaayadaa kawayn dabasocod diinay.

Hadaan soo qaadano dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu waa wayn ee dhacay mudooyinkan danbe ee u baahan ka doodis iyo wax ka qabad waa sidan:

1. Waan waantii nabadeed ee Odayaasha gobolka wadeen.
2. La midowga ururka ONLF Amxaarada iyo Oromada.
3. Arimaha Soomaaliya iyo dhac galka ONLF.

Gormaa u danbaysay shirwaynihii ururka ONLF oo laqabto, wadashi guud iyo go�aan qaadasho dhexe?
September1998dii.Waa markii laqabtay shirkii ugu danbeeyay oy ku soo baxeen guddiga Moxamed Omar madaxda kayahay. Hadaan xeerka ururka ONLF kasoo qaadanoo Qodobo sida:
Qodabka 14aad: Shirwaynaha, Xilkiisa iyo Awoodiisa:
waa hayadda ugu sareeysa ee Jabhadda, waxaana la qabtaa Afertii sano hal mar.

Qodobka 15aad: Xilka iyo Awooda Shirwaynaha:

� Waxaa kasoo qayb gala G-dhexe, Gobolada, Degmooyinka, Unugyadda Jabhadda.
� Wuxuu dhagaystaa kana doodaa warbixinta hayadaha iyo guddiyada Jabhadda.
� Waxaa lagu dajiyaa Istraatiijiyadda Siyaasadeed, Dhaqaali, Bulsho iyo Ciidan.
� Waxaa lagu dortaa Guddoomiye iyo Golaha dhexe ee Jabhadda.
� Waxaa lagu qiimeeyaa wax qabadkii xiligii u dhaxeeyay labada shirwayne.

Qodabka 17aad: Golaha Dhexe:

� Waa hayadda hogaamineed ee ugu saraysa Jabhadda inta u dhaxeeysa labada shirwayne.

� Tiradda Xubnaha Guddiga Dhexe waa 45 Xubnood iyo Toban kayd ah.

Sidaas markaan u soo qeexnay shirwaynaha iyo ku dhaqankiisa Xeerka ururka. Waxaa soo baxaaya in aan marna lagu dhaqmin xeerka. Guddiga Maxamed Omar madaxda ka yahay hawsha wuxuu qabtay September 1998dii, afertii sano waxay ugu ekayd June, 2002dii. Mudadaas markay u dhamaatay guddigan halkii laga sugaayay in shirwayne loo dhanyahay laqabto Maxamed Omar waxuu isugu yeedhay shir lagu qabtay dalka Germalka oo ay kasoo qeeb galeen 17 xubnood kaas oo dhacay intii u dhaxysay 1-15 June, 2002dii. Shirkaas oo ku dhacay sharci daro kuna gordhisteen mudadii 2 sano oo horle. Waxaa markaas la kala diray guddigii dhexe ee Jabhadda oo ka koobnaa 45 xubnood oo shirkaas ay ka joogeen 17 xubnood kaliya. Awoodii gudiga dhexe waxaa maroorsaday Guddomiyaha ururka.

Bishii December, 2003dii. Maxamed Omar wuxuu shir isugu yeedhay qaar katirsanaa guddiga fullenta, sidii golihii dhexe oo kale ayaa iyana laga qaaday awoodii guddi fulineed. Waxaa awoodii ururnimo dhamaan la wareegay Maxamed Omar oo ahaa guddomiyaha ururka.

Shirkii u danbeeyay ee kooxdan isugu tagto wuxuu ahaa kay isugu tageen Eritrea 2004tii. Shirkan waxaa kasoo baxay labo arimmood oo kaliya:
1. In laga saaro guddiga dhexe qeebihii ku haray ee la shaqeen jiray Sh. Ibraahim oo uu kamid ahaa Axmed Nuur (Sanwado iyo rag kale). Aragti siyaasad waa lagu kala duwanan karaa macnaheedu ma aha in uu noqdo waan kaa fokeen Ururka. Taas oo ruug cadaa siyaasi ah oo badan manta ururka debada gajoogaan markay arkeen hawlihiisa sida wax u socdaan, haday sidaa ku socoto waa furfurid ururka loo qasday.

2. In ay magacaawdeen xubno cusub oo badla kuwii laga saaray. Sida dhcday waxay magacaawdeen rag ay isleeyihiin way idiin dhaga nugulyihiin.

Armihii badnaa ee laga sugaayay shirka ay kamid ahaayeen in lagu dhawaaqo shirweeynihii guud ee ururka iyo in meel laisla dhigo khilaafka gudaha ururka oo sii kordhaaya wax laga qabtay ma leh.

