GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Sag sag laysee xageebay ONLF sal dhigan. Qore Axmed Daahir
Waxaad moodaa in ururka ONLF uu marayo meeshii ayna dhaafi jirin kacdoomadii kala duwanaa ee lasoo maray oo mid walba markii lays dhoho maantuu hagaagay ay hogaanka sare ama siyaasiyiintoodu iska hor yimaadaan kadibna halkaa ku bur buro marka manta sow mamoodid in halkii lamarayo?

Markaad u kuur gasho ama aad xog ogaal utahay jabhadao ONLF waxaad dareemaysaa sida kaliya eey ku badbaadi karto in aytahay moxamed cumar cismaan oo laga badalo waayo meesha khilaaf aad iyo aad ubalaadhan ayaa soo kal dhex galay wuxuuna kabilowday shirwaynihii hala qabto taas oo mudo kabadn 4 sano uu kawar wareegayo gudoomiyaha ONLF

waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ladagaalamayaa dhamaan dadkii uu islahaa halgankay kaaga aqoon badanyihiin iyo intii ooga soo horaysayba waxaana oggu danbaysay talaabadii ay hada qaadeen oo ayna xurmayn ciidankii dagaalamayay ooyna xurmayn madaxdii jabhada oo ayna xurmayn kaadirkii jabhada oo ayna xurmayn dhamaan inta jecel xoriyada

taas waxaan odhankaraa waxay oogu tala galeen kala taga jwxo oo micneheedu yahay hadii aana joogayn waan kala dirayaa wuxuu doorashada udiidanyahayna wuu ogyahay in uusan guulaysanayn oo fulay xantii ma moogo mana uusan diideen haduu leeyahay waad guulaysan

Waxaa kale oo uu sheegay waa gudoomiyehee hadii meesha laysku dayo in laga qaado in ayna wayl wayl karaacayn oo uu gacanta ugalinayo itoobiya waxaa kale oo jirta in ay ciidamadii amar diideen kadib markay arkeen wuxuu ku dhaqmaayo maxamed cumar.

Waxaan farayaa dhamaan inta jecel xoriyada in ay ku dhaqaaqaan badbaada halganka oo manta meel fiican maraya waa haday wax garanayaan dadkani, hadii kale maalin kale ayay dhahayaan maxaa saa loo odhan waayay.

Qoraalku ma dhmaystirno ee qaybtiisa kale dib ayaan kasoo dhamays tirayaa.


Qore: Axmed Daahir
E-mail;[email protected]


NB:Godeynews masuul kama aho qoraalkan e waxay katurjumaysaa aragtida qoraaga kusixiixan.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com