|
|
BEENTA IYO DHALANTEEDKA AY KOOXDA ONLF WELI KU BAAFINAYAAN ADUUNWEYNAHA. Qore ABDIRISAQ MACALIN (Germany)
|
In mudo ah wax kama aan qorin kooxda onlf waayo waxaan u arkay in aysan mudneyn In aan waqtigeyga qaaliga ah ku lumiyo laakiin waxaan ka adkeysan waayay beenta iyo dhalanteedka ay aduunweynaha ku baafinayaan Soomalidu waxay ku maahmaahdaa dhagax taabasho iyo tuujin waa isku mid hadii aad kooxdan khaladkooda aad u sheegto wax kuma qaadanayaan oo dhaladkii mid ka sii xun ayay sii galaan.
Waxaa in mudo ah socday kacdoon shacabka dhexdiisa ah oo lagu saluugayay Maamulka kooxda onlf iyada oo dad badan ay u arkaan in gudoomiyaha kooxda uu xukunka jabhada jeebka gashtay si sharci daro ahna uu ku joogo Jagada gudoomiyanimada iyada oo la soo dhaafay xiligii ay ku ekeyd intii la Doortay in ka badan 3 sano waxaa badatay qayladii iyo cabaadka shacabka ogadenya taasi oo ay ku codsanayeen in doorasho la qabto waxay ku dhaceen dhago daboolan.
Hadaba waxaa igu kalifay in aan kooxdan wax ka qoro waa mar aan dhageysanayay wiigii la soo dhaafay wareysi ay bbc-du la yeelatay gudoomiyaha kooxda onlf isaga oo laga waraystay `arimo dhawr ah Oo ay ka mid tahay nabada iyo halganka hadii aan ku horeyno Xaga nabada gudoomiyaha kooxda onlf ayaa waxuu yidhi anagu Ma diidanin nabada!!! wareegto ayay kooxda onlf soosaartay ay ooga soo horjeedo nabada ay odayaal dhaqameedyadu wadaan marka gudoomiyaha Iyo kuwa maamulkiisa ah ee wareegtada soo saaray iskama warhayaan miyaa?
Misa Waa been cad oo aan geedna loogu soo gabanin!!!
Hadii aan idin xusuusino nabadii ay odayaal dhaqameedyadu wadeen marxaladihii ay soo martay iyo carqaladihii hor istaagay.
Sida aan la wada socono waxaa socday dadaal dheer oo ay wadeen odayaal Dhaqameedyada gobolka ogadenya sidii ay nabad waarta ooga dhalin lahaayeen gobolka ogadenya dadaalkaa oo socday mudo gaadheysa 3 sano odayaal Dhaqameedyada gobolka ogadenya waxay dadaalkooda nabadeed ka soo bilaabeen shacabka gudihiisa kana dhaadhiciyeen in ay nabadu lama huraan Tahay waxayna u sii gudbiyeen ilaa iyo dawlada Ethiopia iyaga oo la kulmay Prime minster meles zenawi waxayna ka dhaadhiceen hadafkoodii ay wateen ee ahaa in nabad waarta laga dhaliyo gobolka ogadenya wuuna ka aqbalay .
Sida ay noo sheegeen odayaashu in ay ku amreen prime ministerka In uu soo saaro wareegto oo uu ku cadeynayo in dawladiisu ay diyaar u tahay In ay wadahadal nabad raadis ay la yeelan doonto kooxda onlf wuuna aqbalay waxuuna soo saaray wareegto ah in ay diyaar u yihiin in wadahadal Nabad doon ah ay diyaar u yihiin .
Laba maalmood ka dib ayay kooxda onlf iyaguna wareegto ay ku cadeynayaan in ay diyaar u yihiin in ay wadahadal nabad raadis ah la yeeshaan dawlada Ethiopia .
Odayaal dhaqameedyadii ayaa hawshoodii dhexdhexaadinta labada dhinac bilaabay Odayaal dhaqameedyadii markii ay gudaha wadanka joogeen waxay xidhiidh la yeesheen kooxda onlf waxay la kulmeen gudoomiye Ku xigeenka onlf mohamed ismaciil waxay odayaashu sheegeen in ay wadahadlayeen habeen iyo maalin wax natiijo ah kalama aanaan kulmin Oo wax walba wuunaga diiday ayay dhaheen.
a) hadii ay og yihiin in aysan nabada aqbaleynin maxay oogu horeyntii wareegtada ogolaanshaha wada hadalada u soo saareen?
b)Ma meelo kale ayaa amarka la siiyaa oo lagu yidhi Nabada Diida?
Ma iyaga qaar kamid ah ayaa wareegtada soo saaray iyada oo Aan laga wada tashanin?
