|
|
Jaaliyadda Absame ee Bristol UK oo katala bixineysa qorshaha cusub ee beesha Absame.
|
Waxaan salaan guud iyo mid gaar ah halkan uga tabineynaa Walaalaha Absame ee kukala nool dacaladda dunida kuwaasoo aad moodeysay iney suursaanaayeen 16kii sano ee lasoo dhaafey.
Su aasha ay dad badani isweydiiyaan ee ah Absame waa dadka ugu badan geeska Afrika haddana magacooda mooyee muuqooda lama arko ee xaggey jiraan. Waxaan leenahay beeshani waxey ka dhabeysay rabitaanka Illaahey iyo raali galintiisa, waxeyna marna aysan qaadin wax tallaabo ah oo kadhan ah diinta Illaahey iyagoo doortey iney ka hadhaan dagaalada ehliga ah ee ka dhacayay guud ahaan dalka Somaliya.
Taasi waxey dhalisey iney beeshu noqoto midda kaliya ee u babac dhigta cadowga caamka ee islaamka iyo kan Somaliyed oo ah Ethiopia oo illaa muddo qarni ku dhaw ay iska caabinayaan.
Walaalaha Somaliyed inbadan oo kamid ahi waxey beeshan ula safteen cadowga Ethiopia iyadoo dad badan oo masaakiin oo dhulkoodii amni xumo ooga soo tagey inta la qabtey dib loogu gacangaliyey Ethiopia. Waxaa dhacdey in gacanlaabashadii beeshan ay keentey in deegaankoodii la isku qabsado ama ay in badan ku dagaalamaan beelo Somaliyed oo aan iyagu dan ka laheyn daadinta dhiigga Somaliyed.
Raggii beesha Absame ee damcey iney laqastaan qabqablayaashana waxey waayeen taageero ciidan taasoo micnaheedu ahaa in beesha nin weyn iyo mid yarba aysan kola diyaar u noqon iney magac qabiil ku dagaal gasho sidaas darteed dad islaam ah oo ashahaadanaya ay ku gumaadaan.
Haddaba beesha Absame ee magaalada Bristol ee waddanka UK waxey u aragtaa talaabadan ay maxkamaduhu ka qaadeen guud ahaan dalka Somaliyed arin aad u wanaagsan taasoo aan taageero buuxda siineyso inta ujeedadu tahey magaca Ilaahey iyo difaacidda dalka iyo qaranka Somaliyed.
Beesha Absame dhamaanteed inkastoo ay nasiib daro tahey in gumeysigii caddaa qaybqaybiyey dadka Absame haddana waxaa hubaal ah in umaddu tashato iskuna raacdo u gargaaridda diinta Illaahey iyo sugidda Amniga iyo nadaamka. Waxaa kale oo muhiim ah in beeshu sidii looga bartey ay ahaato beel walaalnimada jecel soona dhaweysa cid walba oo taageeradooda ubaahata.
Dunidani waa ayaamo waana hadhka labadiisa galin, sidaa darteed beeshan oo ah beel lagu yaqaano diin jacayl iyo alla ka cabsi waxaan bideynaa iney wanaagga sii xoojiyaan xumaantana ka dheeraadaan. Waxaa iyana lagama maarmaan ah in beeshu aasheed socoto oo ay marwalba taagteeda talaabsato iyadoo xeerineysa axwaasha ku xeeran.
Guud ahaan gobolada Jubbooyinka waa in laga bilaabo olole nidaam iyo kala danbeyn kaasoo ka amarqaata Maxkamadaha si loo helo hirgalinta diinta illaahey iyo difaacadda dalka iyo dadka.
Waxaan soo dhaweynaynaa wada shaqeyn dhexmarta maamulka maxaakiimta ee Kismaanyo jooga iyo beesha inteeda kale ee kukala dhaqan agagaarka illaa iyo dalka Kenya .
Socdaalka cusub ee wafdiga Kenyaanka ah ee ay Dawaare iyo Sheekh Umal hogaaminyaan aad baan usoo dhaweyneynaa waxaan rajeyneynaa iney tahay fursad wanaagsan oo haddii sidey tahay looga faaideysto nabad iyo caano kusoo dabaali kareysa dalka iyo dadka Somaliyed gaar ahaan beesha Absame iyo deegaankooda.
Mujtamaca Absame ee kudhaqan dibadaha iyo ganacsatada.
Waxaan iyana fareynaa iney fadhiga kakacaan oo ay cilmigooda iyo hantidooda dib ugu dhisaaan waddanka kuna laabtaan gobolada Jubbooyinka si ay ugu faaideeyaan walaalahooda tabaaleysa ee kusugan gudaha dhulka. Waa in la helo shirkado noocyo badan oo kahawlgala adeegyada kala duwan. Ma jiraan cid aan sugnaa maaddaama oo aysan jirin dawlad Somaliyed. Ninwalba oo inaga mid ah waa hawl u taalla inuu waxqabad galo tabartiisa iyo taladiisa.
Ogadenya waa hadur maalinwalbana waxaa dadkeenii lagu gumaadaa dhulkoodii. Wiilal Tigree ah ayaa sidey doonaan sameeyo. Dhiba lagu hayo shacabka Somalida Ogadenya darteed, Ethiopia marnaba ma rabto in beesha Absame ay naf yeelato isla markaana ay ka muuqato shaashadaha Somaliyed. Wadajir, walaalnimo, talo saarasho ilaahey iyo wadatashi ayaan wax ku goosan kareynaa.
Masuuliyiinta Absame ee kujira dawladda Ethiopia waxay qaateen riyada Zenaawi iyo tirtiradda walaalaha Somaliyed waxayna kawada naxsanyihiin in beesha Absame ay ka soo dhexbaxdo sawirka Somaliya. Dawaare iyo kuwa Kenyana waa ay ku faraxsanyihiin, waxayna taasi nasii bareysaa gumeysiga Ethiopia iyo cadaawaddiisa..
Waxaan hadalka kusoo koobeynaa, waxaad iska dhigto ayuu dadkuna kuu arkaa, marwalbana ilaahey raali galintiisa ogaada. DAL NINKIISAABAA ISKA LEH, su aashuse waxey tahey diyaar ma tihiin inaad hanataan, dhisataan, kuna dhaqataan.?
Beesha Absame Magaalada Brsitol, UK [email protected] Ahmed Abdi"
|
|
|
|
|
|
 

|