|
|
Godey: "Macalimiinta Macahadka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Godey waa heer jamacadeed +." College Dean Yuusuf Macalim Muxumed
|
Sidii an horeyba idinku balan qadnay waxaan halkan idinkusoo gudbinaynaa weraysigii Godeynews ay la yeelatay Mareeyaha Macahadka Beeraha Godey Mudane Yuusuf Macalim Muxumed oo xiligaas kusugnaa xafiiskiisa Magaalada Godey.
Macahdaka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Godey ayaa ah midka kaliya ee noociisa ah oo kuyaalla Ismaamulka Soomaalida, isagoo markii ugu horeeysay lafuray sanadkii 2003 ayay ardeyduna daruusta kusii qaadan jireen dhismayaal kusii meel gaar ah inta laga dhamaystirayay guryo cusub oo dhismo kusocday. Dhisitaankii dhismaayashii cusubanaa ayaa si habsimi leh loo dhamaystiray bilowgii sanadkan iyadoo xafladii furitaankooda ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin heer federaal iyo mid deegaanedba.
Hirgelinta Macahadka beeraha ee Godey ayaa waxaa qaybta ugu weyn lahaa m/weynihii hore ee Kililka Ambassador Abdirashiid Duulane oo xiligii uu kililka madaxda ka ahaa suurta geliyay hirgelinta macahadka, isagoo amar ku bixiyay in si degdeg ah loo dhiso guryaha kusii meel gaarka ahaa ay ardaydu kusii dhigan jireen casharada.
Hadaba sidaan horeyba idinku balan qaadnay waxan halkan idinku soo gudbinaynaa wareysigii Godeynews la yeelatay Mareeyaha Macahadka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Yuusuf Macalim Muxumed oo khadka telefoonka aan su,aalahan ku weydiinay isagoo kusugan magaalada Godey.
Godeynews: Mr, Yuusuf marka hore akhristayaashanada Ma usoo koobi karta guud ahaan tayada waxbarashada ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia
College Dean: Marka hore waad mahad santihiin. Midda xigta waxbarashada deegaanka soomaalida aad ayay u liidataa marka aad u fiiriso qeybaha kale ee wadanka waxaan u noqonaynaa meel aan waxba kajirin. Taasoo inta badan ugu wacan tahay tayada macalimiinta oo liidata iyo dadka deeganka oo aan wali si fiican u fahan sanayn qiimaha waxbarashadu uleedahay ubadkooda.
Hase yeeshee manta rajadu maxuma oo hadaan dib u fiirino sanaddadii tagay ayaad waxaad dareemaysaa inay shacabka deegaanka soomaalidu ay maalinba maalinta ka danbaysa wacyigoodu soo korayo oo shacabku hadda diyaar uyihiin inay caruurtoodu meelo fog-fog waxbarsho u raadsadaan, kana faa!ideystaan xarumaha waxbarashada deegaanka.
GN: Ardeyda machadka beeraha Godey tiridoodu guud ma noo sheegi kartaa?
College Dean: Tirada ardayda sanad dugsiyeedii dhamaday wax kabaranaysay macahadka waxay ahayd 500 ardey. Sanadkii ka horeeyayna waxay tiradu ahayd 300 ardey, meesha markii ugu horeeyaysay aan macahadka kubilawnay arday gaaraysa180 ardey.
GN: Sida jawaabtaada kamuuqata tiradu ardeyda wax kabarata macahadka way sii kordhaysaa sanadba-sanadka kasii danbeeya miyaa?
College Dean: Haa waa runtaa oo tiradii aan kufurnay macahadka laba-laabkeed ayaan hadda maraynaa, sanad dugsiyeedka soo socdana waxaa noo qorshaysan inaan gaarsiino 700 ardey, walina magaarayno tirada rasmiga ah ee loogu tala galay inay macahdaka wax kubarato.
GN: Waa sidee tayada macalimiinta wax kabara macahadka?
College Dean: Macalimiinta wax kabara macahadka dhamaantood waxay markay ugu yar yihiin wataan shahaado heer jamacadeed ah amaba mid kasii sareeysa. Waxayna u badan yihiin macalimiin aan kasoo shaqaaleynay Kililada tayada waxbarashadoodu naga sarayso.
GN: Mudane Yuusuf waxaad noo sheegtay in tayada waxbarashada deegaanka soomaalidu ay aad u liidato, taas macnaheedu miyaa in ardayda macahadka kujirta aysan ka imaanin ismaamulka soomaalida oo ay kayimaadeen kililkada kale ee Ethiopia?
College Dean: Maya ardeyda badankeedu waxay ka yimaadeen dhamaan goballada ismaamulka soomaalida, balse tirada ardayda ugu badan waxay kayimaadan gobalka Dhagaxbur, waxaana soo raaca Jijjiga iyo Godey.
GN: Maxaad u malayni inay sababtay Gobalka Dhagaxbuur inuu dhinaca waxbarashada kaga horeeyo goballlada kale ee deegaanka?
