|
|
Absame Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna. Qore Yusuf
|
Mahad eebaa leh, kadibna warbaahinta inoo suuragalisay inaynu afkaarta is waydaarsano had iyo jeerna wax kaqora arimaha deegeenka iyo dadkeena kala daadsan.
Hardankii iyo loolankii mudada 16ka sano ah ka socday Somaliya Absame haba yaraatee kuma yeelan wax miisaan ah. Waxaa cadaatay inaan qabaa�ilka Somalidu kala xoog badnayn dhicina karin in qolo deegaankay lahayd si joogta looga haysto, waxa iyadu kareeban beesha Absame oo deegaankay u dhalatay isu daba maraan calooshooda ushaqaystayaal kasoo duulay Bari iyo Mudug.
Dadkaa kasoo duulay meelaha fogfog ee ku amar ku taagleeya dagaankan ayaan iyagu tira ahaan hadii la fiiriyo dhanayn 10% beesha Absame ee dagta Jubbaland, maalna warkiiba daa, sababta ay ugu suurowday in 1993-gii ilaa hada gacanta ugu jiro dhul ayna udhalan ayaa ah iyaga oo isku raacay xaaraan kunaaxnimo iyo dulmi, shar iyo khayrbana daba istaagay hogaamiyayaashooda, dadkooda ayaa lacagta hura oo gar iyo gardaraba waxii la yidhaahdo beesha maslaxadeeda ayaa lagu fulinayaa ka hadlin.
Sababta kale een xusi karo ayaa ah deegaanka Jubbaland oo ah (iskadag) macnaha dadkii lahaay waa hurdaan, nin walbana kuhaminayo. Cabdullhi Yusuf ayaa la shiray dad beeshiisa kasoo jeeda, kuwaas oo kala hadlayay arimaha dawlada, waxaa Cabdullahi usheegay in hadii uu ku guulaysan waayo madaxwaynanimo Somaliya, aanu marnaba khasaarayn oo uu hubkan iyo ciidankan u isticmaali doono sidii uu Kismayo ugu soo celin lahaa gacanta Harti.
Beesha Absame ayaa iyadu ku caan baxday inayna ka faa�idaysan fursadaha soo mara, isla markaana hogaamiye kasta oo soo mara iyagu ka hor yimaada intaan shisheeyaba lagaadhin.Akhristaw ma is waydiisay xagee ku danbeeyay Ahmed Omar Jees? Tolkii ayaa ku eedeeyay inuu yahay nin kaligii tashade ah oo madax adag, lalana shaqayn Karin. Taasi waxay keentay inuu deegaanku udhashay isaga tago.
Hadaad waraysato reer Puntland waxay kuu sheegi inuu Cabdullahi Yuusuf yahay nin madax adag, oo kaligii tashade ah. Waxaa dhacday inuu salaadiintoodii qaar kamida ag qoorta caseeyay, waxaa dhacday inuu intaasoo goor dagaal kadhex riday dhexdooda, waxay kuu sheegi iyagoo dhibkaas oo dhan uu ku hayo inay hadana fiirinayaan maslaxadooda guud una samrayaan si ayna isaga hor iman oo markaas ayna u wiiqmin.
Maanta waynu arkaynaa halkay marayaan. Dad ayaa Muuse Suudi oo ayanu kadharagsanahay xikmad yaridiisa u dul qaatay inuu hogaamiyo, si ay u ilaliyaan isku duubnidooda. Qanyare ayaa rag horjooge ka dhigtay.
Bilawgii sagaashamaadkii ayaa dhulka xeebaha ah ee laga bilaabo Raaskambooni ilaa Buurgaabo oo markaa iyada ah cidina daganayan ka sameeyay magaalooyin Sheekh Hassan Turki. Dagaankaas ayaa noqday dhul ay soo buux dhaafsheen dad badan oo Absame ah una badnaa qoysas agoon ah, waxay noqotay meel lagu uruuriyo agoonta laguna kaalmeeyo.
Ganacsiga ayaa muda gaaban cirka isku shareeray, waxaana bilawday in Raaskambooni kusoo xidhaan doomo ganacsi oo isaga kala goosha Mombassa iyo Raaskambooni. Doomahaas ayaa Kenya u dhoofin jiray kaluun iyo aargosato kana keeni jiray badeeco kala duwan.