Odayaashii waxay ku soo noqdeen Magaalada godey iyaga oo aad u niyad Jabsan wax natiijo ahna aan wadin odayaashii hawshii nabada ayay sii wadeen waxay sanadkan horaantiisii u soo ambabaxeen yurub iyo america Waxayna shirar kala duwan ku qabteen wadanka Ingiriiska , Denmark, Sweden iyo America si aad u heer sareysa ayaa shirarka ay qabteen looga soo qeyb galay shirarkoodii loona soo dhaweeyay fikirkoodii nabad Doonka ahaa.
Odayaal dhaqameedyadu waxay shirarkii Ka cadeeyeen in kooxda onlf ay diiday in ay la shiraan odayaasha nabadana ay ka qeybqaataan waxayna kooxda onlf ku furtay dacaayad raqiis ah sidii ay Caadada u lahaayeen dacaayadaas oo ay dhaheen odayaashu waa daba qoodhi iyo odayaashu Ethiopia ayaa soo dirsatay oo ay u shaqeeyaan laakiin taasi ma hor istaagin shirarkii Ay odayaashu qabanayeen oo dadweynihii dibada ku noolaa ayaa odayaasha aad u taageeray fikirkoodiina aad ayaa loo soo dhaweeyay.
Gudoomiyaha kooxda onlf mar ay BBC wareysi la yeelatay waxuu sheegay in aysan nabada diidin waxaan heynaa wareegto ay soo saareen kooxda onlf Oo ay ku daabaceen web Sitka afkooda ku hadla ee www.ogaden.com oo ay kaga soo horjeedaan nabada ay odayaal dhaqameedyadu wadeen diideena In ay wadahadalo nabad raadis ah ay la yeeshaan dawlada Ethiopia.
1) marka gudoomiyaha kooxda onlf ma ka war hayaa qoraalada iyo wareegtada uu ururkiisu soo saaro? Sidee ayuu u dhihi karaa anagu nabada ma aanaan diidin!!
Nabadu waa saldhiga nolosha bulshada dawlada Ethiopia hadii ay wadahadal ogalaatay kooxda onlf iyaga ayay nabadu dan oogu jirtaa laakiin Kooxda onlf dan kama ay lahan dhibaatada soo gaadheysa shacabka ogadenya waxayna qeyb ka yihiin carqalada hortaagan in nabad ka dhalato gobolka ogadenya ilaa xal loo helo ama maquunin ama wadahadal nabadeed Way ka dheer tahay in gobolka ogadenya nabad waarta ka dhalato.
Mar BBC-du waxka weydiisay gudoomiyaha kooxda onlf in lagu eedeeyay in laayeen dad shacab ah waxuu ku jawaabay in aysan onlf aysan dad shacab ah dilin jawaabtaa gudoomiyaha oo xaqiiqada aad ooga fog ayaa waxay ka xanaajisay dad farabadan oo ay qaraabadooda onlf ku dishay. Dadkaas oo isugu jira caruurta ay abahood dileen ee ay agoonta ka dhigeen gabdho ay aseyda U saareen oo ay ninkoodii dileen.
Waxaan heynaa in kabadan 100 ruux magacyadooda oo ay kooxda onlf ku dishay gudaha ogadenya gudoomiyaha kooxda onlf riyada ha ka baxo oo aduunyada dhabta ah ha yimaado yaysan inkirin dadka ay xaqdarada ku dileen. Waxaan kale oo aan heynaa wareysi ay sanadkii la soo dhaafay la yeelatay BBC-du gudoomiyaha onlf oo uu leeyahay waan Dilaynaa ugaasyada, odayaal dhaqameedyada iyo waxgaradka.
Waxaan jeclaan lahaa in la xusuusiyo gudoomiyaha kooxda onlf dilkii oogu danbeeyay ee ay kooxdiisu Gaysatay in uu ahaa kii lagu dilay 6 ruux Oo uu ku jiro suldaankii beesha abraahiim oo ay ku dileen tuulada caado Marka waxaa maskaxda cadiga ka weyn in uu gudoomiya kooxda onlf uu si Badheedh ah u dhaho shacab ma�aanaan laynin .
Waxyaabaha ay dadweynahu aad ooga xanaaqeen waa markii ay kooxda onlf ay diiday in ka qeyb qaataan nabadii ay odayaal dhaqameedyada wadeen laba wiig kadibna waxay la saxiixdeen heshiis nabad doon ah kooxaha mucaaradka ah oo ka kooban amhara oromo sidamo ururka amahara waa urur ka soo horjeeda kala go'goida ethiopia wax xuquuq ahna uma ay ogola shacabka ogadenya.
