GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Maamulka Jigjiga: Nacab Cadawgu Naasnuujiyo. Qore Ismaaciil C/raxmaan Xasan (Wardheernews.com)
�Waxyaabaha naxdinta leh ee aanu caqliga fayoobi marna ku fakari karin waxaa ka mid ah marka mas�uulkii xilkiisu ahaa sugidda nabad gelyada shacabka shaqada looga eryo eedayno ah inuu ka dambeeyay xaaladda nabadgalyo xumadaah ee ka jirta Deegaanka�

Nin xil qaaday eed qaad waa murti Soomaaliyeed oo macno weyn ku fadhida. Waa murti mas�uul kasta faraysa daacadnimo ugu adeegga guud ahaanba shacabka uu xilka u qaadday. Waa murti sidoo kale ku dhiiri gelinaysa mas�uuliyiinta dhawrsanaan maadaama ay bulshadu si feejigan indhaha ugu hayso.

Haddaba maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ah midka ugu liita maamulada ka jira deegaanada dalka Itoobiya ayaa tan iyo intii laga yagleelay aan lahayn cadaw uga daran mas�uuliyiinta talada Meles ugu dhiibay, hase yeeshee sheegta in shacabku soo doortay.

Waa maamul ku sifoobay fadhiidnimo oo dayacay xilkii uu u hayay bulshada. Waxa hawsha keliya ee uu maanta qabto lagu tilmaami karaa in ay tahay u adeegidda danaha qawmiyadaha kale iyagoo dhaafsanaya dhaqaale yar iyo ballan qaadyo ah in kursiga lagu sii hayn doono. Waa maamul isu cadaw ah oo ninba ninka kale iska fiirnayo si aanu uga dheerayn tartanka ay ugu jiraan raalli gelinta qolyaha ay u adeegaan ee xukunka u dhiibtay. Waa maamul goob kasta iyo gole kasta oo ay isugu yimaadaan sida shirarka xisbiga ama baarlamaanka waxa keliya ee laga wada hadlaa uu yahay fulinta shirqoollo ay iskaga takhalusayaan shakhsiyaadka tartanku ka dhexeeyo. Waxa ay hadba guushu raacdaa kooxdii uu Meles dhabarka ka taabto.

Shirqooladani waxaa sidoo kale maamulka lagaga sifeeyaa ma�uul kasta oo ay ka muuqato damiir iyo in uu ka damqanayo dhibaatada shacabka haysata iyo dulmiga isbiirsaday ee dhinacyada kala duwan kaga soo burqanaya.

Qofkii xil laga qaadaa waxa keliya ee uu fishaa waa xabsi. Xabsi aan maxkamad iyo sharci toona ku salaysnayn oo intii la doono lagugu hayn karo. Kaaga darane kii shalay xilka laga qaaday ee dambiyada culus lagu soo eedeeyay ayaad arkaysaa sannado yar ka dib isagii oo xilkii laga qaaday mid ka weyn lagu xaal mariyay. Taasi waxay dhacdaa inta badan marka loolanka kooxaha ay dhanka jaalayaashii libintu u janjeedhsato.

Waxyaabaha naxdinta leh aa aanu caqliga fayoobi ku fakari karin waxaa ka mid ah marka mas�uulkii shaqadiisu ahayd sugidda ammaanka xilka laga qaado iyadoo lagu eedaynayo in uu ka dambeeyo dagaalada iyo nabadgelyo xumada ka jirta deegaanka Soomaalida Itoobiya. Eedayntaasi dhab ama been abuur midkay doontaba ha ahaatee waa mid inoo muujinaysa dabeecadaha iyo siyaasadaha gurracan ee maamulka Jigjiga uu adeegsado.

Ayaan darrada kale waxay tahay kii la eryay mid ka damiir iyo dadnimo liita ayaa meesha la soo fadhiisiyaa. Waxaa marag ma doonto ah in haddii dambi iyo maamul xumo uu mas�uul sameeyay xilka la isaga qaadayo in maaulkaas aanu qofna ka hadheen.

Waxaa la gaadhay heer xabbadda ka dhacda deegaanka Soomaalida Itoobiya deminteeda looga soo gurmado Hargeysa iyo Burco. Taasi miyaanay marag u ahayn in maamul shacabka dan ka lihi aanu meesha ka jirin? Waxaan iyana maalin walba maqalnaa dad aan waxba galabsan oo maato dumar iyo caruur ku jiraan oo ciidamada dawladda Itoobiya ku xasuuqaan dhulkooga hooyo, laakiin aanay laba Cali isweydiin..