Waxaa kaloo doomahaas ganacsiga ah garab socday kuwa kale oo iyana keeni jiray mucaawino raaashin ubadan oo loo qaybin jiray agoontaas iyo waliba dadka dagan deegaanka badankiis oo ahaa dad aan waxba haysan. Absamaha oo lagu xaman jiray inayna bad iyo kaluun waxba ka ogayn, ayaa malay iska daaye bilaabay inay lafaha qubada feentaan, subaga iyo dhuuxeedana cabaan.
Dakadii Kismaayo ayaa cidhiidhi gashay. Raaskambooni ayaa noqotay dhul la helay. Horay ayaan usoo sheegay inaan Absame fursad ka faa�iidaysanayne, nasiib daro waxaa dhacday in qaybo Absamaha kamid ahi meeshii saa mudada gaaban ugu horumartay ee agoonta lagu hayay duulaan ku qaadeen, iyaga oo ku andacoonaya in qolo kusoo duushay deegaankoodii.
Waxaa kaloo iyana dhacday in dad Absame ah oo calooshooda ushaqaysteyaal ahi Sheekhii hawsha hormuudka u ahaa makri iyo dhagar u maleegeen, iyaga oo hoos ordaya lana shaqaynaya safaaradaha Nairobi qaar kamid ah iyo sirdoon shisheeye, una sheegaya warar been abuur ah. Jawaasiistaas ayaa ujeedadoodu ahayd inay iftiinkaas meesha kajiray damiyaan, shilimo yarna ka qaataan safaaradaha shisheeye.
Absame sidii larabay ugama faa�iidaysan dhulkaas aan kasoo sheekeeyay. DAMBARKEEDA NIMAAN MAALI JIRIN DOONI HA U SHEEGIN.
Waxaa kaloo xusid mudan in Allaha u naxiirstee Sheikh Cabdullahi Qoraxay uu naftiisa iyo maalkiisaba geeyay gudaha kismaayo, si uu gundhig ugu noqdo Absamaha si ay usoo dagaan magaaladooda, ugana soo laabtaan xeryaha qoxootiga ee ay ku oodanyahiin.
Absame fursadaas kama faa�idaysan, inkasta ooy jiraan dad magaaladoodii kusoo laaabtay . Kooxdii Mudug kasoo duushay ayaa markay arkeen dadaalka uu Xaaji Cabdullahi wado, khaarajiyay, lamana helin maal qabeeno kale oo Absame ah oo qaada talaabadii geesinimada lahayd ee Xaajiga.
Heyshada kooxda Mudug ay heysato dhulka Absame waxay ku heleen magac iyo mansab. Waxaynu lawada soconaa in Barre Hiirale labadii dawladood ee Cali Mohamed Geedi mid walba ka helay jagada wasiirnimo. Hiiraale ayaa isagu sheegta inuu matalo deegaanka jubbaland, waxaynanu lawada soconaa inuu wakhtigan ku guda jiro maamul uu u samaynayo deegaanka uu xaaraanta ku haysto.
Kooxdan Mudug ayaa iyagu ah kuwa ku amar ku taagleeya gobalka, khayraadkiisana booba. Waxaan wada xusuusanahay dhacdadii argagixisanimo ee lagu gubay magaalada Dhoobay.
Nin ayaa nin kale waydiiyay hebelaw hashan iyada oo lugta kajaban oo dhaawaca ah intanoo caana ah laga lisay, maxaad umalayn hadayd hadey caafimaad qabi lahayd? Waxa uu ugu jawaabay waxaan umalayn inay geeleeda raaci lahayd.
Jawaabta ninka su�aasha lihi rabay waxay ahayd way kasii caana badnaan lahayd. Waxan uga jeedaa akhristaw maxaad umalayn hadii xaaraan kunaaxyada dhul dabadii kasoo duulay, ay lahaan lahaayeen dagaanka Jubbaland laga bilaabo Baardheere ilaa Raaskambooni, ma lagu wada hadli lahaa Kismaayo?