Waxaa badalay nadamkii wada shaqeenta iyo go�aan qaadashada ururnimo. Wax lagu magacaabay �WAREEGTO� LO YAQAANO KU: SOCOTo. noqotay sharci la isticmaalo oo badalay Dastuurkii iyo Xeer hoosaadkii ururka.
�Wareegtadu� waxay noqotay sharci fardi go�aan qaadasho oo wax ka hadli kara uusan jirin. Awaamirta ku qoran fulin mooyee ka hadakl maleh. Markay muddo socotay arintan ururka dhaxdiisa noqotayna xukun fardi in loo hogaansamo maamulkii oo dhana hoos kalo fardi, hawshiina cakirantay wax kala socdana la waayay iyo wada tashi laga bilaabo unug ilaa guddi dhexe. Markii loo adkaysan waayay nadaamkan cusub waxaa soo ifafaalo baxay in dibada laga ogaado Wareegto wax lagu magacaabay in ururka dhaxdiisa laisu isticmaalo. Taas oo markii u horeeysay lagu ogaaday shirkii jaaliyadaha ee u danbeeyay oo lagu qabatay Stckholm Sweeden Bishii August 2003dii.

Shirkaas waxaa hawl isku qabsaday Cadaani oo ahaa xoghayaha warbaahinta iyo Cabdi Wali oo ahaa wakiilka Jabahada Sweeden oo qaban qaabshay shirkaas. Waxaa soo baxday wareegto uu soo qoray guddomiyaha ururka Maxamed Omar oo u kala socotay Cadaani iyo Cabdi Wali. Soo dhaxgalkan aan cuskaneen xer hoosaadka ururka wuxuu keenay iska horimaad aan laisu hogaansameen. Arintii wareegtadana soo shaacbaxday oo xubin walba ogaado in xeerkii Jabhada iyo xeer hoosaadkii meel la iska dhigay. Wareegtada noqotay xeer lagu maamulo jabhada oo siineeysa awood uu ku fuliyo sida uu rabo gudoomiyaha ururka jwxo.

Guddoomiyaha ururka Maxamed Omar wuu ka maqanyahay muddo ku dhow labo sano gurigiisa London. Kolba meel baa lagu sheegaa geeska Africa. Xaalada siyaasadeed ee ururka sida muuqata ee dhabta ah inta la yaqaano ee iska horjeeda ururka dhaxdeesa waa seeded xubnood oo isku tilmaanta in ay kadirsanyihiin guddiga fulinta ama guddiga dhexe waxay u qeebsanyihiin sedan:

Koxda Maxamed Omar kuxiran oo kala ah, Maxamed Ismaaciil oo dagan Australia, Cabdulqaadir Hirmoogi (cadaani), o dagan Dnmark iyo C/llahi Mukhtaar oo dagan Dnmark.

Koxdda Kale oo ah Maxamed Siraad Doolaal oo dagan London, C/raxmaan Maadeey oo dagan London, Salaaxdiin C/raxmaan Macow oo dagan Germalka iyo Diirane Yaasiin oo dagan London.

Koxda Maxamed Omar madaxda ka yahay waxaa lagu eedeenaayaa in ay ka talaabsadeen xeerarkii ururka lahaa iyo wqada tashigii dhexe kana dhegeen ururkii urur kooxeed oo ku shaqeeya wareegto wax la yedhaah oon lahayn xisaabtan.

Koxdan waxaa lagu eeedeeyaa in ay yihiin hawl gab fadhi kudirir habeenkiina fadhiya maalintiina hurda. Waxaa lagu eedeeyaa in ay ururka nin walba kaxigaan. Waxaa lagu eedeenayaa marxaladan uu maraayo halganka oo u baahan mintidnimo, xilkasnimo iyo daacadnimo dheeri ah in ay hol gab kayihiin hawlahan.

Wararka ilaa muddo marwalba soo ifafaala baxaayay ee hoos hoos xog ogaalnimo u dhaw hogaanka laga soo warinaayey oo laisla dhaxmaraayo Muqdisho iyo Nairobi unugyada jooga waxaa la leeyahay kooxda fadhida London iyo kan jooga Germalka mar hore ayaa laga tashaday
badal koodiina wuu hawl galay afarta xoobnood ee magacyadooda kor ku sheegnay.

Sida la leeyahay waxaa lagu badalay xubnahan:

Maxamed Macalin oo dagan Canada, Yuusuf Cadami oo dagan Ingiriiska, Mukhtaar Sh. Cabdi (Dakhare) oo dagan Ingiriiska iyo Cabdi Aaden dhagoole oo dagan Canada.

Ururka masuuliyiintiisii sidaas u kala hoos guurayaan, siyaasadiisina aysan lahayn tub toosan oo la raaco, taladiisu waa mid ceel kadhucday �ONLF waxaa la wareegay koox aan xisaabtan lahayn xeer celiyana uusan jirin.�

Illaahayow midnimada iyo dantaba nawada garansii.

Wabillaahi Tawfiiq

Qore Libaan Jawxo
[email protected]

NB: Qoraalkan waxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga ee looma fasarin karo, midda Godeynews.com. Laakiin waxaan idinka dhiiri galinaynaa inaad qoraalaadiina noosoo dirtaan si hadii ay macquul tahay aan idinku daabacno.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com