GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Ha Saxiixin Ku Dili Doontana Ma Ogide. Qore Kaahin
Saxiibayaal uma abtirinkaro Siyaasada guracan ee Dawalda Maleze horseedka ka yahay u kula dhaqmo geeska Africa gaar ahaan, dhulka iyo shucuubta Somaalida reer Ogadeeniya.

Sida aan la wada socono shucuubtaas oo Somaray gumeeysi aad u qota dheere oo lahaa maamulo kala gedisan iyo mabaadii iska soo horjeeda, waxay ka sinaayeen hal mabda kaas oo ah Sidii loo cedhibtiri lahaa shucuubta SOMAALIDA RERE OGAADEENIYA.

Hadaba TAN uu maanta Hogaamiyo Malez ayaa ah mid ugu Naxariista darayd XUKUMADIHII Dhiigyacabka ahaa ee ITOOBIYA.

Waxaan La Socona Marka laga REEBO Xukuumadii Mingiste in DHALIISHA & ISDHIGASHADU AY ka timid Dawaynaha reer Ogaadeeniya oo ka wahasaday in ay dalkooda ka difacaadaan aboorkaas dad iyo dhul ma reebka ah.Sida aan lasocono waxaan gogol u fidinay midkii Boqortooyadii, Taas oo uu halkudhgeenu ahaa Ushaada Nimaad ka Qaadan Karto ayaa loo
dhiibtaa! Waxaa ku xigay kan U Malez Madaxada ka yahay oo inagu hosaasiyey;

Riwaaydii ha iga dididin dadaka intaan daw kadaadin.

Maleze oo laba elji oo ciidan ah dalkeenoo dhan ku wada maray ayaa dadwaynaha reer Ogaadeniya ku Soo dhawayeen sacab iyo ubaxayo qoyan.

Saxiibyaala halkan kagama sheekayn karo dhiibaatooyinka uu inoogu abaalguday Malez Mudadii u dhaxaysay 1991-ilaa eega oo ah 2006. WAA MARKII ugu horeeysay taariikhda reer Ogaadeeniya oo qof nool oo la jidh dilay hadan la rarato.Waa markii ugu horeeysay ee intii halyeeydeenii; musheekhdeenii; indheergaradkeenii intii la inagu horlaayo hadana layidhahado aasa-n maysaan.

Waa markii ugu horeeysay ee Gabdheheenii BOQOLAHA AHAA intii guryahooda lagala baxo oo shan shan laisugu xidh idho oo la faraxumeeyo intii Silig lagu marjiyo lagu tuuro boholaha reer OGAADEENIYA.

Malze oo tustuur qorux badan oo uu ka soomaan guursaday DAWALDA Kanada ku sira shucuubaha kala duwan ee reer ITOOBIYA BALSE AAN KAGA DHAQAMIN BOQOKLIIBA HAL; waxaa uu hal hays ka dhigtay isga oo ku wacayi galinaya inmadeeradiisa dhabanada labada alif ku leh, ha Saxiixina waraqd aad qof ku dilaysaan ama aad shcuub ku baabinaysaan ama mid laidinku eedeeyey aad ku baabinaysaan ; dib idinku soonoqon
doontaane ma ogidine.

Dhawaan waxaa shuucuubta aduunka uu malze u sheegay in Cidamada Tirada badan ee uu ku Xasuuqayo dalka OGADEENIYA isga oo waraysi SIINAYA wakaalda BBCda u sheegay; inay ruquso ay u siiyen Oday dhaqameedyada reer Ogadeeniya; Taas oo uu kaga been abuuran hayey Gurtida reer OGAADENIYA OO AAN DHAQAN IYO CAADO MIDAAS U LAHAYN.

Hadaba kadib markii guurtida reer Ogaadeeniya ay ka mujiyeen ka xumaansho arinkaas lagaga been aburtay ayuu MALSE WARQAD AAN Saxiixnayn soo dhigay Safaarada uu kuleeyahay Wadanka INGIRIISKA. Kuma dhaco in uu SAFIIRKAASI Saxiixo WARQADAAS. Waana mid looga baratay XUKUMADA Malez madaxada ka yahay.

Hadaba Waxaan halkan Talo Nariis lah uga Soo jeedin lahaa dhamaan Wabsityada ka soo warama guud ahaan geeska gaar ahaan Somaalida Ogadeeniya in ay iska iloobaan Dacayda riqiiska ah ee beenta looga dhigay axadi in ay u fidiyaan dawaldaas Naxariis darada ah ee aysan qamuuqan Anshax binaadam.

Waxaan Soo jeedin lahaa inay websiteyadaasi ku Soo biiraan xoogaga horusocodka ah ee kashaqeeya danta Ummada Somaalida OGAADEENIYA.


Qore: KAAHIN DHEERE
E-mail:[email protected]>









�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com