Maxaadse umalayn hadii kooxdani ay lahaan lahaayeen dagaanka North-eastern Kenya laga bilaabo Diif ilaa Garissa, ma lagu wada hadli lahaa Kismayo?
Ugu danbayn akhristaw waxaad is waydiisaa hadii kooxdan Mudug cudud ku lahaan lahaayeen Kenya sida aqoonyahano, xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan sida janano, iyo waliba madax sarsare oo kala duwan sida gudoomiyaal gobal iyo kuwa dagmo, ma u malayn in Kismayo gacan dad kale ku jiri lahayd? Jawaabaha adaan kuu daayay.
Morgan oo gacan kuhaynta Kismayo uga horeeyay Hiiraale ayaynu ogsoonahay fogida meesha uu kasoo duulay, iyadoo ciidamadii uu magaalada ku cabudhinayay badankooda doomo lagaga keenay Boosaaso. Waxa uu kala xaday dadkii dagaanka lahaa oo qaar kamid ahi isaga u dagaalameen.
Morgan ayaa markii Kismaayo ay kasaareen kooxda Mudug, isaga oo baqa ah soo maray deegaanka Afmadaw, meeshii maxkamad lasaari lahaa lagana abaal marin lahaa danbiyada uu kagalay dadka deegaanka, ayaa waxaa dhacday in Absamaha dhexdiisa dad kukala dhintay iyadoo kooxi leedahay ninkani waa magan oo waynu badbaadin, kuwana leeyahiin ma waalantihiin mafursadan oo kalaaba lahelaa, intii la is haystay ayuuna sidaa ku baxsaday.
Iyana waxaynu xusuusanaa dhawr sano kahor Morgan oo kusoo jabay duulaan rogaal celin ah oo uu kusoo qaaday Kismaayo, joogana Dhoobay inuu idaacadaha ka yidhi waxaa isoo jabiyay Hassan Turki. Saw layaab ma aha in isaga oo Dhooblay jooga nacalad dhalada uga tuuro culima awdiinkii deegaanka mid ka mid ah? Labadaa goorba Absame kama faa�iidaysan fursadahaas qaaliga ahaa oo ninkaas sheekadiisa ma soo gabagabayn.
Akhristaw waxaa koonfurta Somaliya badankeeda kadhacay kacdoon shacab, oo la iskaga tuuray heeryadii dagaal oogayaasha. Kacdoonkaas ayaa waxaa hormuud ka ah maxkamadaha islaamiga ah.
Hadaba waa su�aale Absame maxaa kareebay khayrkaa umada ilaahay usoo diray? Aaway culimadii Absame? Miyayna ahayn inay dadka u hor kacaan kocdoon lagaga faraxalanhayo Hiiraale iyo inta la halmaasha? Aaway aqoonyahanadii iyo ildheergaradkii Absame? Aaway maalqabeenadii? Absame ma waxuu suguyaa in sheikh ka yimid Bari ama Mudug magaalada Kismayo ka eryo Hiiraale? sidaana inoogu furan reer mudugu maxkamad islaami ah? Xaalada beeshan Absame ayaad moodaa NINKII HOOYADAY GUURSADABA WAA ADEERKAY.
Gabagabadii, hadaan Absame xaaladiisa wax ka badilin isku duubni, ismaqal iyo isku tashina la iman, waxaa hubaal ah inuu Geeska Afrika kaga suuli mudo aan dheerayn, Illaah oo badbaadiya ma ogiye.
Waxaan ugu baaqayaa beelwaynta Absame ee dagta Jubbaland inay sida ugu dhakhsaha badan uga faa�iidaysan kacdoonkan socda, oo inta isku tashadaan Illaahayna tala saartaan iska qaadaan heeryada warlordka, waa fursad dahabi ah oon dib danbe usoo noqonayan .
Wixii aan saxay ilaahay xagiisa ayay ka ahaatay, waxaan khaldayna waa naftayda iyo shaydaan, Allaana danbi dhaaf waydiisanayaa.
Yusuf Abdi [email protected]
NB: Qoraalka waxuu katurjumayaa arigtada qoraaga ee looma fasiran karo inay tahay aragtida Godeynews.com. Hadii aad hayso qoraal soo dir waxaa dhici karta inaan daabacno.
|
|
|
|
|
|
 

|