College Dean: Horta uma maleynayo inay goballada deegaanku wax badan kala horeeyaan, balse inta badan ardeyda wax kusoo barata gobalka Dhagaxbuur waxay usii gudbaan Jamacadaha wadanka iyo Macahadyada shahaadooyinka Diplomaga lagu bixiyo. Tusaalle ahaan Gobalka Godey sanad dugsiyeedkii tagay waxaa imtixaanka 10aad u fariistay ardey gaaraysa 3600. Waxaana buundooyin fiican ku baasay 50 ardey oo kaliya. Hadii aan tiro siman isticmaalno Jijjiga waxa baasi lahaa 70 ardey, meesha Dhagaxburna 80 ardey bundooyin fiican heli lahayeen.
GN: Gobalkee kasoo jeedaan ayaad is dhihi lahayd ardeyda uga badan ee wax kabarata Macahadka Beeraha iyo Xananada Xoolaha ee Godey?
College Dean: Ardeyda ugu badan ee Macahadka wax kabarata waxay kasoo jeedaan Goballada Dhagaxbuur, Jijjiga iyo Godey waxayna ugu kala badan yihiin ayaa ladhihi karaa siday qoraalka ugu soo kala horeeyaan. Run ahaantii magaalada Godey ayaa nasiib u heshay waxyaaboyin fara badan oo aan laga helaynin goballada kale sida macahadkan beeraha balse tirada ardayda usoo gudbi karta macahadkan way ka hooseysaa kuwa dhigooda ah ee kasoo gudba Dhgaxbuur iyo Jijjiga.
GN: Sanadkan imisa ardey ayaa ka qalin jabisay macahadka?
College Dean: Waxaa sanad dugsiyeedkii dhamaday ka qalin jabisay Macahadka 170 ardey oo wax kabaranayay kuliyaddaha kala ah; ( Animal Science, Natural Science and Plant Science) kuwaasoo qatay 2 sano oo waxbarasho ah iyo 1 sano oo practic ah oo ay kusameeyen xarun weyn oo dhamaystiran macahadkuna ka furtay webiga agtiisa. Xafladii qalin jabinta ardeydaas 170 ahna waxay dhacday 29 July 2006, taasooy kasoo qeyb galeen madax heer federal ah oo kasocday wasaardda waxbarashada, kuwo heer kilil ah iyo dadweyne fara badan oo magaalada kayimid indhahoodana ku arkay wiilashoodii iyo gabdhahoodii oo shahaadooyin lagudoonsiinayo.
GN: Maxaa kajira in Macahadka hadda waxii ka danbeeya shahaadooyin heer jamaacadeed laga bixin doono?
College Dean: Arintaas waa run oo waxaan hadda kuhawlan ahay sidii aan ugu gudbi lahayn heer jamacadeed, laakiin waxaan si buuxda ugu gudbi doonaa 3 sano ee soo socta gudaheeda markay qalin jabiyan ardeyda sanad dugsiyeedkan macahdaka waxbarshadooda ka bilabaysa. Sababta isbedalk keentayna waxaa laga gudbay baahidii degdega ahayd ee loo qabay shahaadooyinka heer Diplomaga ah.
GN: Su,aasha ugu danbaysa, maxaad ujeedin lahayd aqoon yahanada u dhashay deegaanka uu kudhaqan wadamada qurbaha? Maxaadse is dhihi lahayd waxbarshada deegaanka way kaqaban karaan?
College Dean: Waxaan marka hore jeclaan lahaa inay dadku aqoonyahanada ee deeganka u dhashay ay wada dareemaan amase ay lasocdaan xaaladaha waxbarasho xumo ee deegaanka kajirta. Isla markaana aysan banaanka ka fiirsanin ee ay qaybtooda ka qaatan, naguna cawiyaan hawshan ballaaran ee kor loogu qaadayo tayada Waxbarashada Deegaanka Soomaalida. Waxadna wada ogtihiin in maanta aqoonyahano soomaali ah oo idinka qurbaha idinla jooga dhulkoodii Jamacado iyo Isbitaallo kahirgeliyeen, isla markaasna ay soo kiraysteen macalimiinta wax kabara jamaacadahaas oo ay mushaarahadoodu bixiyaan isla jaliyadahooda dibadaha idinkula nool.
Intii aan macahadkan beeraha madaxda ka ahaa waligey maanta kahor ma arag qof dibadda jooga oo wax iga weydiiya waxbarashada Macahadka, taasoo runtii ah wax laga naxo oo aan kasuurta geli Karin Ummadaha kale ee Ethiopia amaba kuwa Soomaalida ee dariska nala ah.
Horey Soomali u tiri �Nin hurda siciiisa dibi dhal� ee ninkastoo waxaad ogaataa in maanta meel kastaba ay Soomaalidu ku tartamayso waxbarashada, ee bal dib u fiiriyoo dadkeenu tartartankaas waxbarasho xageed u maleyn inay ka galayaan.
GN: Mareeya aad ayaan kuugu mahad naqanaynaa sida hufan ee aad uga jawaabtay su,aalahanaagii.
College Dean: Godeynews idinkaa mudan waxaadna ogaatan inaad tihiin dadkii ugu horeeyay ee ku dhaqan wadamada qurbaha ee daneeyay inay wax ka ogaadaan Macahadka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Godey. Jiritaanka Macahadkana waa midaan runtii kuwada faani karno meel kastoon joognaba.
Waxaa waraysigan Godeynews usoo qaaday:
Maxamed Yare, Godeynews Staff [email protected] |
|
|
|
|
|
 

|