Ururka Oromada waxaan isku haysanaa dhul oo waxay rabaan in ay la wareegaan dhulka ay soomalidu degto ururadan mucaaradka dhamaantood wey ka soo horjeedaan in xabad xal lagu raadiyo waxayna aaminsanyihiin in wadahadalo wax lagu raadiyo waxaa dadka kaga yaabisay siyaasad xumada kooxda onlf
1)Hadii ay nabad in xal lagu raadiyo ka ogalaadeen maxay ku diideen nabadii ay wadeen odayaal dhaqameedyada?
2)Kooxda onlf ma ka tanaasushay halgankii hubeysnaa ee ku saleysnaa xornimo gaadhsiinta ogadenya?
3) Kooxda onlf ma khaainul wadhanbaa oo qadiyadii waxay ka iibsadeen ahmara iyo oromo iyaga oo fiirsanaya danahooda gaarka ah?
4)Su'aalaas oo dhan iyo kuwii ka horeeyay waa in ay kooxda onlf ka soo jawaabaan hadii aysan waxba qarsaneynin khaa'inulwadhana aysan aheyn?
Waxaa dhamaan waxgaradka ogadenya ka yaabiyay siyaasad xumada kooxda onlf iyo marin habaabinta halganka ogadenya taariikhda ayaana la xisaabtami doonta kuwa iibsaday qadiyadii iyo halgankii soo jireenka ahaa ee shacabka ogadenya.
Qodabadii heshiiska ee ay kooxda onlf la saxiixdeen xisbiyada mucaaradka kuma uujiro hal qodab oo ka hadlaya aayo ka talinta shacabka ogadenya maxaa shacabka 15 sano dagaal loo galiyay taasi oo ay dad aad u fara badan ay naftooda ku waayeen maxay dadkaas ku dhinteen waxaas oo dhan ma hal bacaad lagu lisaybaa!!!
Gudoomiyaha kooxda onlf ay BBC-DU wareysi la yeelatay ayaa waxuu sheegay in ay cuntada ay siiyaan xoolo dhaqatada iyo geel jiraha taasi oo kaliftay in sedexdii bilood ee la soo dhaafay ay ciidamada ethiopia laayaan dadka xoolo dhaqatada iyo geel jiraha dad badan ayaa waxay aamin sanyihiin in gudoomiyaha kooxda onlf uu si dadban oola shaqeeyo ciidamada iyo dawlada ethiopia.
Gudoomiyahuna uu ka danbeeyo xasuuqa iyo dilka loo geysanayo xoolo dhaqatada iyo geel jiraha waayo haduu daacad yahay kana danqanayo dilka iyo dhibaatada loo gaysanayo shacabka ogadenya ma uusan baafiyeen cida ciidankiisa wax siisa isaga oo og in dadkaa uu magacaabay loo geysanayo xasuuq dil iyo dhac waxaanan dhihi karnaa gudoomiyahu waa qeyb kamid ah dhibaateynta shacabka Ogadenya.
Mudo hada laga joogo 6 bilood mar ay BBC-du waydiisay meesha uu ka joogo gobolka ogadenya ayaa waxuu magacaabay magaalo ay degaan beesha reer SACAD waxaana ciidamadu ay islamarkiisa tuuladii ay dad kulaayeen. Falalkaa uu ku kacayo ayaa waxay cadeyn u tahay in uu gudoomiyaha onlf safiir u yahay cadowga ethiopia si dadbana ula shaqeeyo.
Anaga oo fiirineyna siyaasadaha is bad badalaya iyo heshiiska dhabarjabinta ah ee ay kooxda onlf la gashay ururada mucaaradka ah ayaa waxaa hada soo dhawaatay dhamaadkii jiritaanka kooxda onlf iyada ayaana siyaasad ahaan isu burburisay markii ay heshiis aysan dan oogu jirin ay la saxiixdeen ururada mucaaradka ah oo ka soo horjeeda jiritaanka shacabka ogadenya iyaga oo aan noo aqoonsaneyn qawmiyad ahaan inoo arkana reer guura u soo daaqdin tagay dhulka Ethiopia.
(This is the end of onlf) new chapter will start soon.!!!!
Waxaana bilaaban doona waji cusub oo nabad doon ah oo lagu raadin doono xuquuqda maqan ee shacabka ogadenya.
Qore:Abdirisaaq Macalin(Germany) Xigasho:Ogadennews.com
NB: Qoraalakan kama turjumaya arigtada Godeynews ee waxuu katurjumayaa aragtida qoraaga kuqoran. Hadii aad hayso qoraal u baahan in ladaabaco soo dir waxaa laga yaabaa inaan kusoo daabcno.
Source: |
|
|
|
|
|
 

|