Musuqa, maamul xumada iyo boobka cad ee loo geysanayo hantida yar ee dawladda dhexe u soo qoondayso adeegyada bulshadu waa mid aan cidna ka qarsoonayn. Waxa geyigaas lagaga dhaqmaa baynu odhan karnaa argtida ah nin xil qaaday lacag qaaday oo dhereg.

Mas�uul ku sheegga xilka loo dhiibo waxa ugu horreeya ee uu ka fakaraa waa dantiisa gaarka ah iyo raalli gelinta iyo fulinta awaamiirta cidda xilka u dhiibatay. Markaas ayuu noqdaa dubbe shacabka lagu garaaco, halkii uu danaha shacabka ka shaqayn lahaa.

Mas�uuliyiin ku sheegyadaasi shacabka waxay ula mid yihiin iyagoo aan jirin. Marka keliya ee ay jiritaanka shacabka soo xasuuustaanna waa xilliyada la qabanayo doorashooyin ku sheegga ay sii cadddaadinta shacabka ku xalaalaystaan. Maalintaas ayay raadiyaan dad durbaanada u tuma oo ay mar kale ku danaystaan.

Dulmanaha aamusan, maatida dayacan iyo guud ahaanba shacabka dullaysani waxay u arkaan doorashooyinkaas naruuro. Waxay isu qaataan in ay iyagu yihiin kuwa awoodda iska leh. Markaas ayay u qalab qaataan oo ay isku dayaan in ay isbedel keenaan. Hase yeeshee niyad samidaas iyo dadaalkaasi wuxuu noqdaa hal bacaad lagu lisay. Codkooda waxaa caabiya awoodda dhabta ah ee talada dalku gacanta ugu jirto. Markaasaa damiir laawayaal Dirir, Lugbuur, Cabdi Jibriil iyo kuwo aan dhaamin loo soo caleemo saaraa.

Waa dadka noocaas ah kuwa ku naaloonaya awoodda Deegaanka Soomalida Itoobiya. Waa kuwaas dadka maanta marba mashruuc Oromo iyo Meles u soo dhiibeen la hor imanaya shacabka. Waa kuwaas dadka maalinba qayb dhulkii Soomaaliyeed ku bedelanaya waxoogaa dhaqaale ah. Dir Dhabe iyo dhulkii kale ee ay hore Oromada uga gedeen ayaa maantana waxay rabaan inay u sharciyeeyaan.

Maxaa maanta keennay in laga hadlo in Oramadu Jigjiga xafiis ka furato. Taasi micnaheedu miyaanu ahayn in Jigjiga lafteeda seeftu saaran tahay. Marka maanta la ogolaado in xafiis Oromo laga furo berrina waxaa xigi doonta in lagu tilmaamo magaalo lagu muransanyahay oo dawladda dhexe toos u hoos iman doonta.

Dhul ballaadhsiga iyo damaca Oromadu ma ahan mid xad leh. Siyaasad kasta oo damacoodaas u suurta gelinaysana shaki kuma jiro in ay ku dhaqaaqayaan.

Haddaba ayaandaradu waxay tahay marka mas�uuliyiintii la rabay in ay ka hortagaan damacaas aan xadka lahayn ay iyagu noqdaan qalab loo adeegsado fulinta siyaasadahaas dhul ballaadhsiga ku dhisan.

Waa arrin la yaab leh in taliska Jigjiga uu fahmi waayo khatarta ay maanta oday dhaqameedyadii miyigu fahmeen. Odayaddaas ayay maanta rajada shacabku ku xidhan tahay baan odhan karnaa. Waa guurtidaas kuwa keliya ee haysta kalsoonidda shacabka.ee aan dhihi karo shacabku wuu ku daba safan yahay.

Isku duubni iyo wadajir lagu wajaho xaaladdan halista ah ee Geyigu ku sugan yahay ayaa maanta loo baahan yahay. Shacabku waa in ay u guntadaan sidii ay xuquuqdooda u soo dhacsan lahaayeen.

Halganka iyo dadaalka ay guurtidu waddo oo la taageero ayuun baa lagaga gudbi karaa dhibaatooyinka shacabka ku habsaday ee Lugbuur, Dirir & ONLf tu ka mas�uulka yihiin.

Qore: Ismail A. Hassan (khaliil)
E-Mail:[email protected]

Xigasho Xushmad leh: Wardheernews.com

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com